Al-Shabaab Oo Labo Qof Ku Toogtay Baraawe


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Baraawe [Radio RBC] Ururka Al-Shabaab ayaa shaley galab ku toogtay degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose labo qof oo ay ku sheegeyn in ay ahaayeen basaas ama jaajuus.

Al-Shabaab ayaa ku eedeeyay labada nin in ay u shaqeenaayeen wax ay ugu yeereen cadowga ummada Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka.

Goobta lagu toogtay labada qof oo ahaa rag ayaa waxa ku sugnaa dad aad u badan, kuwaasoo daawanaayay qaabka dilka uu u dhacay.

Sida ay sheegeyn dad ku sugan Baraawe, labada qof ee la dilay ayaa waxa ay ku sugnaayeen degmada kuwaasoo dhawaan laga qabtay halkaas.

Al-Shabaab ma sheegin magacyada ragga ay dileen, laakin waxa ay ku eedeeyeen in ay la shaqeeyaan dowladaha la dagaalamaya ururkooda.

Dilka shaley ka dhacay Baraawe, ayaa ku soo aadaya iyadoo markii Al-Shabaab ay ka baxday magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelaha Hoose ay ku dileen ilaa seddax qof oo uu ku jiro shaqaale hey’adda WFP.

Al-Shabaab oo xoog ku lahaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa hadda waxa heesta culeys ballaaran, taasoo sababtay in ay ka baxaan magaalooyin waaweyn oo muhiim ah, oo ay ku jirto Marka oo ka mid ah meelaha ay dhaqaalaha ka soo galaan.

Al-Shabaab ayaa wali ku sugan magaalada Baraawe oo u dhow Marka, laakin dadka ku sugan halkaas waxa ay lee yihiin caga badan kuma taagno.

RBC Radio

====================

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

2 Responses for “Al-Shabaab Oo Labo Qof Ku Toogtay Baraawe”

  1. [...] Read the article: Al-Shabaab Oo Labo Qof Ku Toogtay Baraawe [...]

  2. caalim says:

    illhow kuwan umadad kasoqabo

Leave a Reply