Al-Shabaab Oo Sheegay in aysan Joojin Doonin Weerarada Isqarxinta Ah
Muqdisho (RBC Radio) Iyadoo shalay ay qaraxyo xoogan ka dhaceen magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay ka danbeeyeen Al-Shabaab ayaa hadana kooxdaan ka soohorjeeda dowlada waxay sheegtay in ay sii wadi doonaan weerarada.
Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo ah Afhayeenka guud ee Ururka Al-Shabaab ayaa wuxuu sheegay in hadafka iyo dagaalka Shabaab marna uusan is badali doonin.
Wuxuu sheegay xataa hadii uu meesha ka baxay madaxweynihii hore ee SOomaaliya Shariif Sheekh Axmed in uu sii socon doono dagaalka u dhaxeeya Al-Shabaab iyo dowlada.
Cali Dheere ayaa wuxuu sheegay in ay ugu baaqayaan dadka Shacab ah in ay ka hortagaan cid walba oo hogaaminaysa dowlada, isla markaana wuxuu sheegay in uu cadaynayo in hadafkii Al-Shabaab uusan dhamaan.
Al-Shabaab ayaa horay u sheegtay in qof waliba oo loo keeno inuu dalkaan maamulo ama Madaxweyne ka noqdo inay la dagaalamayaan,iyaga oo durba shalay weerar ismiidaamin ah ku qaaday Hotel uu daganaa Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Ma ahan markii ugui hoiraysay oo ay Al-Shabaab weeraro waawayn ay ka geestaan magaalada Muqdisho iyo waliba xarumaha ay daganyihiin masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya.
Waxaa horay Al-Shabaab ay weeraro xoog badan ugu dileen Saraakiil iyo wasiiro ka tirsanaa dowlada, ka dib markii ay qaraxyo ismiidaamin ah ay ku weerareen xarumo ay ku sugnaayeen.
RBC Radio
Xafiiska warara Muqdisho












[...] View the original here: Al-Shabaab Oo Sheegay in aysan Joojin Doonin Weerarada Isqarxinta Ah [...]
Alshaydaan waqtigooda wuu dhammaday, waana naf la caari meel ay cuskadaan malaha, Ilahaay ayaa xarigooda gooyey, waa daalimiin godobta ummadda Somaliyeed daba socota, nabsigii ay ummadda somaliyeed iyo diinta sharafta leh ee Islaamka ay galeen ayaa Ilaahay dhammantood cadaabta uga aarsan doonaa.