Al-Shabaab Oo Sheegay In Diyaarad Dagaal ay ku Soo Rideen Gobalka Jubada Hoose


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay diyaarad ka soo rideen ciidamada wadanka Kenya, ee taageeraya ciidamada dowlada dagaalada kula jira kooxda Al-Shabaab.

Xili ay haatan dagaalo ka socdaan deegaano hoostaga gobalka Jubada hoose ayaa Al-Shabaab waxay sheegteen in ay soo rideen diyaarad nuuca dagaal ah taasi oo ka qaybqaadanaysay dagaalka.

Saraakliil ka tirsan kooxda AL-Shabaab ayaa sheegay diyaaradaan in ay soo rideen isla markaana ay gubatay dhamaanteed, inkastoo aysan jirin ilo kale oo madaxbanaan oo arintaasi muujinaya.

Afhayeenka Ciidamada Al-Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in boqolaal Ciidamada Al-Shabaab ah ay xalay gaaren jiida hore ee dagaalka si ay u adkeeyaan Difaacyadooda.

Al-Shabaab ayaa dadaal badabn ugu jira sidii ay u difaacan lahaayeen magaalada Kismaayo isla markaana aanan looga qabsanlahayn magaaladaasi oo ay haatan doonayana in ay la wareegaan ciidanka dowlada Soomaaliya.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

3 Responses for “Al-Shabaab Oo Sheegay In Diyaarad Dagaal ay ku Soo Rideen Gobalka Jubada Hoose”

  1. [...] View article: Al-Shabaab Oo Sheegay In Diyaarad Dagaal ay ku Soo Rideen Gobalka Jubada Hoose [...]

  2. Cali says:

    Ilaa wax cadeyn ah la arko tan waxaan uqaadaneynaa barobagaande dagaal. Dagaalkii Miido shabaab waxey dhaheen waxbaan soo ridnay; weyna beenoowday, marka tana waa tii oo kale. Maanta aduunka waa casri oo ciidamada jiida hore jooga ayaa taleefono kaamiro leh sita, marka cadeyn mahayno duur baa lagu dagaalamayey mar marsiyo manoqoneyso!

  3. Ali soomali says:

    walaal Cali waa runtaa adduunka waa casri laakiin alshaydaan waa jaahiliin been ku shaqeysata oo mar walba waxaan loo joogin dadka ku mashquuliya sidii shuuciyaddii midowga soofyeeti, markay waayaan been ay dadka u sheegaan waxay la soo baxayaan dicaayad raqiis ah sida waraabaha hilibkiisa waa xalaal iwm.

Leave a Reply