Alla Maxaa Igu Watay Qaad Cunistiisa. W/Q Abukar Awale (Qaad diid)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

ALLA MAXAA IGUWATAY QAAD CUNNISTIISA MEEYE CARUURTAYDII
Abukar Awale (Qaad diid)
Abukar_Aw@yahoo.co.uk
Sabteembar 15 2012

Sanadahan danbe ayaa waxaa aad usoo badanaya  walwal weyn oo soofoodsaaray bulshada hooyooyin badan oo kudhaqan wadanka ingiriiska ayaa caruurtoodii laga qaaday iyadoo lagu eedeeyay inay yihiin kheyrul masuuliin aan korin Karin islamarkaakaana daryeeli Karin caruurtooda.

Abukar Awale

Caruurtaas oo isugu jira wiilal iyo gabdhaba ayaa tiradooda waxaa lagu qiyaasay inka badan 100 caruur ah, waa sida aan kazoo kiganay xafiiska akhbaaradka aruuriya ee ( Freedom Information act )

Hooyo kamida hooyooyinkaas Soomaaliyeed oo naga codsatay inaanan magaceeda baahin ayaa waxay noo sheegtay in ay marwalba oohin indhaheeda kasoocoto iyadoo marwalba daawatoa sawirada caruurteeda ,,

Mar aan wax kawaydiinay cunista qaadka oo aad ugu sii fidaya dumarka Soomaaliyeed ayay waxay si qiiro leh uga digtay inay dumarku kadheeraadaan cunista Qaadka, iyadoo kutilmaantay inaysan meelwada galikarin inaad hooyo tahay iyo inaad qaad cuntid ,

Hadaanu nahay bahda ladagaalanka qaadka waxaan lagarabtaaganahay hiil iyo hooba ,talo iyo tusaalayn hooyadaas soomaaliyeed oo caruurta laga qaatay ,waxaana u firay dood maxkamadeed oo ay dib u doonayso in caruurteedii loosoo celiye iyadoo hada iska daysay cunista Qaadka ..

Hooyooyinka soomaaliyeed oo kalana waxaan ugu baaqaynaa inay kadheeraadaan Suntaan cagaaran oo dishay oo baabi’isay rageenii waayo hadii ay dumarkuna kutalaxtagaan ,waa dhabarjab weyn oo aanaan kazoo waaqsan Karin..

Marka waxaan leenahay gabdhahayagii Soomaaliyeed oo Quruxda iyo Qiimahalahaayoow qaadku yuusan idin qaribin ,qayirin Quruxsiina, Qalalin jirkiina Qalibin Qoyskiina Qaadan caruurtiina.

Gudoomiyaha ladagaalanka Qaadka

Abukar  Awale (Qaad diid )

=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags: ,

4 Responses for “Alla Maxaa Igu Watay Qaad Cunistiisa. W/Q Abukar Awale (Qaad diid)”

  1. [...] See more here: Alla Maxaa Igu Watay Qaad Cunistiisa. W/Q Abukar Awale (Qaad diid) [...]

  2. Waayo-arag soomaaliyeed says:

    Maqaalku ma xuma, laakiin waxaan ku erey sida uu u qoran yahay macnaha oo dhan badalaya waana ereyga ah kheyrul masuuliyiin halkaa ku badal qeyrul masuuliyiin. Hadda kadibna qoraalada dib u akhrin ku samee intaadan soo gudbin.

  3. nin somali says:

    waa ciiil aad iyo aad u xanuun badan gaalo ciyalkaga ha qadato lakin waxaan leyahay hadaan nahay somali anaga uunbaa isbadnay waxa nagu dhacaya hadii somali ay hal qura ahaan laheed oo qubqubka dhexdena iyo qabyalad meel dhigi laheen waxaan mudayaa iney xaquuq yelanlaheen oo ciyalkena aanan lasoo haweysan karin familkii xumadona oo ciyalkoda daryeli waya waalala socon lahaa waxana waa laga qaban lahaa ka hor inteey balayo dhacin soomaliyeey war cadawgina u midoba walaala aa tahiine intiii qofkasta meel lagu cuni lahaa kaligiis???????

  4. ahmedpunt---------- says:

    soomaalaay qaad waa gumaysi kii ugu xumaa oo abid aanan inasoomarin ,waayo 1-waxuu dilaa qiyaasta illaa 300.000 kun oo qof lixdii biloodba kuwaas oo u dhinta sabab qaad uu leeyahay sida tiibayda iyo xanuunada uur kujirtada iyo kalyaha . kansarka ciridka iyo ilkaha bishimaha .2-waxuu raganimada kadilaa illaa illaa 700.000 kun lixdii biloodba ama hoos u dhimaa hawadii ninka ,3-waxaa yimaada soomaaliya jin aan naxariisu kujirin oo wata diyaarado lagu wado qashinka jaadka kuwaas oo soogaliya 400.000 tan maalintiiba oo jaada ,jinkaas dayuuradaha qashinka qaadka wata waxuu qaataa malaayiin doolar taas oo u dhiganta 100.000000 milyan oo doolar maalintiiba jinkaas naxariis laawahaa oo u shaqeeya itoobiya iyo kenya wax badeecaa badalka ankee maka sooqaataan qaadkaas qashinkaa badalkiisa oo badeecaa waana ciil iyo murugo 4-jaadkaas waxuu layimaadaa dhamaan anshax xumo iyo mashaqaysitinimo iyo musuqmaasuq iyo qashin fara badan sida haashka sigaarka bacaha iwm oo qeeyb kaqaadata nabaad guurka iyo bey’adda oo xumaata 5- waxuu qaadkaasu waataa dhamaan fidint cudurada faafa maadaama uu yahay qaadku isku keenaha bulshada taas aay kadhalato a-nadaafad xumo iyo isku neefsi oo aay dhici karta inuu fududeeyo dhaqan xumada zinada 5-qaadkaasu waxuu nookeenaa waalida oo siyaada iyo caafimaadara oo aad iyo aad iyo siyaada 6-waxuu qaadku qeyb libaaxle kaqaataa burburin aan dibu noqosho lahayn dal burbursanaa 22 sano iyo fakhri 7-cimri dagdag uu qofku si dhakhsaa uu ku gaboobayo8-bahalnimo uusan qofku kanaxaynin caruurtiisii iyo naagtiisii ,furitaana dabada kuwato oo uu baaba’sho ama dunsho reerkii dahabigaahaa ee nolasha , haddaba intaas iyo in kabadan oo aanan qoraal lagu sookoobi karin ayuu qaad inooleeyahay maxuu haddaba faa’iidaa oo qaad inooleeyahay waa waxba iyo hoog iyo ba iyo aakhiro waa iyo adduun waa haddaba soomaalaay qaad jooji aniguba labaatansano baan cunaayay anoo yar baan bilaabay waxaana iska dhaafay muddo todobo sanaa ka’hor markii aan ku arkay khasaaro iyo ciribxumo iyo sheeko argagaxlex oo qaad dartiis iigu qabsatay baan go’aan ka’gaaray hal habeen haddaba soomaalaay dhaqaalee naftaada soomaalaay dhqaalee diintaada soomaaly utur xaaskaaga iyo ilmahaaga oo joojiya qaadka waxaana lagu joojinkaraa arimahaan hoosta kuqoran a-ninkii gabar lagasoodoonow hasiinin nin qaad cuna b-waa inaan dawladda shaqo laga siin laga soobilaabo meesha uugu hoosaysa oo ah askari illaa heer madaxweyne qof qaad cuna c-waa in dawlada puntland iyo dawladda dhexeba canshuurta qaadka lasiyaadiyaa oo qaadka lageeyaa meel kabaxsan mujtamaca dhexdiisaa d-waa in dadka lamartiqaadayo mujtamaca dhexdiisaa aan qaadku kamid noqon f-waa in dawladda dhexe soomaaliya iyo midda puntland aay sameeyaan dacaayado lagu ciribtirayo qaadka lasameeyaa taas oo UN qeeyb kaqaadanayo oo lagu soobandhigaayo meediyada sida tv da iwm.. haddaba soomaalaay ladagaalan qaadka …..
    waana mahadsanyahay guruubka ladagaalanka cadawga jaadka e euu hagaansho abuukar cawaale. scww

Leave a Reply