Amisom oo Sheegeysa in 5-Askari Kaga Maqan Tahay Jubbooyinka Iyo Kenya oo Sheegeysa In 3-Askari La Soo Helay
Muqdisho (RBC) Taliska Amisom ayaa war saxaafadeed uu soo saaray xalay waxay ku sheegeen in shan askari oo ka mid ah ciidamada Kenya ee ka dagaalamaya gobolka Jubbada Hoose la waayey kadib markii dagaal culus uu ka dhacay deegaanka Miido oo ku yaalla duleedka Afmadow.
Taliyaha Amisom Andrew Gutti ayaa sheegay in askartaasi weli la la’ yahay isla markaana aan laga warqabin xaaladooda waxa ay ku sugan tahay. Sidoo kale afhayeenka Amisom Col Cali Aden Xumud ayaa sheegay in labo askari oo Soomaali ah iyagoo dhaawac ah laga kaxaystay isbitaal ku yaalla degmada Afmadow oo Al-Shabaab ay qabsadeen doraad qadar kooban kadibna isaga bexeen.
Xilliga war saxaafadeedka taliska Amisom uu soo baxay waxaa uu ku soo beegmay waxyar kadib markii shalay ururka Al-Shabaab ay soo bandhigeen meydadka afar askari oo ay sheegeen inay ahaayeen Kenyan ku soo dhintay dagaalkii ka dhacay Afmadow. Al-Shabaab waxay meydadka ku soo bandhigeen fagaare ku yaalla magaalada Kismaayo iyadoo dadweyne fara badana ay u soo daawasho bexeen.
Dhanka kale afhayeen u hadlay militariga Kenya Emmanuel Chirchir ayaa maanta u sheegay wargeyska The Nation ee magaalada Nairobi ka soo baxa in saddex askari la soo heley, inkastoo uusan sheegin xaalada askartaasi ay ku sugan yihiin.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] wadan laga dareemayaa hawlgalada Soomaaliya ka socda, tusaale ahaan dagaalkii ka dhacay deegaanada Miido iyo Afmadow, Taliska Amisom iyo kuwa Kenya si kala gooni ah ayey uga hadlayeen halka uu jiray warar [...]
[...] Tusaale ahaan; 2-dii bishan Sebtembar afhayeenka Kenya Emmanuel Chirchir iyo taliyaha guud ee AMISOM Andrew Gutti ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay askar Kenyan ah oo lagu waayey dagaalkii ka dhacay deegaanka Miido [Halkan ka akhri]. [...]