Aqoonyahan Cabdullaahi Maxamed Warsame (Jeego): Soomaalida Fursadaan Haka Faaiideystaan (Dhageyso)
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
RBC Radio (Minneapolis) Aqoonyahay Cabdullaahi Maxamed Warsame oo ku magacdheer Jeego kana mid ah Ganacsada Gobolka Minnesota kuwooda uguFirfircoon ayaa RBC Radio uga waramay dareenkiisa ku aadan isbededelka aadka u balaaran ee Dalka Soomaaliya ka socda.
Aqoonyahanka oo wareysi gaar ah siiyey Shabakada Raxanreeb ayaa sheegay inuu rumaysan yahay in Bulshada Soomaaliyeed ay heleen fursad aad u weyn oo mudo ka badan Labaatan Sanadood waxana uu ku booriyey in lala shaqeeyo madaxweynaha cusub ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Aqoonyahan Cabdullaahi Maxamed Warsame waxa uu sheegay in maanta dalka uu heysto fursad weyn ee uu kaga soo bixi karo burburka baahsan ee dalka ka jira waxaa is oran karaa in laga faaideysan doono.
“Waxaanu heysanaa baarlamaan wanaagsan oo dad waxgarad ah ka kooban iyo Madaxweyne wanaagsan oo dhalinyaro ah oo dalka aad uga soo shaqeeyey oo runtii la isoran karo Soomaalida rajada ugu wanaagsan ayey leedahay” ayuu wareysiga ku sheegay Aqoonyahan Cabdullaahi Maxamed Warsame.
Aqoonyahan Cabdullaahi Maxamed Warsame oo horeyn u ahaan jirey cayaartoydii hore ee dalka Soomaaliya ayaa ku booriyey in madaxda dalka in wasaarada Isboortiga loo dhiibo qof aqoonteeda leh waxa uu sheegay in isboortiga ay qeyb lixaad leh ka qaadan karto Horumarinta dalka.
“Isboortiga waa waxyaalaha shacabka kala dagaalama wxyaalaha xunxun sida qabyaaladadhalinyaradana soo hanuuniyawaa lafdhabarka umada waana muqadas in lasoo celiyowasaarada loona dhiibo qof aqoonteeda leh.” ayuu yiri aqoonyahan Jeego.
HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA AQOONYAHAN CABDULLAAHI MAXAMED WARSAME ‘JEEGO’
RBC Radio
Minneapolis












