Ardaydii ugu sarraysay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Somaliland oo dhan oo lagu dhawaaqay
Hargeysa(RBC):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Samsam Cabdi Aadan, ayaa maanta shaacisay natiijada Imtixaankii Dugsiyada sare ee fasallada 4-aad iyo dhexe ee fasallada 8-aad, iyada oo si gaar ah u shaacisay magacyada tobantobanka Arday ee ugu sarreeyey Dugsiyada dhexe iyo Sare ee Somaliland oo dhan.
Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Samsam Cabdi Aadan, Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Daa’uud Axmed Faarax iyo Madaxa Hay’adda AET Xasan Embasi oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Xafiiska Imtixaanaadka ee magaalada Hargeysa. Waxaanay Wasiirka oo shirkaa ka hadashay hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaanba ardayda baastay Imtixaanka, gaar ahaan kuwa kaalmaha hore ku guulaystay.
Guddoomiyaha Xafiiskaasi Mr Daa’uud Axmed Faarax, ayaa oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in sannadkan ay ardaydu la yimaadeen dadaal sidii hore ka badan,waxaanu u mahadceliyay dhamaanba ardayda,waalidiinta iyo Macalimiinta kala duwan ee dugsiyada ka qayb qaatay Imtixaanka Shahaadiga ah.
Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sarre Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo madashaasi ka hadashay ayaa ka warbixisay Guud ahaan ardayda u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare iyo Kuwa Dhexe, waxaanay sheegtay in 5842 oo arday oo ka kala tirsan 63 dugsi sare ay Imtixaanka u fadhiisteen.
Wasiirku waxay intaas raacisay inay Imtixaankaas ka gudbeen 5645 Arday,halka ay ka dhaceen 3 arday oo keliya isla markaana 168 Arday aanay ka soo xaadirin. Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare oo ka hadlaysay fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe waxa ay sheegtay inay imtixaanka u fadhiisteen Kow iyo Toban Kun,Lix Boqol iyo Lix iyo Labaatan Arday, oo ka kala socday 218 dugsi.
Waxaa ku Guulaystay Imtixaankaas Toban Kun,Lix Boqol iyo Lix iyo Toban Arday,waxaana dhacay Shan Boqol iyo Kow iyo Sodon arday , iyadoo aanay u fadhiisan Imtixaanka Afar Boqol iyo Todoba arday,halka ay ka Xumaadeen Sagaal iyo Toban Arday.
Wasiir Samsam Cabdi Aadan waxay si gaar ah ugu mahadcelisay Maamulka Gobolka Saaxil iyo Ka degmada Berbera oo sannadkan Muujiyay horumar la taaban karo. waxaanay markaas ka dib ku dhawaaqday Tobanka Arday ee ugu sarreeyay gobollada Somaliland ee Imtixaanka Fasalada 4aad ee Dugsiga Sare iyo Fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe.
Waxa Kaalinta koowaad ee Dugsiyada Sare waxaa ku guulaystay Dugsiga Nuura-diin ee Gobolka Maroodi jeex,halka kaalinta labaad uu ka galay dugsiga Sh.Ibraahin ee Gobolka Togdheer,iyadoo kaalinta 3aadna uu galay dugsiga Nuuradiin ee Gobolka Maroodi jeex, Kaalinta Afaraad waxaa galay isla dugsiga Nuura diin,halka kaalinta Shanaad uu galay dugsiga Al irshaad ee Gobolka Maroodi Jeex.
iyadoo kaalinta Lixaadna uu ku guulaystay Dugsiga Al Khayr ee Gobolka Maroodi jeex,dugsiga Sh.Ibraahin oo ku yaal gobolka Togdheer ayaa kaalinta 7aad galay,halka ay dugsiyada Smart iyo 21 November oo ku yaal gobolka Togdheer ay wada galeen kaalinta 8aad,isla markaana ay kaalinta 10aad wada galeen Dugsiyada New Gebilay iyo Oday X.Maxamud oo ku yaal Gobolka Saaxil.
Geesta kale waxay Wasiirka Waxbarashadu ku dhawaaqday oo kale Tobanka Dugsi sare ee ku guulaystay Kaalmaha hore ee Imtixaanka Shahaadiga ahaa waxaa kaalinta 1aad,2aad ,4aad iyo 10aad, wada galay dugsiga Nuuradiin1,kaalmaha 3aad,4aad,6aad iyo 7aadna waxaa ku guulaystay dugsiga Sos,halka kaalinta 8aad uu galay Dugsiga Abu Hurayra iyo Kaalinta 9aad oo uu galay dugsiga Ilays.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.











