AUN Qunsulkii Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo Xalay Geeriyooday Laguna Aasayo Nairobi


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Allah ha u naxariistee waxaa xalay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ku geeriyooday qunsulkii safaaradda Soomaaliya ee Nairobi Maxamed Cismaan Adan “Edsan”.

Sida uu Raxanreeb u sheegay danjiraha Soomaaliya ee wadanka Kenya Maxamed Cali Nuur “Ameeriko” waxaa qunsulka uu ku geeriyooday isbitaalka oo beryahan xannuun dartiis loo dhigay. Wuxuu sheegay in qunsulka uu geeriyooday xalay.

Aaska Rabbi ha u naxariistee Maxamed Aadan Edsan ayaa galabta ka dhacaya magaalada Nairobi, waxaana aaska ka qeybgalaya masuuliyiinta safaaradda oo uu ugu horeeyo danjiraha, masuuliyiin, ganacsato iyo bulshada Soomaalida ee ku dhaqan Nairobi.

Allah ha u naxariistee, Maxamed Aadan Edsan waxaa uu ahaa nin si weyn isugu hawla wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan ee ku sugan Nairobi gaar ahaan marka dadka ay xiraan ciidamada Kenya.

Marxuumka waxaa kaloo aad loogu xusuustaa dadaalkii weynaa ee geesinimada laha ee uu ka geystay intii ay socotay dacwadii guriga safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya oo nin Hindi ah laga iibsaday, wuxuuna Maxamed Aadan Edsan ka mid ahaa dadkii fara ku tiriska ahaa ee waqti iyo dadaalba ku bixiyey sidii dhismaha safaaradda ugu soo laaban lahaa gacanta ummadda Soomaaliyeed oo iska lahayd.

Rabbi ha u naxariisto marxuum Maxamed Aadan Edsan, dhamaan qoyskii iyo ehelkii uu ka tagayna samir iyo iimaan Alle haka siiyo.. Aaamiin.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

Share

2 Responses for “AUN Qunsulkii Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo Xalay Geeriyooday Laguna Aasayo Nairobi”

  1. Birqalax says:

    Allaha u naxariisto ehelkiisii, qaraabadiisii, iyo Soomaali oo dhanna Samir iyo Iimaan Allaha ka siiyo. Aamiin!

  2. somalia says:

    AUN mahamed cusman adan jigis edson Allow unaxariiso Amiin Amiin

Leave a Reply