Ban Ki-Moon Oo Soo Dhaweeyay Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya
New York (Radio RBC) Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon ayaa soo dhaweeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo xaley ay doorteyn baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo wakiil ah shacabka Soomaaliyeed.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Jamhuuirada Fedaraalka Soomaaliya kaddib doorasho labo wareeg ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho Isniintii.
War qoraal ah oo uu soo saaray Ban ki –moon xafiiskiisa New York ayaa lagu yiri Doorshada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa soo dhammeenaya siddeed sano oo Soomaaliya ay ku jirtay KMG ah.
Ban ki-moon ayaa ammaanay xubnaha baarlamaanka cusub iyo guddoonkooda kuwaasoo si nabadgalyo leh ugu qabtay doorashada taasoo hab fiican ku dhacday” sida uu saxaafadda u sheegay afhayeen u hadlay Ban ki-moon.
Xoghayaha guud ee QM ayaa ku booriyay madaxweynaha cusub in uu ka shaqeeyo siddii loo dhisi lahaa dib udhiska nabadgalyada ee dalka.
Wuxuu kaloo ugu baaqay dhammaan dhinacyadii saxiixay qorshihii looga baxay KMG ah ee Roadmap-ka in ay kaalin ka ciyaaran siddii loo dhameestiri wax yaabaha harsan isla markaana lala shaqeeyo madaxweynaha cusub.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa laga doonayaa in uu la yimaado isbadal iyadoo ay horyaalaan caqabado waaweyn.
Radio RBC
Xafiiska Wararka Nairobi












[...] Excerpt from: Ban Ki-Moon Oo Soo Dhaweeyay Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya [...]