Bannaanbax Ka Dhan ah Mareykanka iyo Filimkii Lagu Aflagaadeeyey Nabigeena [SCW] oo Ka Dhacay Buuloburde


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Boqollaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Buuloburde iyo tuulooyinka ku xeeran ayaa isugu yimid bannaanbax magaaladaasi ka dhacay gelinkii dambe ee shalay kaasoo lagu diidanaa filimka la sheegay in lagu aflagaadeeyay Nabigeena SCW ee lagu sameeyay wadanka Mareykanka.

Dibadbaxayaasha oo sidoo kale cambaareeyay xukuumadda Mareykanka iyo ninka Yuhuudiga ah ee sameeyay filimkaasi ayaa ugu dambeyntii gubay calanka wadanka Mareykanka.

Odayaal, haween, dhalinyaro iyo carruur ayaa lagu arkayey dibadbaxa iyadoo dadka ay ku dhawaaqayeen ereyo ay ku liidayaan Mareykanka iyo Yuhuuda. “Waan la dagaalameynaa cid kasta oo aflagaadeysa diinteena iyo Rasuulka SCW” ayaa ka mid ahaa ereyadii ay dadka bannaanbaxa sameynayey ay ku dhawaaqayeen.

Saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabaab oo ka taliya magaalada Buulobirde ayaa sidoo kale ka qeybgalay bannaanbaxa.

Bannaanbax kale oo kaasi la mid ah ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka iyadoo haween iyo dhalinyaro u badan arday ay ka qeybgaleen iyadoo Muqdisho iyo Buuloburde ay noqdeen magaalooyinkii ugu horeeyay ee Soomaaliya ka mid ah oo uu ka dhaco dibadbaxyada lagu diidan yahay Yuhuuda iyo Mareykanka iyo filimka lagu liiday sharafta Nabigeena Muxamad SCW.

Dhanka kale wadamada caalamka Carabta ayey hareeyeen mudaaharaadyo waaweyn oo lagu diidan yahay filimka uu sameeyay nin asalkiisu yahay Yuhuudi oo heysta dhalashada wadanka Mareykanka.

 

RBC Radio

Share

Tags:

1 Response for “Bannaanbax Ka Dhan ah Mareykanka iyo Filimkii Lagu Aflagaadeeyey Nabigeena [SCW] oo Ka Dhacay Buuloburde”

  1. Atoore23 says:

    Dambiga uu galay qofka suubiyey Filmka cayda iyo beenta ah waxuu mudan yahay in lagu fuliyo dambiya dhacay oo dhanba.Mase ahayn in ay reer Buulobarde gubaan CALANKA Maraykanka.Gubidaas u qalad bay aniga ila tahay.

Leave a Reply