Barkhad Cali Saalax: Nalama Weydiin Karo Yaa Korarsaday Kursiga Madaxtinimada Puntland iyo Degmooyinka Laga Tagey


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Barkhad Cali Saalax oo kamid ah Guddiga Doorashada Puntland

Boosaaso[RBC Radio] Siyaasi Barkhad Cali Saalax oo kamid ah Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa u sheegay Shacabka ku dhaqan Boosaaso ineysan Su’aalo ka weydiin karin Xubnaha Guddiga Doorashada ee Isagu ka socdo Muddo korarsiga Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole iyo degmooyinka laga reebay Olalaha Doorashada.

Ku dhawaad dad tiradooda lagu qiyaasay 30-meeyo laga soo Uruurshey 16- Xaafadood ee magaalada oo kulan loogu qabtay gudaha Jaamacadda Caafimaadka Boosaaso ayuu u sheegay ineysan wakhtiga isaga lumin inay ka hadlaan Muddo korarsiga Faroole iyo degmooyin la sheegay in laga saaray Doorashada.

Qaar kamid ah 16-Xaafadood ee Boosaaso

Barkhad Cali Saalax ayaa sheegay in haddii ay Su’aalo badan ka qabaan Sababaha xiligaan keenay in muddo sanad  ah ay Xukuumadu ku darsato iyo  degmooyinka la reebay ay weydiiyaan Shacabka ku dhaqan Boosaaso Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland.

…”"” Degmo ciddi Su’aasheeda qabta Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ayey kala Xiriireysaa haddii la reebay iyo haddii kaleba…”“ayuu yiri.

Waxa uu sheegay haddii ay yihiin Guddiga Doorashooyinka KMG ah ee Puntland ineysan shaqo ku lahayn iney bulshada uga Jawaabaan su’aalo ku qotoma muddo korarsiga Cabdirixmaan Faroole balse ay yihiin Guddi KMG ah shaqadiisuna tahay farsamo oo kaliya,

…”"Anagu haddaan nahay Guddiga Doorashooyinka dhowr Su’aalood baan nala weydiin karin,Yaa korarsaday iyo Maxaa loo kordhiyey nalama weydiin karo,degmooyinka qaar baa laga tagey iyo Maxaa looga tagey nalama weydiin karo,sababtu waxa weeye anagu Guddi farsmo baan nahay waa nala magacaabay,9-Xubnood baan nahay 5-na Madaxweynahaa magacaabay,4-baarlamaanka dabadeedna baarlamaanka na ansixiyey oo  Guddi KMG ah baan nahay,…”"ayuu yiri Barkhad Cali Saalax oo ah Xubin kamid ah Guddiga,

Mid kamid ah Odayaasha dhaqanka Boosaaso oo Akhrinaya Buugga Dastuurka Puntland

Mar uu ka hadlay muddo korarsiga Xukuumadda Cabdirixmaan Faroole la sheegayo iney sameysay ayuu u sheegay dadkii kulanka fadhiyey in kala Xisaabtamaan Baarlamaanka matala ee fadhiya Garoowe ayna u kala cadeeyaan sababaha loogu daray iyo waxa keenay wakhtiga.

…”"”Ciddii dooneysa korarsiimo iyo wax ceynkaas ah waxay ila tahay Baarlamaankaa Wakiilka ka dhigateen oo aad tiraahdee Wakiil buu nooyahay baa hadey kordhiyeen iyo hadey naaqusiyeen kala Xisaabtameysaan…”"ayuu yiri Barkhad.

Dhanka kale Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo isna ka hadlay afkaartiisa Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay iney jiraan dad si khaldan wax u turjumay,wuxuuna tilmaamay in Hannaankan uu yahay mid bulshadu u baahneyd.

Mr Gallan ayaa si kulul u duray Siyaasiyiin uu ku sheegay in ay yihiin kuwa ku fashilmay Hoggaanka Shacabka doonaya iney mar kale horyimaadaan dadka si ay usu muujiyaan iyagoona ku haminaya maqaam sare in Puntland ka qabtaan.

Muddo korarsiga la sheegayo iney sameysay Xukuumadda Cabdirixmaan Faroole ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay Siyaasiyiin badan iyo dad Shacab ah kuwas oo dhamaantood doonaya in Faroole u diyaar noqdo Doorasho ka dhacda bacda isla markaana uusan u horseedin Jahwareer iyo dagaal.

_________________________________

RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Share

Tags:

6 Responses for “Barkhad Cali Saalax: Nalama Weydiin Karo Yaa Korarsaday Kursiga Madaxtinimada Puntland iyo Degmooyinka Laga Tagey”

  1. [...] Read the article: Barkhad Cali Saalax: Nalama Weydiin Karo Yaa Korarsaday Kursiga Madaxtinimada Puntland iyo Degmooyin… [...]

  2. Xalaalcune says:

    Maffiya macnaheedu waa urur qoys tuugo ah iska leeyihiin ayago dadka kale shaqadooda iyo xoogooda ka faydeysta.

    maffiyada ah ee ka faydeysta shaqada iyo xooga ee Bari, Nugaal iyo Waqooyiga Mudug ayago ku naaxay canshuurta dadka kale.

  3. Somali says:

    Waa runtii waxaa baasiyey baarlamanka puntland. Wixii barlamanka baasiyaan guduga doorashadu waxba kaqabankaran. Waliba waxa baasiyey dad laga sooxulay dhamaan puntland. Oo ay tiradoo ahayd 850 qof.

  4. Rooraaye says:

    Horta barkhad cali saalax oday reer p/land ah waana nin oday ah oo aad looga tixgaliyo gobolka bari wuxuu sheegayna waa sax asagu shaqo kuma laha laakiin waa suaal faroole yaa u kordhiyey waa baarlamaanka markaa baarlamaanku yuumatalaa shacabka oo idil markaa nin walboow la xisaabtan xubinta kuugu jirtaa maxaa soo haray faroole waa inuu si deg deg ah ula shiraa ragan meesha ku heysta 1 sano diidan si hufan oo aan qanaacnimo ku jirin maxaa yeelay madoonayno muran iyo is qabqabsi adeer xalkeena dhamaan shacabka reer p/land dibada iyo gudaha faroole asaguna waa inuu hab dabacsan ula hadlaa muwaadiniinta p/land kandiidan iyo kan raacsan mahadsanidiin

  5. qandalaawi says:

    RR maxaa ku jaban hadalka mas’uulka mise waxaad uga gol leedihiin yacni xaalad abuur iyo si kuwan muxasadiinta ah ee khaatumo cali baba fadlan lacag ku shubo iyo mooryaantu ay puntland wax uga sheegaan feegaarkoodii ileyn tabari halkaasey dhigtaye umadda puntland ilaahow dhawr

  6. FARATELO says:

    ASC, Barkhad CSaalax Adeerkey si fiican baad u hadashey laakiin waxaan kuugula talin lahaa Howshaas iskaga tag magac baad leedahay nin xushmad ku leh GBari baad tahay marka magacaaga ha wasaqayn. Ninka kale ee CSamad Galan akhii adigana ragga aad sheegeyso waa ragii aas aasay PLand marka dadka ha iska horkeenin qaarna ha aamaanin qaarna ha takoorin shacbka PLand lama qasbi karo waxaana wanaagsan in Illaah swt laga baqo aanan laga baqin shaqsi iyo urur dantooda wata marka waala doogiye yaan la dacaroon sc.

Leave a Reply