Barre Hiiraale Iyo Maleeshiyaad uu Wato oo Soo Gaaray Faafax-Dhuun Kuna Jeeda Kismaayo (XOG)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Warar Shabakada Raxanreeb ka soo gaaray deegaanka Faafax Dhuun ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta halkaasi ay soo gaareen ciidamo uu wato Col Barre Aadan Shire “Hiiraale” kuwaasoo ka soo dhaqaaqay magaalada Garbahaarey.

Ciidamadan uu wato Barre Hiiraale ayaa la sheegayaa inay ku hubeysan yihiin gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyo kala duwan oo ay ugu deeqday dawlada Ethiopia, waxaana warar ku dhow Barre Hiiraale ay xaqiijinayaan inay ku sii jeedaan dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose halkaasoo dagaalo ay ku dhexmarayaan ururka Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya oo ay wehlinayaan kuwa Raskambooni.

Col Barre Hiiraale oo dhowr bilood sanadkan ka mid ah u xirnaa ciidamada Ethiopia kadib markii ay isku qabteen hawlgalada ka socda gobolka Gedo ayaa hadda u muuqda in isaga iyo saraakiisha Ethiopianka ay heshiis yihiin, waxaana saraakiil ku sugan magaalada Garbahaarey ay Raxanreeb u sheegeen in maalmo ka hor intuusan Barre ka soo dhaqaaqin Garbahaarey uu kulamo la soo qaatay saraakiil Ethiopian ah oo aan la ogeyn waxa ay ka wada hadleen.

Ciidamada uu wato Barre Hiiraalr ayaan wax war ah aysan ka heyn saraakiisha Dawlada Soomaaliya ee ku sugan Jubbooyinka iyo Ciidamada Kenya ee hormuudka ka ah dagaalada mudada sanadka qaatay ee ka socda gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka.

Barre Hiiraale ayaa sanadihii u dhexeeyay 1999 illaa 2006 ka talinayey magaalada Kismaayo xilligaasoo uu gudoomiye u ahaa isbahaysigii Dooxada Jubba ee fadhigiisu ahaa magaalada Kismaayo ka hor intii aysan dagaal uga qabsanin ururkii Maxkamadaha Islaamiga sanadkii 2006 dhamaadkiisa.

Loolanka Kismaayo

Ciidamada Kenya ee dagaalka ugu jira Jubbada Hoose

Tan iyo markii uu soo dhowaaday duulaanka Kenya ee ku wajahan magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa waxaa dhanka kale soo baxayey loolan adag oo qabqablayaal, maleeshiyaad iyo qabiilo kala duwan ugu jiraan inay ku hantaan ama ay wax ku yeeshaan awoodaha la wareegi doona Kismaayo kadib Al-Shabaab, waxaana dhaqaaqa Col Barre Hiiraale uu qeyb ka yahay “loolaanka dhinacyada kala duwan” ay ku jiraan.

Sidoo kale ayaa toddobaadyadii u dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolka Juubada Hoose ka mid ah ka soo qulqulayey maleeshiyaad beeleedyo kala duwan oo mid kasta dhinaceeda isu abaabushay si ay uga qeybgasho “loolanka awoodeeda ee Kismaayo’ iyadoo summada guud ee lagu dagaal galayo ay tahay “la dagaalanka Al-Shabaab iyo Al-Qaacida”.

Dad badan ayaa qaba in qabsashada Kismaayo kadib ururka Al-Shabaab ay keeni karto khilaaf dhiig ku daato oo markale ka qarxa magaaladaasi haddii aysan dawlada cusub ee Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM oo kuwa Kenya ka tirsan yihiin aysan la iman qorshe lagu xakameynayo maleeshiyaad beeleedyada isgarbinaya ee ku sii jeeda Kismaayo oo ah magaalo muhim ah oo ku taalla koonfurta dalka.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

53 Responses for “Barre Hiiraale Iyo Maleeshiyaad uu Wato oo Soo Gaaray Faafax-Dhuun Kuna Jeeda Kismaayo (XOG)”

  1. WaamoStar says:

    Mukulaal meeshay mac ugu barato ayay Macaluul ugu baqtidaa. Barre Huuraale ka joog yaan dhagta dhiiga laguu darine. Xiligii qab qable yaashu wuu dhamaaaday. Tuugtii Dooxatadii Jubba waa lakala diray oo Galgaduud bay ku laabteen. Dhoofintii dhuxushaa ee ay wadanka ku xaalufiyeen waa la joojiyay marka wax uu ka soo raadsho Kismaayo oo ka yaal maba jiraan.

  2. Garsoor, Gaalkacyo says:

    Waxaan oo dhan waxaa lagu xalin karaa ineey Dawlada Somalia wada shiriso Dhamaan Beelaha wada dega Gobolka Jubbad Hoose, gaar ahaan Magaalada Kismaayo.

    Hadii eey Kismaayo u ekaato ineey qabsadeen hal beel oo kenya wadato, waxaan leeyahay iska iloow inuu xal xalaal ah meeshaas ka dhasho, oo arintu ma dhaameyso dagaaladii horre oga dhici jidhay Kismaayo sidii MORGAN & BARRE HIRAALE,
    hadana qolo cusub oo horre kismaayo looga arki jidhan ayaaba loolanka kusoo biidhay, marka xaalku ma fiicna.
    Waxaana lagu xalin karaa ayadoo qeybaha kala duwan ee dega Kismaayo eey si nabad ah kuwada shiraan, oo guddi ka kooban odayaasha Kismaayo ama Jubbada Hoose eey la sameeyo, oo eey magacaabaan gudoomiye KU MEEL GAAR AH ee Gobolka Jubbada Hoose, iyo gan Degmada Kismaayo inta laga wada shirayo meeshii wax loo wadi lahaa.

    Waxaan xasuustaa 1991-1993 inaan ciidamo aan katirsanaa oo difaaci kismaayo oga jidhay ee dhawr jeer dib udhac inooga timid meel aan ka filaneyn, waxaan rajeyn in sanadkaan 2012 eey dad gooni ah dib udhac ku keenin nabadeynta iyo cadaalada Kismaayo & Jubbada Hoose eey wada degaan Beelow wada dhashay iyo beelo kale ee Soomaalida kale ah.

    Intaas iyo Nabad Galyo.

  3. Runsheeg says:

    somali waxay tiri (dawaco meshay macal uga baratay macaluul ugu bakhtidaa) Hiiraale 99 ilaa 06 haduu kismayo qab qabla ka ahaa wali maxaa ugu dhiman oo uu raadinayaa? waa khaatumo seeg un.

  4. muuse says:

    barre hiiraale ma imaankaro kismaayo haddii kale walle waxa ka dhaca waa la ogaan kismaayo waxaa amarkeeda looga danbeyniyaa shiikh axmed madoobe iyo dadka deegaanka ma wuxuu mooday in la mariyo waa gii hogaamiye kooxeedyadda……………..tankale waxay dhaheen balaaya kismaayo nagaysay ee barre cayr la aantood muxuu ismaaday fadlan runta ogow iyo waxa aadka tahay kismaayo kismaayo madaxa banaan oo aan ku dabo gaban kkkkkkkkkkkkkkkkk viva

  5. Welcome sheikh bare says:

    Woooow waa war sh aaden madoobe kanaxo…maxaa heley dr faroole oo general ugu soo diriri waayey kismayo?

  6. Kilwe says:

    Waa nasiib darro runtii in Dagaal oogayaashii dib u soo noolaadaan.

  7. daacad says:

    wooow bare hoowsha halkaadiii ka wad waxaan eey watan kenya iyo raskaanbini cagta mari kismayo gacanta bare ayeey ku danbeeyneysaa

  8. qaloocow says:

    Barre raggeedii soo dhowow adigaa iska leh kismaayo. Mar dhow waxay bilaabi doonaan iney ku caayaan iyagoo kaa naxsan.

  9. Daljir123 says:

    Barre hiiraale asaga ayaa mudan kismayo

  10. keerow says:

    Waa kud ka guur oo Qanjo u guur, Moorayaanta iyo Madaxdooda oo aan hubka laga dhigin Somalia xal looma heli doono.

  11. Birqalax says:

    Sheekh Barre Aadan soo dhawoow sheekhunaa Allaha kaa raali noqdee. Masha Allah! Sheekh Jubada Hoose way ku tawday. Yamyam iyo Qadaadweynbaa kusoo duushay. Dad badan baa u xiisay Dabqaadkaagii Cuudka iyo Jaawaha kkkkkkkkkk

  12. Kismayo33 says:

    adeer sheekadu way gaaban tahay.

    Jubbaland waxa iska leh oo u badan.

    wax sad kuma laha Jubbaland.

    Waxaa dhiig badan u qubay Ciidamada kambooni oo ah.

    Wax garadka beeshan mamtay haka harto riyada beenta ah ee dhul ayan lahayn ku qamaaminteeda.

  13. Wiil-Mudug says:

    bilbilaabatee bal aan aragno.

  14. JAMA says:

    Ethiopianku waxay rabaan inaysan Soomaaliya marnaba xasilooni helin, waxay cabsi ka qabaan ONLF inay jaanis ka hesho Raaskanbooni iyo Kiinyaatigu hadii ay maamulaan kismaayo. Waa su aal is waydiin ubaahan waxay Barre Huuraale hada usoo hubeeyeen. Macnaheedu waa Soomaaliya yayasan dhibka iyo dagaal qabiileedka marna ka bixin.

  15. Sirmaqabe says:

    Waxan maqli jiray dawacadu meshay macal ugu barato ayey maclul ugu bakhtida marka bare hurale kismayo ayu u bartay inu coladeda kashaqeyo dadka dagana u isku diro waxana awoda sinaya o waxas dhan kashaqay naya wa dowlada itopiya o didan daganan shaha somaliya

  16. Sniper says:

    oo xoolahani xaguu ku maqnaa intii ay al shabaab masaakiinta siday doonto ka yeelaysay?????
    ma hadduu xiniinyo la soo baxay? fulaygaasoo miidhan yaa janan laguu sheegayaa !!!!
    waxaan xusuustay odhaahdii ” ku tolataye maxaad taqaan” kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  17. Oday Nuur says:

    Caqligu ha shaqeeyo, dib u jaleeca
    intii qax lasoo maray oo magaalooyin
    badan laga qaxay oo Soomaali badan
    ku halaagsameen sababtuna ahaayd
    anaa xukumaya iyo anaa xukumi jiray.
    Markii aad isku wada dhameysaan
    waxaa idin xukumi doona mid aan
    waligiis Kismaayo arag.

  18. Somane says:

    K k k k k k k k k k k k

  19. KarKaar says:

    Bare hiraaale haduu taas isku dayo watuu kudhiman lahaa kismayo umabahna waqtigaan hogaamiye kooxeed AMA moryaan waxaa lajoogaa waqtigii Somalia horumar gaari lahayd ninkii kismayo raba inuu dago AMA kuganacsado waa ufurantahay waa magaalo somaliyed lakiin no more dooxada juba iyo hogaamiye kooxeed

  20. farxaan says:

    waa suaale kismaayo yaa dega qabiilkeese u badan keese u yar ama jubbada hoose qabaailka degaa waa ku wee waa iiga jawaabikaro

  21. axmed somali says:

    waa soodhawaynaynaa c/o Barre inuu kahortago baraamijka axmed madoobe ee midabtakoorka ah uu na kismaayo muumulo ama waxkamaamulo haddiiba shabaabka baxaan.

  22. Malaaq-xaayow says:

    Jubada hoose waa gobol ay wada degan yihiin qabaa ilo kala duwan oo soomaaliyeed. oo Marka lasoo gaabiyo oo qaybiyo “Aji&ajuuraan”. marka waxaa loo baahanyahay inaysan dadka ka caafimaadka qaba qabyaalada caqligoodu shaqeeyo, oo meesha waa dhul ilaahay, qabaailo kala duwana degan yihiine, si cadaalada oo islaamnimo, soomaalinimo, jaarnimo, ehelnimo, xididnimo, iyo wax alaale iyo wixii dadka isku soo dhawayn karo wax lagu hagaajiyo, oo qabiil guntiisa waa lasoo taabtaye aan dib dambe la’inoogu celin. Ilaahayow dadka muslimiinta dhiigooda kala xijaab oo quluubtooda isku soo dum.

  23. Ali says:

    Waxaan soo jeedin lahaa Dabadhilifka Bare huuraale ha la dilo amxaaro iyo GABRA ayuu wataa’ waxaan soo jeedinlaa in bare la dal dalo marka uu Kismaanyo u soo dhawaado’ waa iga talo hadii kale kismaanyo waxay noqonaysaa Goob amxaaro

  24. Idris Malaaq says:

    Garbahaarrey soo xoreey ka dib dawladda dhexe talo ka sug.
    Qabqable dagaal waqtigiisa waa dhamaadey.

  25. Hiray says:

    Al mujaahid Barre Adan haduu soogalo waa lagu kalatagin meesha hadii libax yimaado muukulaalo mafadhinaayan reer afmadow iyo barre waa isyaqaanan malma kabacdi xaduuda Kenya kasokayn maayan Reer bariga lacagtaa kadaadso weyaan ilayn madiriirane waxaa kalena waa matacana leh
    Guul Guul Barre
    Kismayo la,iixorayn Kenya ha,iiga harto
    Allow xaqa uu hiili

  26. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin. Somaliyeey jambalka la idiin tuurayo iska ilaaliya oo haku dhicinina. Kismaayo iyo magaala kasta iyo gobol kasta oo Somaliyeed waa in uu dadka Somaliyeed ka dhaxeeyaan, oo uu qof kasta xaq u leeyahay in uu kunoolaado, ka ganacsado iyo waxkasta oo aan fitno aheeyn. Qabiil iyo kalaqeeybsanaan waa waxa meesha daran ee Somaliya taal na dhigay. Waxaa iga tala ah, dadkan meeshan horboodayo oo dhan oo qabiilkasta leh, in wadanka dhexdiisa inta gogol loo dhigo oo inta la’isagu keeno oo eey ka tashtaan aayaha dalka Somaliyeed deegaan iyo meel kastaba ayadoo laga bilaabayo meelaha “hot spots” ah ama xiisado qabiil oo aan macna ku fadhin dadka Somaliyeed la galinaayo. Dowlada Somaliyeed door muhiim ah oo saalix ah ayeey arrinkaan ka ciyaari kartaa ee shaqadeeda hagudato, ilaaheeyna ha u fududeeyo qofkasta oo isku dayo in uu dadka Somaliyeed fahansiiyo maalaayacniga qabiilka iskadaayaan. Salaama.

  27. gundid says:

    Cashirki 2006 mid la’mid ah aya lodhigay…waxba hakawal-walina…ragii hubka k furtay oo geyay doloow ayaa wali ku sugan deegaanka

  28. Abdulkadir Afmaged says:

    ! ! ! ! ! ! ! ! ! ! ! ! ! ! ! ! ! ! ! ! ! ! ! ! ) : – (

  29. Firdhiye says:

    Waxan idiin iri caruurtaan yaa dhalay halkaa ka ooyeysa ma qolyihii makii barre meesha dhuuqayey ciyaalku dhaleen baa adeer Axmed doorshaan waa argagixiso turki Wa argagixiso wana qaxooti lakeenay Somalia oo caasi ah weeye, iska daaya daba dhilifaynta car iska cesha barre ragiisa Kenya maxay idiin qaban kartaa fulayaal yahow is biirsaday.

  30. somali ha israacdo says:

    Walaale bare soo dhawaw hadii ay meesha imaadaan sanweyne “Kenyan ” maxaa lagu diidaa Sandhere “Ethiopian” otherwise meesha hala wada sheer gareeyo oo hala joojiyo reer hebel ayaa alshabaab ah iyo wararka beenta ah ee kenyanka loo sheegayo si ay ugu kala eexdaan beelaha soomaaliyeed mida kale webabka qaar sida waamo oo kale oo ku hadlo afka sh. Aadan madoobe wuxuu daabacayay baryahan wararka bare hurdada kasoo kiciyay oo ah meelaha qaar in ladhaho alshabaab ayaa ku dhuumanayo iyadoo loo jeedo beelo qaas ah waanu arki doonaa mida kale Axmed madoobe wuxuu ahaa ragii sida cadaawada ah barre ula dagaalamay so kismaayo mawada joogi karaan kkkkkkkk

  31. kkkkkkkkkkkkk kablalax ayaa arinta kismaanyo wax laga waydiiyaa ee ilkayare maxay rabtaa waa yaab

  32. kkkkkkkk kablalax ayaa arinta kismaanyo wax laga waydiinayaa

  33. abu hudafa says:

    KKKKK ANIGA ASAGAH LAMA YAABANI LAAKIN WAXAAN LAYAABANAHAY WAA ILAA HADA WATO BARE HIRAALE WAA DAD HUGAAN WAAYEY MANTAY SOMALIYA WAXAA KA TALIN NIN WAX YAQAAN BARE WUXUU UDHINTAY SIDII MAHAMED SIYAAD BARE SAWA CIIDAN UU WATO EE QOF SHARAFLEH SOO WADTA KISMAAYO WIIL CABIDWAAQ KU
    DHASHAY MACUKUMIYO 2012 TAAS WAXAY KA DHIGANTAHAY NIN RIYOODAY

  34. wadaad yare says:

    Dadka badankiisu xamaasad qabiil ayaa ku jirta. Qofkana haddey xamaasad qabiil ku jirto ma deggana. Magaalada Kismaayo xalkeedu wuu sahlanyahey wuuna adagyahey.

    Wuu sahlanyahey haddii qabaa,ilka meesha ku loollamayaa la kaashadaan dowladda dhexe xal ka gaarista maamul u sameynta magaaladaas muhimkaa.

    Dowladda dhexe dan weyn ayaa ugu jirta inaan lagu fashilmin Kismaayo,waana iyada kaliya cidda dhex dhexaad ka noqon karta howshaas haddey garato oo gudato waajibkeeda.

    Maleeshiyaad ay Kenya taageereyso oo gooni u wadato iyo kuwo Itoobiya taageereyso oo gooni u wadato, waa in somalidu iskugu baaba,aan dagaal proxy war ah oo ka dhexeeya Kenya iyo Itoobiya, oo aan iyaga askari uga dhimane soomaalida kaliya isku dhimato.

    Aqligu ha shaqeeyo hana la joojiyo boola xooftada macno la,aantaa.

    Shabaabku waa urur khatar oo caalami ah oo maskax shisheeye oo wax kharbudid kaliya u taagan ka danbeyso. Iyaguna isku jabka qabiilooyinka way sii qorsheeyeen, wayna sugayaan iney ka faa,iideystaan oo weliba waad arki doontaane iyagaa baasiinka kabriit kusii daari doona.

    Meeshaas halis weyn ayaa kasoo socota.

  35. Ali says:

    Kismaayo iska dhaafe xitaa mana tagi karo faafaxdhuunta hadda lagu sheegay ee ka tirsan Ceelwaaq.
    haddiise Axmed madoobe isku dayo in uu Hogaamiye kooxeednimo ku dhaqmo oo uu dowladda la shaqayn waayo kismaayo sideedii ayey ku soo noqon.
    Kismaayo waa magaalo, dood kama taagno, waase lagu kala badan yahaye aan ku heshiinno, oo aan wada dhisanno Jubba land State loo wada dhan yahay.

    Mahadsanidiin.

  36. shuuriye says:

    mudane barre hiiraale soo dhowoow waa kismaayo oo mudo ku sugeysay shabaab hadii ay ka baxeen xaq kismaao waxaa u leh waa adiga mudane welcome welcome .

    haku taagnaato !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!1

  37. qeylo dhaan says:

    Reer garbaharey marka uu xiro barre amxaarku ha caayeen marka uu soo daayana ha u duceeyeen waa noocaas duulku iyaga iyo kuwa khaatumaba toban af bay marba mid la soo baxayaan soomaali labadaa reer ee puntland iyo somaliland baa ka xalaal ah waxaana kuu xaqiiqo ah sida ay wax u dhisteen oo tobanka waji aysan u lahayn kuwa kaloo dhana ay xitaa dhexdoodii wax uga sameyn la’a yihiin waa hadii aynu runta sheegeyno hadii kale afkaa furan u hadal oo isdabawareegaas jooga.cudurka xiqdiga ahna calooshiina ka saara koley munaafiqnimo ka dhamaanmeyso afkiina aakhirana rabaa og meesha uu idingeynayo alshabaabna illaahay idinka qaadimayo iyo dhibaato xiqdiga iyo illaahay waxa uu siiyey labadaa gobol inta aad ka xuntihiin oo intaas aad amaxaaro ayey wataan iyo wax ay dowladgoboleed yihiin ma jiraan aad ku heysaan oo barre iyo amxaarekuu wato aad ku farxeysaan iyaga amxaarku at least marna ma marna kuma shaqeysrto

  38. Wadani says:

    Bare hiiraale yuu baryayaa
    mise ayaa meesha joogi karo mise wxy moden in mesha kenya jogeysa waligeed mise ma ogtihiin in ciidamada madobe uu ku fanayo in ay yihiin kuwii hiirale ii waagee hore shabab meesha ka saren.kenya way baxeysa odayaal markas Ayaay arinta la arki doonaaa walleeee

  39. Haradigeed says:

    Adeer waxan u sheegaya ciyaalka Barre Huraale la jubaysan yaa markii hore ka saaray kismaayo oo xataa kabhi kala baxay illeen waa kii isagoo kaba la’ kabay kismaye jawaabtoo gaaban wuxuu aha Axmed madoobe iyo halyay yaduu wato haddana way joogaan wali waa sidoodii iyo si ka xoog bdn wallee wuxuu baryo iyo tolnimo ku waayo inuusan ku helayn dagaal iyo boob e bal haloo jogo meeshuu yimaadana hala arko

  40. cali says:

    waa in la iska dhaafaa dagaalka sokeeye oo looga gudbaa waaya aragninmo soomaaliyeed
    maxaa yeelay waxaa ina soo maray waan ognahay hadaan nahay soomaali
    hadaba waa inaan ku waano qaadano wixii ina soo maray
    waa doqonimo maalin walba inaad dab ku dhacdo adigoo arkaya

  41. abdirahmen says:

    muuse ninki xoogleh ayaa masha u hari axmed madoowe ma awodo in u kismaayo kataliyo ogalasha la aan waa in uu berre waydiya hadi kale waad ogtahay wana walalo hadi dagal yimadana mesha axmed waxba uma yaleyn

  42. faarax says:

    s/c,dhamaan umada soomaliyeed gaar ahaan jubooyinka waxaan filayaa inuu dhamaaday waqtigii qabqablayaasha iyo is qabqabsiga kismaayo waxay kamid tahay magaalooyinka soomaaliyeed ee ey dadka soomaaliyeed ku nool yihiin hase ahaatee waxaa hubaal ah in taako kasta oo dhulka soomaalida ka tirsani eey si gaar ah uleeyihiin beelo soomaaliyeed marka kismaayona tas umbeey kala mid tahay dalka intiisa kale waxaase aan garan waayay in eey noqoto meel lagu murmo oo aan lagaraneeyn cida leh waa yaabe quruumihii lahaa miyaa noqday kuwo dhamaaday oo aanay waxba ka harin sidaa darteed ey dad cusubi u doonayan ineey hantaan waxaan filayaa taas majirto waqtigeediina wuu dhamaaday wadanka waxaaloo filayaa dowladnimo dadkii degan kaas xaqa ulahaa ineey maamulaan ayaa maamuli doona umada soomaliyeedna si cadaalad ah ayeey ogu wada noolaan doonaan hadu ale yiraahdo madhici doonto isku dul,noolaansho iyo boob dambe insha alaah

  43. Dalmar says:

    Waxaa layiri diqsigii duulduul badan fuud kulul buu dabaashaa allow yaa ku yiraahdaa gedo ku ekow hadii kale dhagtaa dhiiga laguu darayaa

  44. qaloocow says:

    Waxaa la yiri god sireed ha qodin haddaad qodidna ha dheereyn ku dhici doontidee lama oga. Ethiopia ayaa waddanka la soo geliyey si ay qolo gaar ah ugu qabato dalka. maxaa laga faaiidey oon sumcad xuma aheyn waa taa sharif iyo reerkiisu isku bedbedelayaan. kenya ayaa la yiri badda somaliya qaato ee kismaanyo noo qabta. Hadde balanteenu waa kismaayo ninkii raayo ayaana reerka u haraa.

  45. wadani says:

    asc waxaan u sheegayaa maanta , siyaasada meesha ay marayso bare hiiraale la ma socdee ninkii waalan tolkii baa u miyer qabe qabta oo u sheega waxay ku midaysanyhiin qabashada kismaanyo gado iyo jubooyinkana in ay maamul hogaaminayaan laga sameeyay waa meeshii somaali looga talinlahaa puntland bay barataye

  46. dacad says:

    waxa layable in wali axmad madoobe wali ku qarwaayo kismsmayo

  47. dacad says:

    bare hiirale waa liidharkii kismaayo waxuu gudanayaa wajib marka waataad amusnayiideen ee markad bare Aragteen maxaad lawada dhawaaqdeen waxan orankaraa waacabsi marka dabada dhuusad

  48. Abdi Somali says:

    KENYA IYO ETHIOPIA WAXAY RABAAN WAA QAYBIYOO XUKUN TAN KALE OGADEEN IYO NFD MILYON WIIL OO SOMALIA BAA U DHINTAY. MA KII XORTA AHAA BAAD KENYA U SOO WADAAN MAANTA CAQLI LAAWAYAAL DIB U FAKARA SOOMALI GUMAYSI MAGALIN KARTAAN YAAN DHIIG DANBE OO SOOMALIYEED ISKU DAADAN

  49. aarlibax says:

    Ruwaayadii kab iyo lax waa laga xiisa dhigaye armaad wax daawada waydaan kkkk

    Bare hiiraale kismaayo wuu imaan taladeeda ninka ugu horeeya ee lawaydiinaya weeyaan

    waxaa kaloo yaab leh waa adinka ethooia ayuu wataa lehe ayaga keenyaatiga ma wadanka ayeey nala leeyihiin labada dawladood ee dariska ah ba waa cadaw ee joojiya doofaarka ma cunee fuudkiisaan cabaa da aad lasoo shir tagteen
    axmed madoobe qoraxey ayuu ku dhashay COL Hiiraale na faafaxdhuun ayuu ku dhashay ayamaa xaq u leh in uu maamulo ama talo ku yeesho kismaayo
    colaada la hurinayo hala joojiyo hadiise hadaan koynay ay tahay oo hada ayaan diyaar nahay aad leedihiin Bare dagaal uguma babac dhigi karytaan waa taqaaniin

  50. [...] rag ka soo jeeda beelaha kale sida qabaa’ilka kasoo jeeda gpbolka Gedo oo uu horkacaayo Col. Barre Hiiraale iyo beelaha teedsan jidka isku xira Xamar iyo Kismaayo oo inta badan loo arko inay dheelitir u [...]

  51. somalian boy says:

    warmaxaa talo ah waaba in lala dagaalamo ma fiyowdahay ??????????????????

  52. somalian boy says:

    qabyaalayste waaxid

  53. Oday Galmudug says:

    HAYE

Leave a Reply