Beledweyne: Ciidamada Ethiopia oo Maanta Qof Rayid Dilay Kadib Qarax Ka Dhacay Magaalada


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Beledweyne (RBC) Ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta toogtay nin dhalinyaro ah oo ay ka qabteen bartamaha magaalada wax yar kadib markii bambo gacmeed lagu tuuray askar lugeyneysay oo Ethiopian ah.

Qaraxa ayaa sida ruux ku sugan magaalada u sheegay Raxanreeb, waxaa uu ka dhacay bartamaha magaalada barqanimadii maanta waxaana bambada nooca gacanta laga tuuro ah lala beegsaday askar Ethiopian ah oo lug ku dhex mareysay magaalada.

Sida goobjoogayaal ka agdhowaa ay sheegayaan, waxay Ethiopianka markiiba ku dhaqaaqeen qabqabashada wixii dad ah ee meesha ka dhowaa iyagoo toogashana ku dilay nin dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadkii ay qabteen.

Illaa labatameeyo ruux oo ay ku jiraangacansato ku sugnaa goobo ganacsi iyo dad suuqley ah oo xilligaasi ku sii socday suuqa ayaa ka mid ahaa dadka ay maanta qabteen ciidamada Ethiopian-ka oo illaa galabta ay heysteen.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Hiiraan ee dhanka amniga Axmed Cismaan Inji oo Raxanreeb wax ka weydiisay dadka la qabtay iyo toogashada magaalada ka dhacday ayaa sheegay in askarta Ethiopian-ka lagu weeraray bambo, isla markaana aysan ogeyn sida wax u dheceen.

Axmed Inji wuxuu sheegay inay wadaan baaris arintaasi ku aadan iyo sidii dadka ay qabsadeen Ethiopianka looga soo siideyn lahaa.

Reer Beledweyne iyo Ethiopianka

Magaalada Beledweyne oo ay ku sugan yihiin ciidamada Ethiopia oo aan ka tirsaneyn AMISOM iyo tiro ka mid ah askarta wadanka Jabuuti oo ka tirsan hawlgalka AMISOM ayaa dadku waxay had iyo jeer dhibaato kala kulmaan Ethiopianka gaar ahaan xilliyada ay dhacaan qaraxyada iyo weerarada lagu qaado goobaha ay joogaan ciidamada Ethiopia.

Waxaana ciidamada Ethiopia, oo aan dadka Soomaalida jecleyn ay iyaguna u dhaqaaqaan falal isugu jira dil iyo qabqabasho ay u geystaan dadka rayidka iyagoo baadigoobaya kooxihii soo weeraray, taasoo dhalisa in dad aan waxba galabsan la dilo.

Illaa bishii July ee sanadkan in ka badan 20 ruux ayey Ethiopiuanka siyaabo kala duwan ugu dileen gudaha magaalada Beledweyne iyo bannaankeeda iyadoo dadka qaar wabiga lagu tuuray meydkooda markii la toogtay.  Waxaa sidoo kale jirta dhowr haween ah oo reer Beledweyne ah oo ay Ethiopianka kufsadeen.

 

 

RBC Radio

 

Share

2 Responses for “Beledweyne: Ciidamada Ethiopia oo Maanta Qof Rayid Dilay Kadib Qarax Ka Dhacay Magaalada”

  1. muuse says:

    Dadka maanta la dilay waa 2 waxa qarxayna waa miino. Tankale ethopiya wadankad wey xureyne sow lama oran jirin waa maxay wax bey kufsatay iyo wax bey dishay hadii lagu gufsado laguna dilo malaha waad xurowday kudarso oo b.wein 1 sano waxaa saaran bandow maalinta galinta hore marka gumeysi in aan ku jirno shaki kuma jiro.

  2. geelqaad says:

    a/c bacda salaam aa wat dadkii kiinya ku ee deeynayay dad beey leeysayaa way cali ameriko aa way doowladii soomaaliyeed qofkan dhintay alha unaxariistee ayaa lagala xisaab tamayaa maalin walbo itoobiyo waxna weey dishaa waxnaa weey kufsataa xataa saraa kii shiin iyo baarlamaankii soomaaliyeed tusaale barehiiraale inteey garaacday ayeey xidhay cali ameeriko kolkaa mas,uul soomaaliyeed miyuusan aheen shoowga halaga daayo umada xaqiiqadana haloo soo noqdo waanu ka xunahay runtii in shacab soomaaliyeed la laayo nan aa geer sani laa kiin istuska meesha kuma jiro cali ameeriko wado ama korneelada xamar uga dhaaranayo xamar halkeed ku maqneedeen kolkii amxaaradu gado dadka ku xasuu qeeysay aaway xiniin yihiinii ninka ragu waa inuu sharaf ku dhintaa geeridu waa xaq

Leave a Reply