Boob Baahsan oo Dib uu Soo Laabtay Xaafado Ka Tirsan Magaalada Muqdisho Iyo Shacabka oo Qeylo Dhaaminaya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Iyadoo amaanka magaalada Muqdisho uu u muuqdo mid sii xumaanaya beryahan dambe ayaa dhanka kale waxaa meelaha qaar dib ugu soo laabtay boobka hubeysan ee ay geysanayaan rag ka mid ah askarta dawlada oo ku lebisan dharka ciidamada.

Meelaha ay sida daran falalkaasi uga dheceen waxaa ka mid ah xaafada Suuqa Xoolaha oo ka mid ah degmada Huriwaa iyo xaafado ka mid ah degmada Yaaqshiid halkaasoo dadka ku nool ay cabasho ka muujinayaan boob habeen iyo maalin halkaasi ka socda.

Habeenkii xalay ayaa ciidamo ku lebisan dharka tuutaha waxay hanti isugu jirta lacag iyo qalab kale ka qaateen dukaan ku yaalla xaafada Suuqa Xoolaha iyagoo kadibnabaxsaday.

Goob joogayaal degan xaafadaasi oo ka gaabsaday magacooda ayaa Raxanreeb u sheegay in rag u socda kooxoillaa shan ruux ah ay habeenkii soo galaan xaafadaha kadibna ay baarasho ugu dhaqaaqaan dadka jidadka socda iyagoo ka qaata waxkasta oo ay sitaan.

Gabar ardaday ah oo degan degmada Yaaqshiid ayaa iyaduna u sheegtay Raxanreeb in saddex habeen ka hor iridka gurigeeda looga qaatay telefoonkeeda gacanta “mobileka” kadib markii ay hub ku qabteen labo nin oo dharka tuutaha sitay kadibna ay ka carareen goobta.  Waxay sheegtay in ay subaxdii u dacwootay saldhiga booliska Yaaqshiid laakiin aysan jirin wax looga qabtay illaa hadda.

Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Muxyidiin Xasan Jurus oo maanta idaacadaha gudaha la hadlay ayaa sheegay in baaritaan lagu wado dadka hubeysan ee shacabka dhibaateynaya, lana soo qaban doono.

Habeen socodka oo yaraaday

Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool xaafadaha labada degmo ee Yaaqshiid iyo Huriwaa waxay sheegayaan inay iska joojiyaan bixitaanka xilliyada habeenkii ayna soo adeegtaan casarkii si ay uga badbaadaan tuugada hubeysan ee bannaanada dadka ku dhacaya, hase yeeshee qeybo ka mid ahxaafadaha Suuqa Xoolaha oo badanaa xiga daafaha ayaa la sheegayaa in xitaa guryahooda dhexdooda loogu soo dhaco.

Kaliya kuma eka labadan degmo, waxaa sidoo kale dhaca dadweynaha uu beryahan ku soo laabtay qeybo ka mid ah degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag halkaasoo illaa saddex dhacdo ay la dheceen toddobaadkan oo kaliya.

Arimahan amaandarrida oo dadku ay si weyn uga qeylinayaan ayaa imaanaya xilli dawlada ay ku jirto waqti kalaguur ah isla markaana la filayo in masuuliyiinta xafiisyada amaanka la bedelo maadaama maamul cusub uu ku guuleystay doorashada madaxtinimad, waan midaas sababtaay dad badan ugu aaneynayaan falalkan inay yihiin dayacaad ka timid saraakiishii amaanka ee booliska iyo nabadsugida oo ku mashquulay sidii ay xilalkooda ugu soo laaban lahaayeen ama ugu yaraan dawlada wax uga heli lahaayeen taasina ay dhalisay inay ka mashquulaanshaqadii wax ka qabashada amniga caasimada.

 

 

RBC Radio

Share

3 Responses for “Boob Baahsan oo Dib uu Soo Laabtay Xaafado Ka Tirsan Magaalada Muqdisho Iyo Shacabka oo Qeylo Dhaaminaya”

  1. Diirshe says:

    Waxaan ka dambeeya mooryaantii 215 qof oo Shariifka uu ka sii daayey Xabsiga dhexe uuna ugu talagalay inay qalqalkaan ay geliyaan Magaalada. Mar haddii uusan hubin markaa in la soo dooran doono iyo in kale.

  2. qoono. says:

    dhaqankooda ayaa sidaas ah,

  3. qadar says:

    waan idinku raacay.

Leave a Reply