Booliska Kenya Oo Ka Helay Guri Ku Yaala Nairobi Walxaha Qarxa


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

NAIROBI (RBC) – Booliska Kenya ayaa soo qabtay walxa qarxa oo isku xiran kuwaasoo laga helay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Jimcihii shaley.

Ammaanka dalka ku yaala geeska Africa ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona dalka Kenya sannadka soo socda ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha.

Dalka waxa uu ka baqayaa dalka ay dariska yihiin ee Soomaaliya, halkaasoo ay ku xooggan yihiin ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Sida ay sheegayaan Booliska walxa qarxa waxa laga helay guri ay ku nool yihiin dad badan oo ah mid mashquul ah.
Kenya ayaa la kulantay muujado weerar ah, tan iyo markii ciidan ay soo dirtay Soomaaliya sannadkii hore, taasoo ka dambeesay afduubyo iyo weeraro ka dhacay dalka Kenya, isla markaana lagu eedeeyay Al-Shabaab-ka Soomaaliya.

Magaalada labaad ee ugu weyn dalka Kenya Mombasa ayaa dhawaan waxa ka dhacay rabshado xooggan oo daba socday markii dabayaaqadii bishii hore la dilay wadaad Muslim ah oo ay ku eedeesay Washington in uu gacan siiyo Al-Shabaab.

Ku-xigeenka madaxa booliska Nairobi Moses Ombatti ayaa Reuters u sheegay in uu xaqiijin karo in ay qabteyn walxaha qarxa taasoo laga helay hal guri.

Wadaadkii dhawaan la dilay ee Aboud Rogo ayaa rabshado xooggan waxa ay ka dhasheen dalka Kenya gaar ahaan magaalada Mombasa halkaasoo ciidanka lagu weeraray labo bam gacmeed.

Waxa kaloo laga cabsi qabaa in rabshadaha ay sii kordhaan marka la gaaro bishia March 2013-ka xilligaas oo ay dhaceyso doorashada madaxweynaha.

Waxa kaloo laga cabsi qabaa in rabshado ay ka dhashaan Mombasa, halkaasoo ay yimaadaan dalxiisayaal ka socda adduunka, waxa ay ku dacalka ku heysaa badweynta India.

Kenya bihsii December sannadkii 2007-dii doorashadii ka dhacday ayaa markii lagu murmay waxa ka dhacday dalka oo dhan rabshado, taasoo ay ku geeriyoodeen in ka badan 1,200 oo qof halka kuwa kalena ay ku barakaceyn.

Radio RBC

====================

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

2 Responses for “Booliska Kenya Oo Ka Helay Guri Ku Yaala Nairobi Walxaha Qarxa”

  1. [...] See more here: Booliska Kenya Oo Ka Helay Guri Ku Yaala Nairobi Walxaha Qarxa [...]

  2. Atoore23 says:

    Qofka soo qoray qoraalka kor ku qoran waa in uu soo bartaa sida saxda ah ee loo qoro far-soomaaliga.
    Waxbuu is dhexyaaciyey.Hadalkiisa qaar ka mida lama hayo ujeedadii lagu fahmi lahaa.Bal dadka uu yiri waxaa lagu qabtay alaab ka mida kuwa qarxa ma uu sheegin jinsiyada ay yahiin.

Leave a Reply