Boosaaso: Ciidamada Booliska oo Albaaba Isugu Dhuftay Xafiiska Odayaasha Dhaqanka kana-rartay Kuraastii,Miisaskii iyo Computar- adii yaalay.


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Odayaasha oo ku Shiraya Xafiiska lagurtay Qalabkiisa/Sawirku 19.9.2012

Boosaaso[RBC Radio] Wararka laga helaayo gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay in maanta albaabada la isugu dhuftay Xafiis ay la haayeen Odayaasha dhqanka gobolka isla markaana laga rartay qalabkii yaaley.

Ciidamo Boolis ah uu wato Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Bari Cismaan Xasan Cawke(Afdalow) ayaa maanta gudaha u galay Xafiiska Odayaasha Dhaqanku ku leeyihiin Agagaarka Hotel Imaaraat,iyadoona lagu wargeliyey Odayaasha iney baneeyaan Xafiiska.

Guddoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari Cabdiqaadir Axmed Ibraahim Xarago ayaa sida la sheegayo Subaxnimadii hore ee saaka looga yeeray Guriga gobolka Bari looga arrimiyo,waxaana farta laga saaray Warqad lagu amraayo in Xafiiskooda albaaba loo laabayo balse looma sheegin sababta keentay in la xiro Xafiiskooda.

Mid kamid Odayaasha Dhaqanka oo la hadlay RBC Radio Boosaaso ayaa sheegay in Nabadoon Cabdiqaadir Xarago lagu wergeliyey in ilaa amar danbe uu Xafiiskoodu xirnanayo balse ay Ogaadeen in Ciidamadu ay gawaari ku rarteen kuraastii,miisaskii iyo Computar-adii lagu shaqeynaayey ee yaalay Xafiiska.

...”"Waraaq kasoo baxday Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa nuqul kamid ah lagu soo aadiyey Taliyaha qeybta gobolka Bari Cismaan Afdalow ka dibna Xafiiska Nabadoonada,hadde Afdalowna arrintaas wuu fuliyey oo qalabkii dhan gaari dheyne ah ayuu ku gurtay,…“”ayuu yiri.

Odayaasha Dhaqanka oo talaabada lagu xiray Xafiiskooda kulan degdeg ah ka yeeshay ayaa sheegay in wado xun u marayn waxa ay sameysay Xukuumada oo dabada ka riixeysa Guddoomiyaha gobolka Bari,balse ay u marayaan dhanka Nabada,waxayna ugu baaqeen cida qaadatay qalabka Xafiiskooda iney si sharuud la’aan ah kusoo celiyaan.

Waxayna intaas ku dareen in Xukuumadda Puntland ha ahaato Maamulka gobolka kan degmada aysan la yeelan doonin wax wadashaqeyn ah oo dhanka gobolka ah isla markaana waxa ay sheegeen in ay awoodeen in bulshada u sheegaan waxa dhacay balse ay diideen in dhibaato ka dhalato arrinta foosha xun ee lagu sameeyey.

Maalmo ka hor Xafiiskan hadda albaabada loo laabay lagana gurtay kuraastii,Miisaskii iyo Computaradii ay ku shaqeynayeen Odayaasha Dhaqan oo horeyba aysan Dawladda Puntland ugu qalabeyn balse ay dhaqaalaha ku baxay ay bixisay hay’ad ayaa lagu qabtay kulan looga soo horjeeday muddo korarsiga Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole iyo Guddiga Doorashada Puntland.
____________________________

RBC Radio

Share

Tags: ,

31 Responses for “Boosaaso: Ciidamada Booliska oo Albaaba Isugu Dhuftay Xafiiska Odayaasha Dhaqanka kana-rartay Kuraastii,Miisaskii iyo Computar- adii yaalay.”

  1. [...] Follow this link: Boosaaso: Ciidamada Booliska oo Albaaba Isugu Dhuftay Xafiiska Odayaasha Dhaqanka kana-rartay Kuraas… [...]

  2. FARATELO says:

    ASC, Reer bari khayr allaha siiyo Dulqaad baad leedihinn laakiin waxaanoo kale waa xadgudub lagu sameeyey dadnimadiina marka war ma jiro Gobolkiina goosta lana macaamiltama Somaliweyn uma baahnidiin GNugaal waxaan idinkula dardaarmayaa hadaadan maanta iska celin gardarada iska cad ee RR Nugaal idinku wadaan waad ka sheekayn doontaan, jidka dheer dhexda kaxirta Dekedna waad leedihiin Garoon caalami ahna waad leedihiin maxaad uga baahan tihiin Nikaas Tigreega ku waardiyeeynayo tuuladiisa, dadnimo yeesha oo fulayga RR Nugaaleed meeshiisa yuusan dhaafin sc.

  3. Amina says:

    M/weyne Faroole bilah caleeg isaga deg xukunka maxa yeelay uma rabno Puntland Khal khal iyo dhib horleh waqtigiisii haduu dhamaaday ha dhaafo shacabka,shalay Qardho ayaa mudaaharaad ka dhacay Mudug amaan darey la ciiraysaa Boosaaso Odayadii baan laga xishoonayn,Degmooyin G/Bari ku yaal oo 40 sano Degmooyin ahaa ayuu yiri maaha Degmooyin waxasi maxay tahay?Dadka G/Bari degen waa dad xadaarad leh maaha dad dhibadan waana Dad aan qabiil aqoon oo isku jira xataa Dir baa dega marka Mr Faroole wakhtigaagii waad dhamaysatay ee isga yaac meesha intaan dhibka weyni dhicin.

  4. BARI BOY says:

    MEESHAAN PUNTLAND BAA LADHAA ANAA REER BARIYA OO WALIBA ASAL AH WAANAN TAAGEER SANAHAY DOWLADA WIXII DHIB WADA CIIDANKA BAA KAMA SUUL AH. DADKIINA MEESHA COMMENTIGA KUDHAAFAYA KOON FURTIINA HAGAAGSADA ANAGA AAD LANA RABTAAN DHIBTA IYO CADAANTA AAD KUJIDHAAN.

  5. cuuke says:

    wadanka mamul aya kajira amarkisa ayana soconaya qofki kahoryimadana dusha laga maraya booowe

  6. axmed says:

    dowlada puntland waa mahadsantahay waa in ey ka hor tagtaa wax alale wixii fatqalao wada odoyaal ma’aha kuwani ee waa warabyaal waxay ileyihiin ka faa’iidaysta ishaynta pwalada puntland iyo dowlada federlaka ah ee dhexe

  7. Faroole says:

    Alaylehe ragaygii baa dhameeeyey cuuke Iyo Bari boy so fiican ayaad oola hadasheeen anigu madaxweyne ahaan waxba Oran mayo qashinkaan cuqdada miiran

  8. hersi says:

    Istaahil kala cayriya dembi baa ka soo garaya umadda reer Boosaaso waxay meesha ku hayeen been iyo wax aan ka run ahayn bey meesha isugu keenijireen Bal ii sheega waxay Maamulka Puntland ku soo kordhinayaan. Iyadoo aan soccono xisbiyo kala duwan iyo ka gudbida qabiil qabiilka bay shaqadii Axmed dirieyeiiyo Xaad bay koobiyeeyeen

  9. Yusuf says:

    Waa in nidaamka iyo kala danbaynta la ilaaliyaa, madax dhaqameed, waa i ay siyaasada banaanka ka noqdaan, maaha siyaasiin waa dhaqan, marka waa in ay shaqadooda fahmaan.Maamulka dawlada ayaa iska leh, dawladuna waa in ay sharciga iyo kala danbaynta dhawrtaa iyo karaamada dadka.

    Xaafiika waxaa qarashkiisa bixinayey, haáyda!!!!!, maxay tahay haáyda siyaasada maalgalinaysa?

  10. sool-man says:

    Xili soomaali demoqradiyad u godobtay ayoo farole dektatoriyad iyo wakhti ku darsi ka bilaabay pland..ha dhakhlayso.kkk

  11. BOSSASO CITY says:

    marka hore salaan dhamaan hadaan fikir kayga ka dhiibto horta puntland waxa ay ku taagan tahay wa odayaasha oo hada aas aas kooda lahaa arintan hada taagan waxa ay tahay odayaasha xaq bay u lee yihiin in ay ka hadlaan siyaasada dalka maxaa yeelay iyagaa halkaas so gaar siiyay puntlan mida kale boob ka lo gaystayna waxan oran lahaa odayaasha bariyoow awalba idinkaa naas noo jin jiray puntland waxaadna ku hormarteen nabad iskuduubne bilic magaalo dhaqaale xadaarad amni jacayl marka haduu faroole kuraas bili liqaystay miisas iyo daah yadii qolka isagoo ashkhaas kale so adeeg saday taasi ciib tiisa ma ahanee wa caa dadiisa iska sabra

  12. faroole+garowe lover says:

    car yaa hadla oo wir yaa xukunkororsigayga ka hadlaa ninkii xininyo leh bal afka hakala qaado dee anigu reer mudug ayan aamusiyay oo wado cad mariyay markasay reer bari iswalayaan cagta dhulka dhiga hadii kale meeshii reer galgalo la mariyay aya la idin marsiin doonaa

  13. Boosaaso says:

    Asc kadib haday taasi dhacday waxaa loomaray wado aan anshax ka muqan lkn wax kasta waxaa ka wayn nabada iyo midnimada, dadka wax kuqoraaya far Somaliga oo wax isku diraayana waxaan leeyahay hadad Islaam tihiin ka fiirsada aqwaashiina oo dadka ha isku dirina, Allana waxaan waydisanaya nabad, midnimo,wax wada qabsi, baraarugsanaan iyo inaan helo cid diinta nagu xukunta, lkn yaan laysku dayin in wado aan macqul ahayn lomaro arimahaas, ogadana dulqaadku waa muhiim si loohelo arimahaas oo dhan

  14. Ordaaye says:

    Maad na maqashiisaan odayaasha la xumeeyey warkooda oo hadal ah iyo kan dowlada oo hadal ah bal sababta aan ogaaanee.

  15. soomaali says:

    Reer Bari dulqaadka waa lagu yaqaan iyo ilbaxnimo xoog leh, hase ahaatee mar haddii ay kacaan danta ay leeyihiin waa ay gaaraan ciddina kama horistaagto , sida muuqatan waxaa so dhow waqtigii ay kici lahaayeen . Faroolena waa uu dhamaystay xilligii madoobaa ee uu xukunka hayey waxaa dhimanba waa maalmo tirsan. waa inoo ballama January 2012.

  16. Amina says:

    Faroole isgaa isku soo jeediyey shacabka intuu yiri xildhibaanadu ha ka soo baxaan Degmooyinkooda ayuu baabiyey degmooyinkii qadiimka ahaa sida Rako, Baargaal,Waaciye, Ufayn, kuwo shalay ahaana Degmooyin buu ku sheegayaa,nimankaan soo qoraaya shacabka hala caburiyo adeerayaal waxasi soconmayso maamulka dadbaa doortay waa in odayda oo matalaaya dadka lala hadlaa hadii kale meeshu suuq baynoqonaysaa waana in maamulka meesha ka jira la ixtiraamaa waana inuusan waqti dheeraada uusan ku darsan Mr Faroole hadaysan shacabku rabin,Adeerayaa Faroole tol ahaan ugu hiilinmaayo kumana mucaaradaayo,ee waxan rabaa dhamaan nabadgelyada Gobolada Puntland we need change.

  17. faarax says:

    dawladu waa ku saxan tahay inay ku waan oo kale dadka ka qabato maxaa yeelay waxay wadaan wax aan loo dulqaadan karin nin nabadoon sheeganaya oo dhex ordaya maamul dawladeed
    waxaan ku talin lahaa gobalada oo dhan ha laga cayriyo kuwaan oo kale

  18. SUULDHABAALE says:

    Waa sax in la xiro xafiis ku sheega.Wadanka dowlad ayaa ka jirta, ee waa in loo hogaansamaa amarka dowladda. Fowdo iyo anaa amiir ah ma shaqaynayso!!!

    Ninka hebel xarago la yiraahdo waaba fidno wade , waxuuna istaahilaa in abaalkiisa la mariyo, Waayo? dhowr jeer oo hore ayuu fidno ummdda lagu kicinayo ka shaqeeyey!!!!

  19. MANXE says:

    WAA QALAD IN ODAYAASHA SIDAA LAGU SAMEYO .MESHATANA MA AHA XAMAR EE ODAYASHA AYSAN KU HAYSAN XUSHAMAD IYO QADARIN ,MARKA WAXAN DOWLADA UGU BAAQAYNAA HADANU NAHAY SHACACBKA REER PUNTLAND INAY SI BILAA SHARUUDA UGU SOO CELISO ,GEFKAASNA AY KA BIXISO RAALI GELIN, WAANA MID MEEL KA DHAC AH LAGUNA AQOON MADIQADAN PUNTLAND. WAXANA MADAXWEYNAHA U SHEEGAYNAA HADII WAQTIGAGU DHAMAADO INADAN KU FIKIRIN WAX UMADA SII KALA FOGEEYA EE SI SHARAF AY KU JIRTO KU WAREEJI.SIDEY YEELEEN RAGII XUKUNKA KAAGA HOREYEY.HADII KALE MESHAN PUNTLAND DADKA DEGAA SAMAYSTAY HADII AYSAN SOCONA REER WALIBA MANDIQADA UU DEGO ISAGA U TASHAN.

  20. dayo says:

    war reer bariyow dadkeena dhinac ka raaca fawdo wax wayn ku keenimaysaan iskadaaya burburka iyo isdaba qodashada shacab iyo dawlad weeye meelkasta marka. laba dawladood meel kama wada talin karaan ama shacab ama xukuumadda. Xukuumadda ma leh gobol waa ladaleeyahay ninkasta asagaa diyaar ahaa cidnah lama khasbin wax waynka ma jiraan mucaaradnimo haddii ay faaiido keenayso daarood bay u keenilahayd waad aragtaan Hawiye faaiidada uu ka helay kala daadsanaanta isfahan la’aanta dhexdiina ah. Hadda gobol gobol baad isku mucaaradaysiin please Puntland haddii ay burburto waa Xamar iyo Hargaysa guusheeda………………………!

  21. xiingood says:

    adeer ka xishooda shacabka puntland adeerkiina loo dulqaadanmayo intaas ugu filan madaxwayne fadhiid ah oo lumiyay kalsoonidii bahwaynta puntland midnimadiina kala firdhiyay muquunadaas wuu tagayaa kaasi isagoo mahadsan xataa hadal xun o ran mayno dulqaad noogu filan afar sano haduu raboi in loogu daro sanadkaas xukuumdan fadhiidka ah ddadku ma ogola isaga nac nacdiisa la nacay waa hate full ninka loogu necebyahay ayuu noqoday wadanka xoogaa yar ah oo dowlada maql waligood auyaghana wax la waydiinayn ayaa niyada ugu dhiso garoowe hady ku taageeraan siyaasad xumda faroole hade garoowr anaga caasimad ka dhiganay si fudud ayay ku noqonaysaa mxaa yeelay hadii kalsoonidii lunto beelwaynta puntland yaa isku imaanaya marka faroole haduu nin rag ah yahay haka tago meesha hadii kale janaal samatar ayaa garoowr ugu imanyaa kartbaash sida loola dhoco waa aqaanaa anaa walaalkood ah marka sida riyaha u fakaraan oo dadka riyo moodaan Kkkkkkkkkkk haduu rabo in aan dagaal dhiig ku daato meesha looga saarin ha baneeyo meesha dad walaalo ah ayaa wax isku darsady hady is fahmi waayaan waxooda way la noqonyaan puntland badbaado madaxwaynaha wxaa iska leh labo qabiil markaan afrata sano soo socota kadib xisbiyo hala diyaariyo lakin dowlada indhala oo dhagala noo fadhinmaysi garoowe anagaa ddadka u bilaabayna oo dadka u xigna dab ayaan u tuuraynaa Kkkkkkk maaha puntland ee muquunda fadhida garoowr ee hate fullka noqoty

  22. bosaso says:

    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk sxb waad garty walaahy meesha riyo lagu ilaalinmayo boqor kan waa ceebeeyayay puntland xataa xamar wuu fshily siyaasiyiintii puntland hadana wxaa laysku raacay in laga qabto meesha doqonka jooga garoowe wax gardkii puntland joogy xamar waxaa laysku raacy in jagada loo dhiibin ayana u daayaan kale markan ama puntland la badbaadiyo mxaa yeelay 14 sano ayaa lagu baraary waa layska qabtaa waxaan wax taryn siyaasadana wadi karin oo gadaal u socod ah tusaale waxuu ku doodi jiry ninka aan qabiilka ka xishoon in jagada raysalwasaaraha loo dhiibo saan kursiga loogu qabsan loolana xisaabtamin 1 sano sharmaake ayaa ahaa 1 sanona gaas ayaa ahaa waa la sixi waayay khaladkiisa waxii la soxo gadaal ayuu ka khaldyaa ilaa uu si toos ah uga horyimaado doorashadii dhacdy in jagada ku guulaysto siiba puntland waxaas oo dhan waa dulqaad ayay sameeyeen wax garadka puntland maanta waxa loo soo jeesty in meesha laga saaro faroole oo dadkii fashilay siyaasadoodii umadina ka dhigy tuke canbaar leh

  23. Puntland badbaado maanta waxii wax garanya no nepotism no corrubtion no miss managment no digtater waxaan talin jirin haduu taliyo wxaa taga nin aan tegi jirin xikmada kale ayaa oranysa qoom hadii la haligayo mid falan oo habaar qabe ah oo loo ducayn ayaa madax u noqda sida faroole

  24. ABDI says:

    waxaan u maleynayaa midaan in wakhtigeedii dhamaaday fawadada ay ka talineysanasa ay ku burbureyso odayaashana sumcadooda aysaan wax u dhimeyn marka waxaan kula talinlahaa umada hadii ay islafahmiwaayaan halmaamul oo mideeya waa in qola waliba ay ka tashataa nimanka waxkale is moodeyna wexey yihiin ayey ogaanayaan inta nabadujoogtaabaa ninba laba nin leegyahay dardaaraan ahaa waxaan leeyahay incanshuurtiina iyo lacagihiina lacuno xabsiyo iyo dhac hantiyeed iyo ilaaahano odayaaleed halaguugu daro wax ka xun majirto waa in laga tashadaa maamulkan nin waliba sida u dan ah wuu yaqaan

  25. libaan mahdi says:

    FAROOLE MUDADA XUKUMADIISA WAXA KA HARAY LABO BILOOD UMAMADA IYO PUNTLAND DHIB KU FILAN FARAQA AYEY KU HAYSTAAN,
    PUNTLAND IYO SOMALI WEYN WAXAA KU TAHAY CAQABAD WEYN.
    WAX GARAD BADAN OO REER PUNTLAND AHNA DADAAL WEYN AYEY UGU JIRAAN IN BEESHA CAALAMKA IYO DAWLADA CUSUB OO LASOO MAGACAABI DOONO IN SI NABAD GALYO KU JIRTO UU XUKUNKA WAREEJIYO,
    NO FIVE YEARS PUNLAND NEEDS CHANGE AND THAT CHANGE WILL UNITE THE PEOLE OF SOMALIA,,,GET OUT OF THE WAY OLD MAN

  26. XUSEEN SALAAD says:

    DACAWAD KA DHAN AH MADAXWEYNAHA PUNTLAND AYAAN MAANTA UGUDBINAY WAKIILKA CUSUB EE MIDOOWGA YURUB, IGAD IYO UNPOS,
    WANA LALA XISAABTAMI DONAA GOOR DHOW, WAXAAN SUGNAA WAA FEDERAALAKA
    DACWAD KALE WAXAAN UGUDBINAY DAWLADA AUSTRALIA QAYBTA LADAGAALANKA MUSUQMAASUQA,

  27. Jamac says:

    Asc. Ugu horayn wan salaamayaa shacabka puntland. Waxan leyahay amaankiina ilaalsada iyo midnimadiina. Hana yeelinina ninka raba wadankina inuu kucayaaro. Madaxwayne faroole waxan leeyahay waxa laguu doortay inad 4sano wadanka maamushid ilaahay kacabso dadka hadhibin isaga dag xilka waxad dambi kagashay puntland alaa og wadanka faraha hakabixine xilka isaga dag. Waxan kuleeyahay intan lagu oran ???? ???? ??? ????? xilka isaga dag

  28. Jamac says:

    Asc. Ugu horayn wan salaamayaa shacabka puntland. Waxan leyahay amaankiina ilaalsada iyo midnimadiina. Hana yeelinina ninka raba wadankina inuu kucayaaro. Madaxwayne faroole waxan leeyahay waxa laguu doortay inad 4sano wadanka maamushid ilaahay kacabso dadka hadhibin isaga dag xilka waxad dambi kagashay puntland alaa og wadanka faraha hakabixine xilka isaga dag. Waxan kuleeyahay intan lagu oran ???? ???? ??? ????? xilka isaga dag

  29. CARMO says:

    loooooooooooooooooooool

    kuwan odayal ma ahan wa nabadid wa kuwo la mid ah diriye qaxiye iyo odaygi tima jaraha aha xaad garweyne war waxan oron laha kuwan tuugada ah maxa siyaasada dhex gashay beelo ayeyba nabadono inay u yahin bay sheganayan haday wax tabanayan bay siyasiyinta matesha u shegtan waxan hambalyo iyo bogadin iyo faal geesinimo leh u diraya Gudomiya Gobolka Bari Mudane Galan oo runti ah nin si qoto dheer isha ugu haya Aamanka Gobolka waxana jeclan laha in laga xiro xafiska iska daye in la xir xiro oo waliba la karbasho sababto wa nabadid iyo wadan bur buris hadi dagal iyo coladi faido ledahay Daadka Reer Muqdisho aya faido iyo darajo ku gari laha thanks

  30. BARI_Man says:

    looooooooooooooooool

    Ceel Afweyn miya lo xisay in la isku ceeliyo hadi la xisay diyar ban nahay inan celino welcome…
    kuwan odayal maha wa moryan waxan umaleynaya in tulada qardho laga so bisbaseyey sababto ah rer bari wa og yahin xukumadi cade muse oo sida ay wax u mamuli jirtay 60 jaago oo kala duwan bay hal rer ku tirisay away daadka intisi kale mida kale ciidan maleeshiyo beéled ah bay sameysten oo qabil kasta werara hadaba hadi manta u janis ku helay Gudomiya Gobolka cayayanka nabadonada isku shegaya iyo wixi so ababulay wa guul waxan leyahay iska dhaf inad dheengadeyse madaxa dhulka ugu garac afar habrodo candhoweyn ba qardho mudaharad ka sameyey wax la asmaci karo ama lo dulqadan karo maha wa in laso af jara ama ay iska cararan mesha calcal ma yale

  31. nudug says:

    Maamul baa waddanka ka jira, marka wixii fawda ah maamulku waa inuu gacan bir ah ku qabtaa la yeeli maa in mucaarad meel ay u socdaan aan la aqoon ay fowdo iyo waxaan dani dadka reer puntland ugu jirin ay keenaan. marka halaga danbeeyo maamulka hana la iska daayo kala fogeynta dadka iyo isku dirka taas waxba lagu gaari maa, puntland iyo somali oo dhan nidaam iyo hala danbayn bay u baahan tahay

Leave a Reply