Burcad-Badeed Soomaali Ah Oo Dishay La Heeste Reer Syria


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho [Radio RBC] Kooxo burcad-badeed Soomaali ah oo gacanta ku haya markab ay afduubteen ku dhawaad labo sanno ayaa waxa ay dileen la heeste reer Syria oo ka mid ahaa shaqaalihii la socday markabka, halka mid kalena ay dhaacweyn.

Waxa la ammisan yahay in tallaabadan ay tahay markii looga soo dahay burcad-badeeda lacag madax furasho oo ay rabeen.

Xasan Cabdi waxa uu hoggaamiye u yahay koox burcad-badeed Soomaali ah oo ku sugan Xaradheere, oo ah xarunta burcad-badeeda wuxu sheegay in dilkan nin u dhashay dalka Syria ay fariin u tahay milkiilayaasha markabka MV Orna oo ay ka afduubteyn xeebaha Jaziiradda  Seychelles sannadkii 2010.

Wuxuu yiri “Dilkiisa waxa uu fariin u yahay milkiilayaasha markabka kuwaasoo aan na siin lacag madax furasho ah, oo ka dalbanahay”

Cabdi Taleefon kula hadlaayay wakaaladda AP, ayaa intaas ku sii daray in ay dili doonaan kuwa kale ee shaqaalaha maxaa yeelay ayuu yiri ku dhawan labo sanno ayaan u sabarnay.

Markanka ay la socdaan shaqaalaha la heesto kan la dilay ayaa lagu magacaabaa The MV Orna waxa uu ku safraayay calanka Panama-flagged, waa markab ganacsi oo laga lee yahay dalka isku iskutagga immaaradka carabya

Waxa la afduubtay MV Orna  bishii  December 2010, markaasoo laga soo qabtay meel 640 kilometers u jirta waqooyiha Jaziiradda Seychelles.

Kooxaha burcad-badeeda Soomaaliya ayaa lixdii bilood ee ugu horeysay ee sannadkan waxa ay weerar ku qaadeen ilaa 69 markab, iyagoona qabsaday 13 markab tiradaas oo aad uga yer kuwii sannadkii hore ay qabsadeen sidaas waxa yiri xafiiska kormeerka baddaha adduunyadda ee International Maritime Bureau (IMB).

RBC Radio

———————————

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

3 Responses for “Burcad-Badeed Soomaali Ah Oo Dishay La Heeste Reer Syria”

  1. B Jameeco says:

    burcad badeeda maamulada ay hooos tagaan waa la yaqaan marka loo doorto Madaxweyne Sheekh Shariif, Farmaajo ama Baadiyow ayuu filankooda ku eg yahay

  2. cawo says:

    walee nin muslima dhiigiisa waa suaal u taal ragii dilay iyagaa na leh wuxuu ahaa markab ganacsi markab ganacsi maxaa u geeyay waxaanu isku ogayn kuwa kaluunkeena xadee sheekada burcad badeedu waa been marka inay bad difaacayaan.

  3. Puntlandboys says:

    Ilahay kuwas ha ka qabto umada! Burcad khayr maleh,

Leave a Reply