Caasho Geele: Dadkeygaa ii Baahan, Madaxweyne Faroole Waa uu Mahadsan Yahay Mar Hadduu Gartay Inaan La Jaan Qaadi Karin
Gaalkacyo (RBC) Wasiiradii hore ee haweenka iyo arimaha qoyska maamulka Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye ayaa maanta dib ugu laabatay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyadoo si eyn halkaasi loogu soo dhoweeyay markii ay magaalada gaartay.
Caasho Geelle oo dhowaan xilkii wasiirnimo ee ay ka heysay maamulka Puntland looga qaaday iskushaandheyntii xukuumadda Puntland ayaa markii ay gaartay magaalada Gaalkacyo waxay hadal ka jeedisay meel fagaare ah iyadoo la hadashay haween ka mid ah kuwa gobolka Mudug oo si weyn u soo dhoweeyay.
“Waad mahadsan tihiin dadka reer Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug waxaan ku amaanayaa sida ay ii soo dhoweeyeen iiguna muujiyeen kalsoonida” ayey tiri wasiirada hore oo xilka looga qaaday iskushaandheyntii madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole uu ku sameeyay golihiisa wasiirada 15-kii bishan Sebtembar. Halkan ka akhri iskushaandheynta
Siyaasada Faroole
Marwo Caasho Geelle oo si kooban aadna u degan u soo qaaday sababtii xilka looga qaaday ayaa tilmaantay in iyada iyo siyaasadda madaxweyne Faroole ay isla jaanqaadi waayeen, madaxweynaha laftiisuna uu taasi dareemay.
“Aniga Puntland baan u dhashay, dadkeygaa ii baahan oo aan u shaqeynayaa. Madaxweyne Faroolana waa uu mahadsan yahay mar hadduu gartay inaan siyaasadiisa la jaan qaadi karin..” ayey sii raacisay Caasho oo haweenka u khudbeyneysay maanta.
Lama oga hawlaha ay Marwo Caasho Geelle ka bilaabeyso Gaalkacyo inay yihiin kuwa dhanka siyaasadda la xiriira iyo inay dib u bilaabeyso hawlihii dhanka gargaarka ee ay horey uga shaqeyn jirtay ka hor intii aysan noqon wasiirka haweenka sanadkii 2008. Waxaase xusid mudan in wasiirada hore ay degan tahay magaalada Gaalkacyo.
Waa markii labaad oo ay Caasho ka hadasho iskushaandheyntii golaha wasiirada Puntland ee toddobaadkii hore uu sameeyay madaxweyne Faroole taasoo galaafatay illaa shan ruux oo wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno isugu jira oo ay iyaduna ka mid tahay.
Toddobaadkii hore mar ay ka hadashay xilka qaadista iyada lagu sameeyay waxay Caasho Geelle sheegtay in saddex maalmood ka hor isku shaandheynta ay iscasishay. HALKAN KA AKHRI
“Saddex maalmood ka hor Madaxweynaha, Madaxweyne Kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxan usoo Scan-gareeyey anigoo jooga magaalada Gaalkacyo warqad is casilaad ah oo aan ugu sheegayo in aan baneeyey xilka aan ka hayo dawladda Puntland…””ayey tiri toddobaadkii hore Caasho Geelle.
Si kastaba waxaa muuqata in Marwo Caasho Geelle oo beri ka mid ahayd wasiirada aad ugu dhow madaxweyne Faroole, wasaaradeeduna ay ka mid ahad kuwa ugu shaqada badan inay aad u kala fogaadeen waayadan dambe madaxweynaha, sida ay iyadaba sheegtay “inay la jaanqaadi weysay” siyaasadda madaxweyne Faroole.
RBC Radio












Waa duni aakhurul zaman!!!!
Waa xaqiiq, oo Caasho Geelle Diiriye aad iyo aad bay ugu soo halgantay umadda Soomaaliyeed, iyada oo ka soo beegsatay arrimaha qoyska, oo unug iyo lafdhabar u ah horumarka bulshada. Caasho waxa aan ku xasuusan doonnaa sidii hagar la’aanta ahayd ee ay guud ahaanba umadda Soomaaliyeed wax ugu soo qabatay. Caasho waa qof aan innaba caadi ahayn. We salute her!
Madaxweyne Faroole waxa la gudboonayd in uusan si sahal ah ku sii dayn Caasho Geelle Diiriye, oo runtii muraayad u ahayd sharafka iyo horukaca Puntland. Si kasta oo ay ku dhacdayba, ha ahaato isku-shaandhayn ama iscasilaade, waxa aan Caasho u rajaynaynaa meel khayr qabta, oo uga maamuus iyo magacdheer, oo ay ka sii waddo adeegyadii ay u haysay dhamaanba bulshada Soomaaliyeed.
Sida oo kale, waxa aan Ilaaheey ka rajaynaynaa in Wasiirka cusub ee Madaxweynuhu noo magacaabay, Marwo Xaliimo Xasan Quruf, ay sidii walaasheed Caasho oo kale uga soo dhalaasho mas’uuliyadda loo igmaday, Ilaaheyna ku garabgalo.
Shacabka Puntland, iyo guud ahaanba Soomaaliweyn, waxa aan u rajaynayaa guul iyo midnimo.
Wa Billaahi Towfiiq,
Maxamed Deeq
murwo caasho geelle runtii waa gabar gobalka iyo maamulkaba wax badan ka qabatay …laakiin taas faroole uma muuqato.. caasho waxabay qabatay,, faroole waa burburiye, marka ma wada shaqaynkaraan …. caasho way mahadsan tahay….waxaana kula dardaarmayaa bulshadu waa kuu baahan tahay,……………………….
Acww Marwo Caasha Geele aad bay u mahadsan tahay xoogaagii ay dadka dega Puntland usoo qabatay, waana ku amaanayaa, waxay qabatay haba kayaraatee intay qaban kartay, waxaanse la yaabanahay markii hore iyada iyo Faroole waa isku fiicnaayeen oo isku siyaasad bay ahaayeen ee ma markii la badalay bay siyaasad kaduwan kiisa yeelatay?
Miyaan masuul meel haya laga qaadi karin, haddii uu wax qabtay iyo haddii kalaba?. Dhaxal miyaa xukunku iyo meel qofku waligii joogo haba fiicnaadee? ilaahay hana baro in aan qof wanaagsana xilka ka qaadi karo midkaloo wanaagsana u dhiiban karo. thanks
waa muuqataa in Madaxwayne clraxmaan iyo Caasho siyaadaha ku kala bayreen balse waxay Caasho kufiic naan lahayd in ay xilka iskaga tagto inta aysan dareemin in lagu soo maqan yahay waa haddii ay rabto in ay hadaladeeda danbe kadhigto kuwa hadda, iskana illowdo kuwii macmacaanaa ee ay isku ammaani jireen waayihii hore iyada iyo Madaxwaynaha . maxaase loo waayay siyaasi Soomaaliyeed oo dhaha markasta waxaan ushaqanayaa dadka iyo diinta sidii khaalid bin Waliid markii uu Cumar xilka ciidanka ka qaaday markii uu yiri ” in aan Askari kudagaalamo iyo in aan Qaa’id kugaallamo waa in aan Alla dartiis udagaalamayay”.
caasho Geele Diiriye aad ayay umahad san tahay waxaana umalaynayaa inay garanayso cidii caqli leh wax yaalaha ay qabatay in tii ay ahayd wasiirada iyo heerka ay gaarsiisay wasaarada ay masa uulka ka ahayd waxaan cidii caqli leh way garanaysaa kagudub hooyo caasho waxaan leeyahay waxaad dalka iyo dadka uqabatay hortaadaad kahelysaa waxaan kaloo sharaf kuu ah adoo ku amaanan inaan katagto meeshaad jiigtay bari kamaalin taariikhdu waxay qoraysaa cv ga qof walba uu kuleeyahay mujitmaca waxaan farxad kuu ah in aanay taariikh xuni buugaaga galin teeda kale adoo shacabkaagii kuu baahan yahay oo lagaa daba il maynayo inaad tagto sharaf kaaga wayn garan maayo wasiirada cusubna waxaan leeyahy waa inaad shaqada kasii wadaa meeshay joogtay guul ayaana kuu rajaynayaa mahadsanid