Cabdi Qaasim Salaad Xasan Oo Ka Hadlay Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya
Muqdisho [RBC Radio] Madaxweynihii hore Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya oo in ka badan 43-sano markii ugu horreysay lagu qabtay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Dr. Cabdi Qaasim oo madaxweyne ka soo noqday dowladii TNG-da ee lagu soo dhisay dalka Djibouti sanadkii 2000 ayaa arrin taarikhi ah ku tilmaamay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ee 10-kii bishan ka dhacday Muqdisho.
Wuxuu sheegay in doorashadaas ay muujineyso in Soomaaliya ay ka hir gashay nidaam dimuquraadi ah oo u hor seedaya Soomaaliya in ay mar kale wax la qeybsato caalamka.
Cabdi Qaasim ayaa soo dhaweeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuu oo Axadii toddobaadkan loo caleema saaray in uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya afarta sano ee soo socota.
Wuxuu sheegay in uu yahay madaxweyne qof aqoon yahan ah oo dalka iyo dadkaba wax badan oo wanaag ah u soo qabtay isla markaana uu rajeenaayo in uu la yimaado isbadal muuqda.
Ugu dambeyn madaxweynihii hore Soomaaliya ayaa ugu baaqay dadka Soomaalidu in ay garab istaagaaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo dooortay.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa horey waxa soo dhaweeyay doorashadiisa madaxda caalamka iyo kuwa Soomaalida.
Waxana dhawaan uu soo magacaabi doonaa ra’iisal wasaare soo dhisa xukuumada ka duwan kuwii dalka soo maray burburkii dalka tan iyo 1991-dii.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi












Roadmapku waa waxaan loo baahneyn, dastuurka dad baa wata oo ma aqbaleyno, doorashada mar horaa lagu shubtay mana aqbali doono qofkii(“haduu ree PL yahay”) ku soo baxa. Ereyadaas oo dhan waxaan ka heynaa reer Muqdisho sideey u dhan yahiin(Sheikh, mooryaan, siyaasi iyo hooyooyinba). Hypocracy number one!!!!!
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
raxanreeb
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
nidaam yeesha
Dr Cabdiqasim Salaad Xasan waa muwaadin wadani ah mar walbana mooqif fiican ka qaata isbedelada siyaasadeed ee Soomaaliya waxaana lagu xasuustaa xilligii uu madaxweynaha ahaa siduu ugu soo horjeystey faragelintii dowlada Itoobiya Soomaaliya ku haysey, tan iyo burburkiina waa madaxweynaha muujiyey in uu u dhaqmo madaxweyne madaxbanaan oo aan loo yeerin siyaasadiisa. Xasuus qaas ah shirkii midowga Afrika ee Lusaka oo si xun ugu hor canaantey shirkaa ra,iise wasaare Milles Zanawi faragelintii uu Soomaaliya ku hayey.
waji hala timaado muqdisho markaas baa Puntland go’aansan kartaa wixii lasaxiixay ma diidikaraan dawladda federal ah baa lagu heshiiyey marka, reer muqdisho iyo inta u riyaaqda don’t champ the conner otherwise something will be done in the future.