Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya Oo Maanta Ka Dhacaya Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho [RBC Radio] Waxa saacadaha soo socda lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay  ka dhacdo caleema saarka madaxweynaha cusub  ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo dhawaan ku guuleestay doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Caleema saarka madaxweynaha ayaa diyaar garowgeeda waxa ay ka socotaa iminka dusiga tababarka ciidanka booliska ee Gen Kaahiye halkaasoo ay ka dhici doonto, waxana ka qeybgalaya madax caalami ah iyo wafuud lagu casuumay.

Gudiyo ka socda madaxweynihii hore iyo kan cusub ayaa ka soo dhaweynaya madaxda caalamka ka socota ee ka qeybgalaya caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya

Madaxda lagu casuumay caleema saarka madaxweynaha waxa ka mid ah madaxweynaha dalka Djibouti Ismaacil Cumar Geelle iyo madax kale oo ka socota gobalka.

Sidoo kale caleema saarka madaxweynaha cusub waxa ka soo qeybgali doonaa madaxda gobaleedyada ka dhisan dalka.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa saaka aad loo adkeeyay, waxana meel kasta la dhigay ciidamo kuwaasoo suga ammaanka munaasabada lagu caleema saarayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta si rasmi ah u wareejin doona xafiiska kaddib markii uu afartii sano la soo dhaafay xilk hayay.

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ayaa waxa hortaala shaqooyin badan oo ay ka mid yihiin siddii uu wax uga qaban lahaa Al-Shabaab oo dagaallo kula jirta ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, Wadahadalada Somaliland la lee yahay iyo wax yaabaha uu qaban doono afarta sano ee soo socota.

Wixii ku soo kordha kala soco Raxanreeb.com

 

 

Share

Tags:

1 Response for “Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya Oo Maanta Ka Dhacaya Muqdisho”

  1. Dige says:

    Mudane Madaxweyne,,, Ka fagow labada siyaasi ee somaliya loogu necebyahay,, waa burcad badeed Faroole iyo Shariif Sakiin

Leave a Reply