Cali Geedi : Muqdisho Waxa Aan U Imid In Aan Ka Qeybqaato Neecawda Ka Socota
Muqdisho [RBC Radio] Ra’iisal wasaarihii hore Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa maanta dhowr sano kaddib waxa uu ku soo laabtay Muqdisho, isla markaana sheegay in uu ka qeybgali doorashada madaxweynaha dalka Soomaaliya oo dhaceysa 10-ka bisha September.
Cali Maxamed Geedi ayaa galabta ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaddib markii uu ka yimi dalka Kenya, halkaasoo uu ku sugnaa tan iyo markii uu xilka ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ka degay dabayaqaadii bishii October sannadkii 2007-dii.
Cali Geedi oo saxaafadda si kooban u la hadlay ayaa sheegay in uu ka mid yahay musharrixiinta madaxtinimada dalka Soomaaliya oo dhawaan la qaban doono.
“Farxad weyn bay ii tahay in aan imaado Muqdisho soo salaamo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee aan aad iyo aad u jeclahay, waad ogtihiin dalkan dowladii milatariga ahayd ee Jaala Maxamed Siyaad Barre kaddib dagaallo sokeey ayaa ka dhacay,isku day badna oo beesha caalamku ay taageeraysay iyo madaxdii Soomaaliyeed ee kala duwaneed, waxa aan filayaa in ay ugu hub weyn yihiin dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Qaasim Salaad Xasan, 2000 dowladaas dad badan ma fasiri yaqaanaan, “ ayuu yiri.
Waa uu sii hadlay “Annigu ma ihi siyaasi la baranaayo ee waxa aan ahay nin xilkii ugu dheeraa soo maray mudadii dowlada fadaraalka KMG Soomaaliyeed, xafiiska ra’iisal wasaaraha , kalsooni badan ayaan ku qabaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo caaboon ayna ka mid yihiin kuwa horey u soo shaqeeyay oo aad u aqaano in yoolka tiigsan doonaan oo ay umada Soomaaliyeed u doodi doonaan, dooran doonaan hogaamiye horey u sii wada horrumarka iyo geedi socdka.”
Waxa kaloo uu sheegay in uu ka qeybgali doono doorashada madaxweynaha dalka Soomaaliya taasoo lagu wado inay dhacdo 10-ka bishan.
Cali Geedi ayaa ku biiraya musharrixiita kor u dhaafaya 60-ka ee doonaya in ay ka qeybgalaan doorashada madaxweynaha dalka Soomaaliya, walow aan si rasmi ah loo heynin tirada rasmiga ah ee musharrixiinta.
RBC Radio
================
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] See original article: Cali Geedi : Muqdisho Waxa Aan U Imid In Aan Ka Qeybqaato Neecawda Ka Socota [...]
Toliwaayeey ee Soomaali waxay horey ugu maahmaahday ninba ceesaanti ceel keensay haddana soomaali waxay tiri af laba daan leh ilaa hadal madaayo, habar soomaaliyeedna waxay tiri lugtaanay ninba mar kuqaad.
Boyaasaddii (Geedi) Meles Zenawina ma maantay leedahay soomaaliya waan jeclahay, Allow Alle!!
Nin culus iga dheh
waa ilmahii Malez uu dhaley kan waa tuug somaliya baabi’yey oo xadey lacag dhan 3.4M$ oo uu ku xaseysetey Kenya waxaa uu rabaa inuu Badda Somalia gado ayuu u yimid iska jira tuugan
Prof piccolo
waad khaldan tahey..saxiib $30 million usa dollar ayuu xadey…miyaad ilowdey..$1million usa dollar ayuu wiilikiisa Aroos ku dhigety Nairobi…………………..hadalkii waxaan u fasirtey………..please i doorto sidii dalkaan oo dhan u gadi lahaa bada iyo cirkia iyo dhulka……………….Dameer wiligiis qalin ha qaato ama uu qadanin…………Waa uun Dameer…….iyo mooryaanimo iyo dad cunow isku darsadey
Geedi. Rageeda. Ninkii bilababy dagalka ka dhanka ah. Mooryaanta.alqacida,alshabaab.
waa wax lagu qoslo inay isasoo sharaxaan rag badan oo uu ka mid yahay ali mohamed geedi oo ah ninka xamar ka dhigay meesha aduunka ufoolxun iyo kuwo kale oo uu ka mid yahay ninkii arimaha diba laga dhigay oomaar oo sheegay inuusan wax qaybsiga waqooyi ku joogin meesha ee uu ku joogo wax qaybsiga dirta koonfureed asagoo aqoonsi uga dhigaya somaliland inaysan ku jirin dowlada marka waxaan leeyahay nafnooli ha iska hadasho aflaba daanle hadal mawaayo