Canshuurtii Shacabka Puntland Maxaa Lagu Qabtaa? W/Q Samahele Ahmed Ali
Canshuurtii Shacabka Puntland Maxaa Lagu Qabtaa?
Samahele Ahmed Ali
Samahele2@gmail.com
Sabteembar 04 2012
CANSHUURTA SHACABKA PUNTLAND MA IN FAROOLE KU DALXIIS TAGAA MISE IN SHACABKA WAX LOOGU QABTO?
Ilaahay ayaa mahad oo dhami u sugnaatay naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato nabi maxamed
Xukuumada uu hogaamiyo C/raxmaan Faroole markii ay hogaanka u qabatay Puntland sanadkii 2009 shacabka puntland waxa ay wada Filayeen in uu yimaado isbadal dhan walba ah balse waxay arrintaasu noqotay lamood noqonse waa !!!!!!!!!
Waxyaabihii ugu horreeyay ee uu ku dhaqaaqay C/raxmaan Faroole waxaa ka mid ahaa hagaajinta dhaqaalaha Puntland waxaana sare u kacay miisaaniyada guud ee dawladda balse su’aasha is weydiinta mudan waa dhaqaalaha puntland soo gala iyo wax qabadka Xukuumadu ma wax is le’eg baa ? adoon meel fog ka doonin si dhib yar ayay kuugu soo baxaysaa jawaabta su’aashaas marka aad Dhinac walba ka eegtid qaabka loo maamulo canshuurta shacabka reer puntland laga qaado , canshuurtaas oo la kordhiyay intay Timi xukuumada uu Hogaamiyo farole .
Markii uu jiro nidaam dawladeed intuu doonaba ha le’ekaadee waxaa qabata shacabka hoostaga maamulkaas in ay bixiyaan Canshuur , taas oo ay bedelkeeda u helayaan wax qabad ay ugu horreeyaan waxyaabaha daruuriga u ah nolosha bani’aadamka Amniga , waxbarashada iyo caafimaadka .
Hadaba shacabka reer puntland ma heleen badalkii canshuurta laga qaadayay ? qof walba oo reer puntland ah daah kama saarna In maamulka puntland canshuurta ay shacabka ka qaado uu ku tagri falo Oo si kaligii talisnima ah u maamulo C/raxmaan Faroole.
Waxaa uu Faorole ugu dalxiis tagaa Nairobi , Addis Ababa , Iyo Jabuuti , isagoo hadba hotelka ugu qaallisan magaalada uu tago ka Daga taa waxaa usii dheer in dhaqaalihii shacabka loo adeegsado marba musharraxa uu wato faroole iyada oo aysan jirin barlamaan la xisaabta dhammaantoodna uu afka ugu shubay laaluush , qofkii shacabka ka mid ah ee Damca in uu runta iftiimiyo waxaa jawaab u ah xarig iyo aflagaado , saxaafada gudaha iyada warkeedaba daa oo maba ka hadli Karaan xaqiiqda dhabta ah waxaa afka haya Maxamed C/raxmaan Faroole oo raadiya walba dhegta ku haya .
C/raxmaan Faroole waxa uu fagaarayaasha inta badan kaga celceliyaa kuna doodaa wax maamul dawladeed ah isaga ka hor in Aysan ka jirin puntland , balse waxaan leenahay waa cajalad gooniya oo u daaran odaga kaligii mana aha wax xaqiiqda ku Salaysan waana mid la is dhihi karo waa qayb ka mid ah faankii farole caanka ku ahaa .
Kaalaya aan hoos u eegno oo aan wax yar ka iftiiminno meelaha la is dhihi karo waa kuwa ugu horreeya ee laga eego maamul guulaystay, 3da qodob ee kala ah amniga ,waxbarashada , iyo caafimaadka anoon badinayn aan u kala qaado sidan soo socota
AMNIGA :
Amnigu waa waxyaabaha ugu horreeya ee laga maarmaanka u ah nolosha bani’aadamka , shacabka reer puntland waxa ay Xaq u lahaayeen canshuurta laga qaado in lagu badbaadiyo naftooda ayna ku seexdaan naxdin iyo murugo la’aan taa bedelkeeda waxaa Galay in ammaanka puntland uu gaaro abid meeshii ugu xumayd intii uu hogaanka qabtay c/raxmaan farole waxay gaartay heer Masaajidadi loo soo carari jiray laga cararo iyadoo maalin cad madaxa laga wada toogtay aqoonyahankii,isinkii , garsoorayaashi Xildhibaannadii , culumadii iyo dhammaan hal doorkii reer Puntland jawaabta Dawladuna ay noqotay lama yaqaan wixii dilay Waase lagu raad joogaa aan waxba kasoo naasa cadeyn .
WAXBARASHADA :
Ummad walba waxaa badbaadiya aqoonyahankeeda waana mid la wada qirsanyahay aqoontu doorka ay ka ciyaarto nidaamka Dawladeed hadaba Ubadku soo koraya ee reer puntland waxay xaq u lahaayeen in ay helaan waxbarasho sidoo kale ardayda Dhamaysata iskuullada kuwooda kaalmaha galay waxay iyaguna xaq u leeyihii si siman in loo siiyo deeqaha gacanta dawlada Soo gala , kuwa jaamacadaha dhamaystay ama diba haku soo barteene ama gudaha waxay iyaguna mudanyihiin in heerka Aqoontooda ay ku heelan shaqooyin munaasab ku ah balse taasi ma dhicin oo intii uu hogaanka u hayay C/raxmaan Faroole Hogaanka Puntland waxyaabihii dhacay kama aysan dhicin intii ay jirtay puntland , waxaa maalin cad la musuqmaasuqay deeqihii Waxbarasho.
Waxaa maalin kasta xafiisyada dawlada laga soo ceshaa aqoonyahan wata shahaado caalami ah iyadoo oraahdii Ahayd maxaa taqaan ay isu badashay Yaa tahay taasi waa mid sida dayaxa ugu cad shacabka reer puntland sheekadeeduna Waa war lahayaa xiiso maleh , mararka qaar waxaa dhacda in maamulkani ku faano in waxbarashada ay kor u qaadeen taasina Waa mdi aysan iyagu abaal ku lahayn waxaana marag madoonta ah miisaaniyada ay dawladu u qorsheysay arrimaha bulshada Oo isku duuban waa 10% hadaba dadaalka heerka aqooneed ee puntland gaartay waxaa lahaa aqoonayahannada reer puntland Oo geed gaaban iyo geed Dheerba u fuulay siday nuurka cilmiga bulshada u wada gaarsiin lahaayeen .
CAAFIMAADKA:
Caafimaadku waa halbawlaha nolosha bani’aadamka qof aan caafimaadkiisu tamaam ahayn tallaabo kale kuma dhaqaaqi karo.
Hadaba shacabka puntland ma helay wax qabad caafimaad oo ku filan.
Isbitaalladii puntland ee lagu wada jiray qaaraanka iyo kaalmada hay’adaha waxay noqdeen kuwa labadiiba aan helin oo indhaha isku qabsada kuwaasi waa magaalooyinka laamiga dheer mara , degmooyinka iyo tuuleeyinka laamiga ka leexsan iyada warkoodaba daa waaa duul aan cidna u maqnayn dawladu waxay baahidii caafimaad kusoo koobtay tallaal iyo mashaariic Markii wax lagu cunayo dhakhaatiir ajaanib ah laga soo buuxsho isbitaallada iyadoo dhakhaatiirii soomaalida ahaana ay Dhoobanyihiin .
Yaanan qoraalka badine Baaxadda lacagta soo gashay gacanta xukuumada uu farole hogaamiyo seddexdii sano ee uu xafiiska Fadhiyay waxaa daliil cad kuugu ah adoon meel kale ka doonin miisaaniyadda ay sannad walba horgeeyeen Barlamaanka oo la ansixiyo , laakiinse waxaa is weydiin mudan yaa wax loogu qabtaa dhaqaalaha kasoo xarooda canshuurta shacabka laga qaado.
Hadaad is tiraahdid mushahar baa lagu baxshaa oo dhagaha dadweynaha waxa uu inta badan maqashiiyaa farole in la kordhiyay Mushaharkii dawlada balse waa kaaf iyo kala dheeri kharashka ku baxa mushaharaadka iyo inta soo harta hadii la buunbuuniyo oo cirkaa la geeyo mushaharka ay dawladu bixisaa waa 30% hadaba inta soo hartay maxaa looga qabtay baahida amni iyo mid arrimi bulsho kuu doonaba ha noqdee miyay muuqataa hal isbitaal oo ay dawladu dhistay miyay muuqataa hal ceel oo ay dawladu Reer guuraaga u qoday miyay muuqataa hal laami oo la dhisay iskadaa in mid cusub la dhisee miyaa la dayactiray kuwii burburay Waydiimahaas iyo kuwa ka badan waa waydiimo ka guuxaya maanka shacabka reer puntland .
Gunaanadka maqaalkaygan waxaan kusoo koobayaa waqtiga uu farole hayn doono xukunka waxaa kadhiman 4 bilood oo kaliya Hadaba shacabka reer puntland ma waxay ay Raalli ka noqon doonaan in hal sano oo danbe dhididkoodii ay qorraxda u fadhiyeen inta laga qaado in lagu dalxiistago mise waa ay ka dhiidhiyi doonaan ? jawaabta waxaan u daynayaan shacabka .
W/Q : Samahele Ahmed Ali
Wixii aragti waxaad kusoo hagaajin kartaa
Email: samahele2@gmail.com
===========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM











Waad ku mahadsantahay isku daygaagan inaad wax qorto, laakiin waxaan ogahayinaad iska sheekeynayso, Djibouti, Nairobi, iyo meelaha aad sheegaysana adeer nin Faroole oo kale ah uma dalxiis tago, waayo dadka Faroole la midka soo deras oo baaritaan samee ma taqaanid sida Propoganda-da loo sameeye meelahaas oo kale uma dalxiis tagaan, tan kale, malaha waa laga yaabaa inaad wax tebayso oo aad is leedahay lacagta xagay aadaa?… laakiin haddadan waxba baarin madaxda layskama dhaleeceeyo.
Waa hagaag taadaan kuu raacaynaayee, Faroole sanadkii imisuu ku dalxiisaa? kuwa canshuuraha aruuriyase immisay linsadeen ilaa inooma aadan sheeginee? waaxda canshuuraha wazaaradda maaliyadda immisa ayeey xadday ilaa adiga keliya ayaa xalaal ah oo ilaalinayayee? boqolkiiba canshuurta dowladda soo gasha immisaa mushaar loo bixiyaa? waxaan ognahay in adeegga guud, amniga, Caafimaadka, iyo wax-barashada, annagoo waliba taada kuu raacayna, hadana waxaan ognahay in haba yaraadaane wax un lagu baxsho dhammaan adeegyadaas oo runtii maamulku oo lacag geliyo, waliba labada wasaaradood ee aad soo hadal qaaday Wax-barashada iyo Caafimaadka waxaan ognahay in lagu bixiyo xoolo aad u badan, amnigana iskaba dhaaf warkiisa, marka qofkaagan magacaaga waxaan u malayniyaa inuu sidan sax ku yahay(Sama-hele Ahmed Ali)
wax iska soo xarxariiq oo qof iska cay ma ahane maxaad wax ku salaysay?
Run ahaantii, qoraalkaagu wax kale kama fahmin inaad qof xaqiir ah tahay mooyee, midda kale maxaad ku salaysay inuu Faroole dalxiis tago? anigu oran maayo Faroole ma gefo, laakiin waxaan ku leeyahay waxyaabaha adiga iyo kuwo aan aqaan oo doqomo ah oo la soo diro ay sheegaan Faroole waa ka weynyahay, waxaana wanaagsan qofka waxa uu qorayo inuu Alle uga cabsado, waxaad leedahay lacagaha Ccanshuurta si shakhsi ah Faroole ayaa ugu dalxiis taga, dalxiisna macna ahaan nin yaqaan uma ekid, canshuurta dalka laga ururiyana sanadkii intay la egtahay ma taqaanid, inaad nin wax qiimayniya iska dhigtana waad rabtaa..Ceeb-Caleyk war nin weyn meesha la imow wax aan macna lahaynna indhaha dadka ha uga daalin!!………….Yaa Miskiin………….
Dowlada Puntland ma bixiso School. Ma bixiso Caafimaad. Ma dhisto Laamiyo. . Maxay qabataa oo baas… ZERO.!!! NOTHING. !!! Cashuurta ay aruuriyaan ayagaa isaga qayila……Waxay ku doodaan cashuurtan mushaarkeenaba kama badna oo anagayba nagu filneen……. Faroole waligiiba musuq maasuq ayuu ahaa… Waligii Jago Dufan Leh ayuu fadhiyay oo wuxuu ahaa Wasiirka Maaliyada. waa meeshuu ka aruursaday lacagtuu ku iibsaday kursiga madaxweynaha Puntland…..Waxaan hubaa hadii shidaal la heli lahaana inay ku bixi lahayd sida ay ku baxdo cashuurta dekeda laga qaado….. kuwa hada musuqmaasuqa ku nool un baa jeebabka weyneesan lahaa…… shacabna wax looguma qabteen saa umaba barane, ..VERY SAD CONDITION
Asc Canshuurta aad ka hadleysaan waxa qaata waa ilmo Faroole oo ku tamshleya oo guryo kawda gateen Dubai,Malezia,Qahira haddba shacbka dhibka haysto ee ku dhaqan Puntland waa iney heeryada iska tuuraan oo iska qabtaan qowleystada baddaha dhacey ee ilmo Faroole Puntland wax la dhaho majiraan dad ayaa meesha lacag ka sameyey Somaland waa qabiil,Puntland waa qabiil haddba somaliya waa iney guntida dhiisha isga dhigtaa iney xoreyaan labdas gobol haddaba somaliya hadey dowlda runtahey waa in laga shaqeyyo sida loogu duuli lahaa oo laga xoreen laha shacbka dhibka ay ku hayan kuwa qayila canshuurta masakiinta xooga looga qaado ileen dowlad somaliya kama jirto maxaad u bixineysaa canshuur waxan u aqaan BAAD iyo wan ka xoogweynahey marka shacbka warmahooda,faasakooda,iyo waxey heli karaan la soobaxa oo iska qabta tuugada meesha ku naaxdey oo dhiiga shacbka ka tajirey
war wax mayaqaan baa tahay meel naga fariiso
waxaad sheegaysid wax kajira malaha markii xisbiyada lafurana waxaan ucodeynaynaa faroole xafidahulaahu
KKKKKKKKKKKKKKKKKKKK……………..
Xogtaan halkaan lagu soo bandhigay waxaa ku jira waxyaabada badan oo u baahan in la kala cadeeyo gaar ahaan wax qabad maamulku sheegto ama ku faano gaar ahaan dhanka amaanka, caafimaadka, iyo waxbarashada.
Amaanka.
1. Ilaa xiligii faroole xilka qabtay Puntland waxaa lagu dilay oo aan la garanayn cid dishay wax garad tiradoodu gaarayso 138 qof waxaana la helay cidda dishay kaliya 6 qof oo 4 ka mid ah danbiilayaashii la toogtay halka inta kale maamulku la wareegay meel ay jaan iyo cirib dhigeena la aqoon.
2. canshuurta: Puntland waxaa canshuurta la kordhiyay intuu xilka hayay Faroole tirada ka badan 3 jeer oo mid walba laga dhigay 3 jibaar meesha ay markaas joogtay, dadka ku nool Puntland waxaa ay xiligaan ku jiraan dhaqaala burburkii ugu xumaa oo abid laga dareemo deegaanada Puntland taasna waxaa cadayn kara oo muran ma doonto ka dhigi kara cidkasta oo waraysata dad ka ganacsatada ah ee shaqadaan ku dhex jira.
3. Waxbarashada: Tan waxaa loo baahan yahay qaabta waxbarashada loo maamulo in laga waraysto ardayda jaamacadaha dibadda hesha oo markhaatiyaal u ah sida wasaaradda waxbarashadu cadaalad darada ugu maamusho ardayda jaamacaha hesha, Jaamacad kasta oo wanaagsan waxaa hela oo la geeyaa jifo hoosaadyada madaxda dowladda.
Xog muhiima oo lagu qanco waxaa la soo bandhigi karaa marka la sameeyo xog aruurin tanise waa toosh ku bixin waxa ka socda deegaanada Puntland la oran jiray hadase magac ahaan loo bixin karo LAAMILAAND STATE OF SOMALIA.
kkkkkkkk abtiyaal dalka musug-maasuq baahay aya ka jira ninkii hadlana waa la xininyo bixinaya meesha wa iska haysta dad wax ma garato ah marka illahay nabad ha nagu dhaafiyo intaysan wixi yarayd ee aan 14 sano dhisaynay naga bur-burin
Marka hore dowlad waxay u baahan tahay dhaqaale waxaana wanaagsan inaan eegno maxaa soo xaroodey kadib wax waan eedayn karnaa lakii intaa ka hor ma is weydiinay sidee wax lagu wadaa anigu ma difaacayo faroole laakiin waxaa loo baahan yahay xaqiiqada waloow wadama africa lagu xanto wax is daba marin hadana u ma arko wax in lays daba mariyey maxaa yeelay shaqaalaha, macalimiinta ,ciidamada ilaa kan iyo kaas wax ku filan ma soo galeen
runtii marka hore waxa aan leeyahay qoraha mahadsanid intaa ka dib hadii aan u soo laabto canshuurta puntland meesha ay aado waxa aan oran karaa masoo dhaafto Faroole iyo wiilashiisa waxa kale oo aan rabaa in aan ku daro wixii soo maray madaxweyne puntland waxa ay ku sifoobeen musuq maasuqaystayaal haba ku kala darnaadeene Mr. Faroole waxa uu noqday ka ugu xun. marka waxaanba orankaraa puntland waa meel ay u soo shaqatagaan maafiyadu in ay dhacaan xoolahooda. laakiin waxa ay su’aashu tahay maxaa wax looga qaban waayay oo xataa loo waayay mid kahadla? hadaba aan raacsadee jawaabta aan anigu figriyan qabo . 1) meesha waxa ka jira xeerka bisadaha ( sida uu mar horeba sheegay madaxweyne Maxamed Cabdi Xaashi)
2) dadka oo aan aaminsanayn in ay iyagu leeyihiin lacagta canshuurta ah
3) dadka shacabka ah oo aad u jecel nabada ( markaa waxa ay ku sameeyeen quluwi oo waxa ay gaarsiiyeen meel ay kaga tagaan hantidoodii)
4)madaxdii oo aan noqon kuwa xishooda oo xaqa dadka iska ilaaliya
laba tusaale aan ka bixiyo in lacagta puntland tahay mid sidii doono laga yeelo tan koowaad markii la dooranayay madaxweyne C/laahi Yuusuf ee 2004 lana joogay Kenya puntland waxa laga ray lacag badan oo oday c/laahi uu u isticmaalay doorashadii kana dhigtay mid uu iska leeyahay oo xataa cid kale shuraako kula ahayn. tan labaad sida hada uu Madaxweyne Faroole u maamulo lacagta oo meeshii uu doono ugu isticmaalo isaga iyo wiilashiisu
MARKA WAXA AAN LEEYAHAY DALBOOY YAA KU LEH MARWALBA WAXA U IMAANAYA MID BOORSO MARAN WATA OO XATAA WAY GARAN WAAYEEN WAR HEEDHE KII HORE OO XOO GAA UGU HDACAY ISKA DAAYA SIDA CUBA AMA DADKA REER CUBA OO YIRI CASTERO WAXA UU JOOGAY 42 SANO. 30 SANO OO KA MIDA ISAGAA WAX TACBAYAY 12 SANONA WAXBAA NAGA SOOGAARAYAY MARKA MARABNO MID CUSUB OO 30 SANO OOM KALE JEEBKIISA U HALGAMA HANA SII JOOGO MARKII LAWAYDIIYAY MAXAA CASTERO LOOGU KI CIWAAYAY?
Raganimo qof isku dayay inuu wax ka qoro marxalada dalkiisa ka jirta horta wuxuu leeyahay ABAAL MARIN, waana ku bahadsan tahay fakarkaaga, waxbadan oo aad meesha ku sheegtay way jiraan, laakiin waxaan ku waydiinayaa ilaa 2005 ayey waxaan soo bilowdeen oo Puntland lagu arkay ISBADALKAAN dhaqaala aruursiga ee hada dalka ka jira, why aad ugu koobtey FAROOLE.
waa markhati ma doonto in dalka ay usoo shaqa tageen TAXI drivers oo umada canshuurteeda boob ku haya, tusale Farole iyo qoyskiisa 20 sano ayey dalka ka maqnaayeen waxay hal guri oo DR Kamal Haji Adan ka gaday ayey dalka ku lahayeen oo $40,000 laga siiyey goormaay helaan inay Aduunka la jeexayo waa run, wiilka Maaliyada lagaystey asagu sidoo kale ragii Reer la joogey Australia la joogey dee way ogyihiin.
Marka iswaydiiya Sangaalahaan umada dhiigeeda umada laystey seebuu ku yimid ma masiir umadeed ayuu ku yimid kuma imaan ee wuxuu ku yimid Tuug kale oo qoys uu usoo doortey Xubintii reer kaas Parliament uu ku lahaa, marka ma haboontahay si looga gudbo tuugtaan in dalka laga hirgaliyo doorasho uu qof walba oo muwadin ah Codkiisa dhiibto.
Mida kale waxaan oran lahaa QOLYAHAAN DIASPORA apontunity waa inaad siisaan qolyaha local ah madaama ayaga ay yihiin dadka effect uu ku yeelan karo dhibta dalka ka dhacda, laakiin sida farole oo kale hada haday dalka dhib balaaran ka dhacdo dee Melbourne ayuu aadin waxa uusoo doontayna maahan xataa magac waa shilimaad, Marka reer Puntland waxaan kula talin in ay ka gudbaan Fakarka qabiil ee ay hadba nin ku taageerayaan.
Maxaa laga rabaa faroole,Ma wax Cusub baad kafileyseen Markii Hore ,Waa Hungurigii makuwii kahoreeyaa dhaamey,waxaa layiri Hal xaaraan ago nirig xalaala Madhasho
Marka Bilaash baa lagu maagayaa Faroole iyo Faraqyadiisa uu dhalay.
Alow yaa Ogaada kan qoraalka Qorayna waa ===== jago raadis ah === kalana wax uma ogala, waakuwaas Xildhibaaanadii ==== ladiiyey labo labo sadex sadex uqaatay ,punland Maalin colaadeed Markay timaado ,hadifaacdaan wacadalaan geesi R Maxamuud oo danbe u dhimanayn..
Waxaa salaamayaa bahda Raxanreeb iyo akhristayaashiisa.Waxay ila tahay in dhaliili jirto in kasta ha le,ekaatee.Puntlandna qof ,qabiil iyo koox gaarihi ma laha ee waa loo siman yahay inta qalo gaar isu xijinaso horumar lama gaarayo.Haddii madaxweynaha iyo xukunkiisa la dhaliina yaan indho la,aan loo difaacin, waayo wuxuu madax u yahay reer Puntland oo dhan . Inkastoo aanan hayn macluumaad dhab ah hadan waxaan dareemayaa in bulshada reer Puntland ay wax weyn tebayso. Faroolena haduu wax qabtay waxaa ka badan inta la filayey oo aan la helin waxqabad.
Waxay ila tahay inaynu u baahanahay hogaamiye ummada isu keena dhaqaaluhu haba yaraadee si cadaalada ugu qaybiya gobolada iyo degmooyinka, xunkana aan isisiine u baneeya raga kale marka waqtigiisu dhamaado.
Waxaan hadalkayga ku soo gunaanadayaa, Faroole wakhtigii la dhaliili lahaa waa la soo dhaafay e halagu waaniyo inuu xukunka si sharaf leh isaga wereejiyo. Kuwa Faroole difaacayoona is weydiiy halkay ku dambeeyeen koofiyad cstii Ville Somalia iyo ilaaladii Col.Qaddfi ee Libiya.
Qoraagu wuu mahadsan yahay. horta waxan kuu hubaa in amni uusan jirin meelkasta. Kooxdii AARAN JAAN ee dhaqaalaha qurqurinaysay ee saca indhaha ka xiran maalaysay hada dhamaantood Yurub iyo Ameerika ayay wada aadeen
This is a great start… But doesn’t the puntland gov’t provide an annual budget and report?
What is a government, if it is not able to tell citizens how it spends the collections from the public.
Perhaps, we the public, allowed for these conditions to prevail. We are often supporative of the person from our CLAN/SUB-CLAN… Instead of asking for all to live by the same standards. I think Puntland needs to ask its Offices to be more accountable…. There is no sense of blaming Faroole or others. Of course, some leaders are naturally better than others. Faroole falls on the bottem interms of leadership/honesty… But is not his FAULT of Puntland Citizens not interested in the responsibilities of their offices (president’s office, minister of Finance, judicial etc..)… The SOMALI PUBLIC is sleeping… WAKE UP…
The governement should have a contract with its people… Unless, there is dictatorship….
The article can use more research with all do respct but started a great conversation. Many thanks for that.
Best,
VIVA SOMALIA..
Salaan badan dabaded walaal Libaaxlibaax dhalay waxaan ku dhihi lahaa Qofna aragtidiisa ha ku mucaaradin maxaa yeelay waa xor ilaahay ayaa xoreeyay mida kale walaal Puntland waxaan hubaa sida uu sheegay Qoraaga maqaalkaan wax badan ayuu ka tagay oo uu daboolay waanan ku raacsanahay in ceebteena xataa aan wax qarsano mida kale waxa xaqiiq ah in dhaqaalaha puntland ka soo xarooda uu kor u kacay intii Faroole la doortay taasna waxaa u sabab ahaa in uu canshuurtii Kordhiyay %256.8 hadii aydnaan miisaaniyadaha puntland haaynin waan idiin soo diri karaa.
Mida labaad Faroole wuxuu ku faanaa in uu mushahaar bixiyo laakiin waa mid xaqiiqda ka fog Shaqaalaha Puntland waxaysan mushaar qaadan bishii 6aad ayaa u dhalatay taasna cadaynteedii waxaad ka helaysaan ciidamada iyo shaqaalaha dowladda marka laga reebo kuwa madaxtooyada, waxaan dadka reer puntland ka qarsoonayn dhaqaalihii puntland sida loogu takrifalay oo loogu dhistay guryo Qurxoon Ilmihiisa iyo raga ku xeeran ee Aaran jaan kuwaasoo ka shaqeeya kala kaxaynta reer puntland taasna waxaad ku xaqiiqsan kartaan Hotel Rugsan,Rugsan Square, Twin Towers,Ismadhaxasho Booli Qaran,iyo dhismayaasha kale ee ay samaysteen Asxaabtiisa khaaska ah iyo Xoriyad Darada ay qabaan Wasiirada la shaqeeya iyo Dadkii Dhaqanka Hormuudka u ahaa ee Puntland Dhisay,
Hadaba iyadoo aad maqashaan maalin walba Cayda iyo Aflagaadada uu madaxwaynaha Puntland ku sameeyo dadka muwaadiniinta ah ee reer Puntland ee afkaartooda ku soo gudbista saxaafadda iyagoo uu Dastuurka Puntland u ogolyahay ayna ka mid tahay Xuquuqda Sida Ku Cad Dasturka Puntland Qodobka 14aad XORRIYADDA FIKIRKA Farqadiisa 2.Qofku waxa uu fikraddiisa ku cabbiri karaa qaab hadal, saxaafadeed, qoraal, muuqaal, suugaan iyo habab kale oo sharciga iyo anshaxa waafaqsan.
Hadaba muxuu dhimay Qofkii Dhaliil soo jeediya mida kale Qofkasta mucaarad wuu noqon karaa aan wax burburinayn mida kale qofkasta oo siyaasadiisa mucaarada inuu caayo ama xiro ma Hogaamiyuu noqon karaa qofkaasi waa kaligii talis xun dadkana inuu Hadal meel ka sheego maahee aan waxba kale hayn, aawaye xildhibaannadii la laayay yaa loo hayaa Habeenkii la dilay Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka bari Avv.Mohamed Abdi awaare iyo Xildhibaan Hon.Ibraahim Elmi Gaab madaxwaynuhu wuxuu cod dheer ku yiri waxaan haynaa dadkii dilay ilaa iyo hadana lagama hayo maxkamadda dadkii la keenay waxay ku hadleena goob joog ayaan u ahayn hadaba Dowladdu waxay sugi la,adahay amaanka Caasimadda waxayna kaga mashquushay In mashruuc hay,ad ay ka dhisayso magaalooyinka puntland lagu yiraahdo garowe ka dhisa halkii laga sugayay wax qabad iyo in qandaraas Shirkadaha Puntland loosoo bandhigay uu madaxwaynuhu warqad qoro isagoo ku amraya in la siiyo Shirkadda ninka ay saaxibka yihiin shareholderkana yihiin Mohamud Shiddo oo reerkiisa u qixinaya Masar , Marka walal runta yaan laga leexan ha lagu sheego Cod Dheer
Mahadsanidin
Prof. iyo dhamaan Akhyaarta waa salaamantihiin salaan kadib Prof yaynan dadka ku kicin inagoo aan hadhow celin karin sidii UNC, Hadana Runta yaan laga leexan Faroole,Ilmihiisa iyo aaran jaan waa Dhiig miirato dadkana Dhididkoda ka dhista Guryo Qurux badan sida kan hadda Muhamed Faroole ee gudiga doorashada la dajin rabo hoteelada,Maqaaxiyaha iyo Guryaha Qurxoon ee laga dhistay dadka dhiigooda ha la cadeeyo Waana in loo dhigaa cashar kuwa ka dambeeya ay ku cibra qaataan.
waad kumahadsan tahay fikirkaaga faroole waa sun ee ilaahay hana soo qabto hadaan nahay shacabka reer puntlan
aammmiiiiinnnnnnn
qoraal dhamystiran mahan qoraalkaagu mudane samahele ahmed mahan qoraal wax lagu qiimayn karo oo qof ama maamul dheleeceynkara sababtoo ah wax cad maadan keenin waxaad ka hadashay miisaaniyad iyo dhaqaale nama aadan tusin inta miisaaniyada puntland tahay siday u baxdo cida lunsata cida dalxiista dhaqaalaha la lunsaday dalxiiska aad sheegtay ee faroole inta ku baxda aqalka madaxtooyada inta ku baxda marka taa daraadeed lama qaadan karo warkaaga farooe iyo maamulkiisana laguma qiimaynkaro qoraalkan marka jaansi labaad baan ku siinaynaa hadaan nahay dadweynaha akhristayaasha mar kale ku noqo oo wax cad keen oo lasoo bandhigi karo
rbc waxaan leeyahay way fiicantahay inaad fikirka dadweynaha soo gudbisaan ee dhaliisha iyo toosintaba ah laakiin marka hore qiimeeya tayada qoraalka aad soo gudbinaysaan in uu uqalmo in rbc lagu soo qori karo iyo inkale
waa laayay
viva faroole allaha noo dhaafo waa ninkii soomali kor u qaaday
faroole xafidahullah waaaaaaaa geesi soomalaiyeed oo runta ka hadla iyo xaqiiqda
ka nax oo nafta wey kii faroole ciil u qaboow waa geesi oo wax yaqaan not like adiga jaahil oo badaafiic iska garaacay caasimada bahala galeenka ah ,, viva pland and faroole ha noolaaaado viva faroo.e
Bismillahi Raxmaani Raxiim. Maqaalkaani qiimo ayuu lahaan lahaa hadii aan dan gaar ah laga lahayn. Ninka qoray maqaalkaan waa mid aan fiirinayn danta shacabka laakiin u adeegaya danta beeshiisa hoose, rabana inuu dadku kahor imaadaan maamulka Faroole siday dad badanba halkaan ka xaqiijiyeen. Musuqmaasuq inuu jiro oo shacabka reer Puntland xoolohooda si sahal ah lagu dhunsado waa run waana xaq; laakiin in lagu soo koobo reer Faroole waa buhtaan wayn. In layiraahdo musuqmaasuqo wuxuu la kowsaday Faroolena waa Ilaahay ka fogaasho. Teeda kale maamulka laftigiisa waxqabadkiisa in ladafirana waa cadaalad daro. Laakiin musuqmaasuq hadii lala dagaalamaya haday dhabkaa tahay anaa ugu horreeeya oo kuu hiilin. Laakiin uma ekid nin rabba inuu difaaca sharafta dhamaan umada reer Puntland.
si gaaban……… shacabkeeday ku leysaa, waa xaqiiq taasu
kkkkk War maa runta la isu sheego?Imisa ayaa Puntland canshuur u soo gasha?imisa aya Puntland UNDP sii saa?yaa og oo la socda in Police ka puntaland mushaaradooda ay bixiso UNDP?Intaa iyo in la mid ah marka aad qiimaysaan ayaad ka hadli kartaan ama ay idiin soo bixi kartaa sida wax yihiin.
Maamulka Puntland waxaa uu ka wanaagsan yahay oo kaliya maamul,la,aan.Tusaale mushaarada police haddii gabi ahaan ba laga bixiyo police somaliya joga oo dhan(somalinaland,Puntland,iyo kuwa Koonfurta oo dhan?dekeadda iyo airport iyo suuqyadana canshuur laga qaado halkay aaday cashuurtu?dhinaca waxbarashada 85%wax barashada Puntland waa private means Puntalnd wax barashada waxa kaga bixi karaa badi waa 300 macalin oo nin120 dallar ah=36000 dollar maalintii imisa doomood ayaa Bosaso kusoo xirata?caafimadaaka ciidankii dhaawac ahaa eheladooda ayaa daryeela maamulkuna isbitaalada intiisa badan waxaa gacanta ku haya hay,ado ama waa prive.waxaan qabaa lacag xoogleh ayaa si xun loo maamulaa waxbadanna lagu qaban karay halkaa waxaa ka muuqda musuqmaasuq baahay.cida samaysa waxaa laga yabaa Faroole in aanu waxba ka ogayn ama uu ka og-yahay oo somalida masuulka ugu sareya waxaa lo eedeeyaa muu wax ka baqto baahida shacabka.Somali waa dad aan wadaniyad lahayn tugo ah aan xishoon