Cecafa Oo Shaacisay Xilliga La Qabaanayo Koobka Kooxaha Bariga & Bartamaha Africa 2012


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Koobka Cecafa- oo furmaya 24-ka  Kampala ?

Koobka Cecafa- oo furmaya 24-ka Kampala

Kampala [Radio RBC] Kaddib toddobaadyo muran hareeyay halka lagu qabanaayo tartanka kooxaha kubadda cagta bariga iyo bartamaha Africa, ayaa ugu dambeyn la isku raacay gartay in ay martigaliso caasimada Uganda ee Kampala.

Xoghayaha ciyaaraha bariga iyo bartamaha Africa Nicholas Musonye, ayaa saxaafadda u sheegay in ciyaaraha sannadkan lagu qaban doono dalka Uganda.

Xiriirka kubadda cagtay Kenya ayaa doonayay in ay martigaliyaan ciyaaraha kalkan. Maxa yeelay waxa ay taageero ka heestayn hey’adda maalgalineysa tartanka ee Tusker.

“Waxa aan isku raacnay in labada koob ee ugu horreeya Cecafa lagu qabto Dar es Salaam, halka kan seddaxaad uu ka dhacaayo meel ka baxsan Dar es Salaam.” Sidaas waxa yiri Musonye.

Ciyaarahan oo ay ka qeybgalayaan ilaa 12-Koox  waxana ay kala yihiin:-

1. Burundi

2. Djibouti

3. Eritrea

4. Ethiopia

5. Kenya

6. Rwanda

7. Somali

8. South Sudan

9. Sudan

10. Tanzania [Mainland]

11. Uganda

12. Zanzibar [Tanzania]

Guddiga ciyaarahan ayaa sheegay in si rasmi daaha looga rogi doonaa 24-ka November kuwaasoo socon doona ilaa December 8-deeda.

Maalgaliyaasha Tusker waxa ay ballaan qaadeen sannadkan in ay ku bixin doonaan ciyaaraha1-bilyan oo Shs, taasoo ka dhigan in ay ku dareen shan % lacagtii shannadkii hore la bixiyay.

Kooxda ku guuleesata koobka , waxa ay heli doontaa abaal marin lacageed oo gaaraya ilaa 30,000 oo dollar halka kooxda soo labaysa ay iyana heli doonto 20,000 iyo kooxda kaalinta seddaxaad oo iyana aruursan doonta  10,000- dollar.

Ciyaarahan waxa ay dhammaantood ka dhici doonaan deeganka Namboole, kooxda Uganda oo ah kooxda koobabka ugu badan heesata gobalka ayaa markii 13-aad dooneysa in ay ku guuleesato maadama gurigooda lagu qabanaayo ciyaarahan.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

1 Response for “Cecafa Oo Shaacisay Xilliga La Qabaanayo Koobka Kooxaha Bariga & Bartamaha Africa 2012”

  1. [...] Visit link: Cecafa Oo Shaacisay Xilliga La Qabaanayo Koobka Kooxaha Bariga & Bartamaha Africa 2012 [...]

Leave a Reply