Ciidamada Badda Midowga Yurub Oo Weerar Xagga Bariga Ah Ku Qaaday Burcad-badeeda Soomaaliya
Nairobi [Radio RBC] Maraakiibta dagaalka midowga Yurub ee ku sugan xeebaha bariga Africa ayaa weerar dhinaca dhulka ku qaaday saldhig ay lee yihiin kooxaga burcad-badeeda Soomaaliya.
Waa markii ugu horreysay ee tallaabadaas ay sameeyaan markii la shaaciyay in la isku xiraayo howlgalada ka dhanka ah burcad-badeeda Soomaalida ah.
Wararka hordhaca ee la helaayo waxa ay muujinayaan in wax khasaaro aysan ka dhalan weerarkaas, falkan ayaa ii Talaadadii.
Taliyaha ciidamada badda Midowga Yurub ee loo soo gaabiyo (NAVFOR) Admiral Duncan Potts ayaa sheegay in weerarkaas ay iyaga ka dambeeyaan isla markaana ay kordhin doonaan culeyska la saarayo burcad-badeeda Soomaaliya.
Falkan ayaa waxa uu muujinayaa in midowga Yurub aysan ku koobnaan doonion xagga circa balse ay dhinaca dhulkana ay ka weerari doonaan kooxaha burcad-badeeda Soomaalida.
Midowga Yurub ayaa isku day wada taasoo ah in ay waardiyeeyaan xeebaha dalka Soomaaliya,taasoo ka dhigeysa ku dhawaad 1,400 ciidamada milatariga, sagaal markab oo ah nooca dagaalka iyo shan diyaaradaha wax sahmiya ay ku sugan halkaas, sida lagu sheegay warbixin ay soo galiyeen website-ka.
Bishii March 23-keeda ayaa golaha midowga Yurub waxa ay fasaxeen in ciidankooda ay weerari karaan meelaha ay ku sugan yihiin burcad-badeeda Soomaalida.
RBC Radio
———————–
Xafiiska Wararka Nairobi













