Ciidamada Dowlada oo Howlgalo ka wada Degmada Afgooye


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Xili shalay galinkii danbe uu qarax khasaaro geestay uu ka dhacay degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa hadana maamulka gobalkaasi wuxuu sheegay in ay haatan wadaan howlgalo balaaran.

C/qaadir Maxamed Nuur Sidii gudoomiyaha maamulka gobalka Shabeelaha Hoose oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu wuxuu sheegay in haatan ay howlgaladaan ay socdaan.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay ku raadjoodaan dadkii ka danbeeyay qaraxaasi isla markaana ay ka warbixin doonaan markii ay howlgaladaasi soo dhameestaan.

Shalay ayaa qarax xoogan wuxuu ka dhacay degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose, waxaana qaraxaasi uu geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyada iyo weerarada ka dhacaya goobaha ay gacanta ku haayaan ciidamada dowlada ayaa waxaa masuuliyadooda sheegta kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya.

Maalin ka hor ayay ahayd markii weeraro ismiidaamin ah ay ka dhaceen meel ku dhow hotel uu daganaa madaxweynaha Soomaaliya kaasi oo lagu magaabo Hotelka Jasiira.

 RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

1 Response for “Ciidamada Dowlada oo Howlgalo ka wada Degmada Afgooye”

  1. [...] View post: Ciidamada Dowlada oo Howlgalo ka wada Degmada Afgooye [...]

Leave a Reply