Ciidamada Ethiopia iyo Jabuuti Oo Isaga Baxay Magaalada Baladweyne Ee Xarunta Gobalka Hiiraan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya magaalada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka ciidamada dowladaha Jabuuti iyo Ethiopia ay ka dhaqaaqeen fariisimo ay ku lahaayeen xaafadaha magaalada Beladweyne.

Ciidamada Dowlada Jabuuti ee ku sugnaa xarun ciidan oo dhawaan ay kala wareegeen ciidamada Ethiopia ayaa la sheegay in la geeyay goob lagu magacaabo Baqaarada.

Waxaa sidoo kale ciidamada Ethiopia ee ku sugnaa xaafada lama galaay la geeyay buurta Jande Guwiindishe waxaana la sheegayaa in halkaai fariisimo ay ka sameynsteen.

Wararka ayaa sheegaya in sababta ay magaalada uga baxeen labada dhinac inay tahay saameyn askarta ay ku yeesheen roobabkii ka da’ay magaalada iyo fatahaadihii wabiga Shabeele.

Gudaha magaalada Baladweyne ayaa haatan waxaa ku sugan ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaliya iyadoona ay isga baxeen xaafadaha magaalada oo dhan ciidamadii ajbnabiga ahaa.

Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad badan wuxuu ka geestay xaafadaha magaalada Baladweyne waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira Naf iyo maal waxaana wali dadku ay ka barakacayaan xaafadaha magaaladaasi.

 RBC Radio

xafiiska Wararka Muqdisho

Share

4 Responses for “Ciidamada Ethiopia iyo Jabuuti Oo Isaga Baxay Magaalada Baladweyne Ee Xarunta Gobalka Hiiraan”

  1. [...] More: Ciidamada Ethiopia iyo Jabuuti Oo Isaga Baxay Magaalada Baladweyne Ee Xarunta Gobalka Hiiraan [...]

  2. siciid says:

    maysan guurine waxay ka barakaceen daadadka wabiga

  3. [...] Source: http://www.raxanreeb.com/2012/09/ciidamada-ethiopia-iyo-jabuuti-oo-isaga-baxay-magaalada-baladweyne-… Share on Facebook [...]

  4. ahmed says:

    waan idin wada salaamay salaan kadib aniga waxay ila tahay kabixida ay kabexeen ciidamada amisom iyo kuwa itoopiya in ay arkeen in magaalada wax qalqal ah kajirin ayna kufilan yihiin ciidamada maamulka hiiraan ayna sabab utahay kabixidooda madaama ay ciidanka gobolka hiiraan ay shacabkooda ka kasbadeen inay amniga kala shaqeeyaan oo wixii cadow ku ah magaalada baledweyne taasi oo sababtay inay shacabka reer hiiraan nabadoodii iyo wadashaqeyntii dhexmartay iyaga amisom iyo itoopiya aykeento inay dib usoolaabatay nabad galyadii ay isir ahaan ulahaayeen reer hiiraan waadna mahadsan tihiin

Leave a Reply