Ciidamada Kenya Iyo Kuwa Dowladda Oo Isku Diyaarinaya In Ay Galaan Kismaayo


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

waa qeybo ka mid ah koonfurta Kismaayo by (AFP)

Waa qeybo ka mid ah koonfurta Kismaayo by (AFP)

Kismaayo (RBC Radio) Warar lagu kalsoon yahay ayaa muujinaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskambooni oo gacan ka helaya kuwa AMISM in ay isku diyaarinayaan in ay gudaha u galaan magaalada dekadda leh ee Kismaayo oo shaley isaga baxayn Al-Shabaab.

Ciidamada maagalada ku soo fooleh ayaa hadda ku sugan Koontaroolka magaalada ee soo aada dhinaca wadada ka timaada Afmadow.

Afhayeenka kooxda Raaskambooni Cabdi-naasir Seeraar Maax ayaa u sheegay VOA in isbaheesiga uu soo gaaray galabta Koontaroolka Via Afmadow, isla markaana wali magaalada ay ka jirto cabsi badan oo dadka soo wajahday, laakin ugu dambeyb ay berri tagi doonaan sida uu hadalka u dhigay.

In kastoo xaaladda magaalada Kismaayo ay caawa degantahay, ayaa haddana waxa laga cabsi qabaa in magaalada ay ka dhacaan qaraxyo marka ay galaan ciidanka ku sii jeeda magaalada.

Waxa aad loo adkeeyay ammaanka wadooyinka loo galo magaalada iyo kuwa looga baxo oo ay hadda ku sugan yihiin ciidanka huwanta.

Markii Al-Shabaab la soo wariyay inay magaalada isbaxeen waxa ciidamada isbaheesanaya ku sugnaayeen magaalada banaankeeda, iyadooo la sugayay Ciidamo dhinaca aaga Janaay Cabdalla ku sugnaa oo iyana hadda soo gaaray afaafka hore ee magaalada.

Magaalada Kismaayo wali tan iyo markii ay ka baxeyn Al-Shabaab wax maamul ah kama jirin, waxana tan iyo xilligaas ka dhacay dilal iyo boob baahsan oo loo geestay xarumhii Al-Shaabab.

Magaalada wali waxa ka jita cabsi, dadkana ma rabaan in ay ka jawaabaan taleefoonada, oo xittaa waxa ay diideen in ay wax war ah siiyaan wariyaasha.

Kismaayo waa magaaladii ugu dambeesay ee gacanta Al-Shaab ka baxday, Al-Shabaab ayaa la sheegay in ciidankii ka joogay inay gaareyn magaalada BAARDHEERE ee gobalka Gedo, halkaasoo ay hada xooggoodooda isugu geeyeen.

 RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

4 Responses for “Ciidamada Kenya Iyo Kuwa Dowladda Oo Isku Diyaarinaya In Ay Galaan Kismaayo”

  1. [...] Read the original post: Ciidamada Kenya Iyo Kuwa Dowladda Oo Isku Diyaarinaya In Ay Galaan Kismaayo [...]

  2. libaax says:

    Arimuhu meel wanaagsan ayay marayaan hada. shacabka jubooyinku gaar ahaan magalada kismaanyo waxay sugaysay in mar uun ay hesho nidaam iyo kala danbayn dawli ah. dadku hada waa kala danaysanayaan oo noloshooda lasoo baxayaan ganaacsi iyo waxbarasho madama ay heleen amaan.kismanyo waa magaalo soomaaliyeed oo kamid ah magaalooyinka xeebta leh cidkastaa waa ku noolaan kartaa ka shaqaysan kartaa si xor ah.cidina hada dankama laha kuwii lasoo khalday ee dadkii magaaladan lahaa ku gafay naftoodii iyo maal koodii iyagoo kasoo duulay gobolada dhexe ee soomaaliya iyagoo marba magac loo bixinayo mar waa dooxada juba marwaa walaalaha galguduud marna waa midawga maxaakiimta. waxaas oo dhan oo ah hal u jeedo in la boobo hantida iyo degaanka shacabka kismaanyo.

    Dan cid kaleh kuwii 22 sanadood umada waxaa baday majirto waxaan u aragnaa dad walaal ah oo khaldamay oo khasaaray aduun iyo aakhiraba ilaahayna ha soo hanuuniyo wixii ka haray.dadku waa walaal iyo ehel wada muslim ah dhulkuyar soomaalina majirto nin dhul uusan lahayn qaadan karaana majiro ee waan laga yeelaynin markaa waxaa haboon in lays walaashado lawada noolaado gacmaha lays qabsado xumaan tii horay u dhacdayna lawada iloobo oo lays cafiyo oo lawada noolaado sidaas ayaan rabnaa hadaanaha shacabka u dhashay kismanyo iyo jubooyinka.soomaali dagaal waxaa kaga baa ba ay ragoodii iyo maalkoodii mana loobaahna dagaalka ehliga ah ee inala haray.

    waxaan doonayaa in hada kadib lays xaq dhawro lawada noolaado sidaas ayaa danteena ah aduun iyo aakhiraba walaalayaal.

  3. [...] magaalada Kismaayo ayaa maanta markii ugu horeysay gudaha u galay xaafado ka mid ah magaalada oo ay beryahanba ka gaabsanayeen inay gudaha u galaan tan iyo markii ay ka bexeen [...]

  4. [...] Qeybta hore ee hadalkiisa ayuu ku soo qaaday baaq uu u dirayo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo hadda wajahaya duulaan dhinacyo badan oo laula jiro kaasoo ka socda gobolada koonfurta iyo bartamaha dalka, isagoo Ayman al Dawaahiri soo hadalqaaday ciidamada Kenya oo bishii Sebtember aakhirkeeda qabsaday magaalada Kismaayo. [...]

Leave a Reply