Ciidamada Kenya oo Dib Uga Gurtay Kismaayo Iyo Odayaal Laga Kaxaystay Ceeldhiig (Faahfaahin)
Muqdisho (RBC) Wararka ugu dambeeya ee naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ee saaka waaberigii galay xaafado ka mid ah magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ay dib uga gurteen magaalada kadib markii ciidamada Al-Shabaab ay soo qaadeen duulaan culus o iska caabin ah.
Ilo wareedyo ku sugan magaalada ayaa Raxanreeb u sheegay in ciidamada Kenya ay hadda ku sugan yihiin deegaanka Ceeldhiig oo qiyaastii 4-km banaanka uga baxsan magaalada Kismaayo halkaasina waxaa ka socda dagaal u dhexeeya Ciidamada Kenya iyo kuwa Al-Shabaab.
Dhawaqa madaafiicda culus oo ay ridayaan ciidamada Kenya ayaa si aad ah loo maqlayaa, waxaana dhanka kale magaalada gudaheeda ku socdota duqeyn cirka iyo badda ah oo ay tuurayaan diyaarado iyo maraakiib Kenyanku leeyihiin.
Odayaal la kaxaystay
Ciidamada Kenya ayaa saaka waaberigii si kedis ah dhanka waqooyi bari uga soo galay magaalada iyagoo ka soo daatay deegaanka Ceeldhiig kana soo gudbay halka loo yaqaano “Qeyle Dheere” oo illaa 10km dhanka waqooyiga ee xigta badda.
Sida dadka deegaanka ay noo sheegeen ciidamada Kenya ayaa qabqabtay dad ka badan 160 ruux oo isugu jira odayaal, dhalinyaro iyo haween ay ugu tageen tuulooyinkii ay ku daateen halkaasoo ay ruux kasta labada gacmood kaga dhufteen jeebo kadibna ay uga tageen gurigiisa.
Ciidamada Kenyanka ayaa hadda ka dagaalamaya agagaarka Ceeldhiig, waxaana ay saaka kaxaysteen labo nin oo odayaal ka ahaa deegaanka Ceeldhiig kuwaasoo ay la aadeen markab badda u fadhiya.
Labada nin ee la kaxaystay ayaa magacyadooda ayaa naloogu sheegay?:
1- Cabdi Saney (waa oday caan ka ah deegaanka)
2- Ina Qaasim Cumar Gurey (waa nin dhalinyaro ah laakiin ka mid ah waxgaradka)
Lama oga sababta ay Kenyanka u kaxaysteen labadan nin oo kaliya.
Qorshaha dagaalkii saakay ee Kenyanka
Ciidamada Kenyanka ee galay Kismaayo waaberigii hore ee saaka ayaa degay qorshe kedis ku ahaa Al-Shabaab oo asan marnaba filaneynin, maadaama dagaalka uu ka socday dhanka galbeed oo qiyaastii 60km ka fog Kismaayo.
Jihada ay saaka Kenyanka ka soo galeen ayaa ah dhanka waqooyiga Bari ee magaalada oo ah jihada uu ka yimaado jidka laamiga ee ka taga Muqdisho soona mara deegaanka Goobweyn oo 25-km u jira Kismaayo.
Sida dadka deegaanka ee Raxanreeb ay la hadashay ay sheegayaan, waxay Kenyanku soo degeen xalay abaare 3:00 saqda dhexe iyagoo markab weyn uu keenay badda, waxaana ay kaga degeen SACTAR u soo qaaday dhanka xeebta. Waxayna ka soo deegeen meel u dhow halka loo yaqaano “Qeyle Dheere” oo qiyaas ahaan 10-km ka baxsan Kismaayo dhanka waqooyi bari.
Ciidamada Kenya waxaa markaasi kadib waaberigii lagu arkay Ceeldhiig oo ah deegaan ay dad xoolo dhaqto degan yihiin, 4-Km u juira magaalada uuna ku yaallo garoon diyaaradeed oo macmal ah kaasoo dhowaanahan aan la isticmaalin. Waxayna Kenya gaareen ugu dambeyntii xaafada “Buulo Abliko ” oo ah afaafka hore ee Kismaayo waana halka ay dadka faraha badan ku jeebeeyeen saaka.
Tirada ciidamada Kenya waxaa lagu sheegay llaa 300 askari oo u badamn kuwa badda ee “marines-ka” kuna hubeysnaa hubka boobayaasha iyo madaafiicda garbaha lagu qaato, waxaana dusha ka caawinayey diyaarado iyo markabkii ay la socdeen oo magaalada duqeyn ku hayey saaka. [AKHRI WARBIXIN]
Sida muuqata qorshaha ciidamada Kenya ayaa ahaa labo arimood oo muhim u ah dagaalka xilligan ku wajahan Kismaayo; Waa marka hore inay culeys dhanka wadada Muqdisho ka timaada ka saaraan Al-Shabaab, waana wadada kaliya ee laami ah ee u furan Al-Shabaab (haddiiba ay dhacdo inay Kismaayo ka baxaan).
Arinta labaadna, waxay tahay in Kenyanka ay abuuraan furin labaad oo dagaal oo ay Al-Shabaab ka soo weerari karaan, waayo dagaalka beryihii u dambeeyay ka socday deegaanka Janaay Cabdalla oo dhanka galbeed ah wuxuu Kenyanka ku ahaa dhib weyn in laga soo gudbanaha ay adkaatay sababo la xiriira deegaanka.
Dagaalka socda hadda
Hadda Ciidamada Kenya dib ayey uga soo bexeen xaafadihii ay galeen magaalada, waxaana dagaalka uu ka socdaa inta u dhexeysa Ceeldhiig oo ay joogaan ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab oo ka dagaalameysa halka loo yaqaano buurta Dab-dheere iyo Nus Dariiq illaa agagaarka Ma-dhamaato oo dhanka waqooyi galbeed ka xigta Ceeldhiig.
-Faahfaahino dheeraad ah iyo wixii kale ee soo kordha la soco Raxanreeb.com
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












raxanreeb guul ayaad gaarteen warkiina website-yo badan ayaa idinka soo xigta sida HADHWANAAGNEWS.COM waxayna ku hoos qoreen waxaan kasoo xiganay Raxanreeb balse kuwa kale oo tuuga ah ayaa jira oo sheegin halakay kasoo xigteen
waa isha wararka mahdasnidiin raxareeb halkiinaa ka sii wada waxaad kasbateen shacaka runta jecel iyo xaqiiqda wararka waana idiin mahad celinaeyaa ilaah baa mahada lehe kana fogaada qurunka wargaysyada qaarkood ka baxa nabad gelyo
walaahi meeshi waxaa ka dhacday ‘haleeys qararamsado’….
subhanallaa!!!
ilaahayoow usahal ummada Muslimiinta ah oo korkooda laysku fiiqfiiqanayo, aamiin.
Muqdisho & Kismaayo ayaaba laharay Wadanka Somalia, maba dhamaado dagaaladooda!
waa horre ayeey Kismaayo aheed Moorgan & Barre Hiraale, maanta waa Kooxo boqol magac iyo shaati wata, oo qaarna Sawaaxili sharaf mooday, qaarna amxaaro dabada kuwata,
sheekado waa laba indhoole oo is daadihinaya!
Ilaahayoow Ummada Soomaali & Muslimiinta aduunka oo dhan unaxariisto, oo meeshii qeyrka inoogu jiro inasii, aamiin.
waxan Jeclan laha R&R inaad T.V ku dartan ,waad mahadsan tihin Raxanreeb.com sidaas nogu so gudbiya wararkii u danbeeyay haddan raxanreeb.com Furin iimaba ahan oo meel kale ma rumeysto runtii Guul ayan idin lee yahay
balaayaa ka socota.
[...] (RBC) Iyadoo dagaal fool ka fool ah uu weli ka soconayo duleedka magaalada Kismaayo ayaa wararka ugu dambeeya ee Raxanreeb soo gaaraya ayaa sheegaya in weerar cusub ururka Al-Shabaab [...]
caasha waal magacaaga noo sheegay waxaa tahay
RAXANREEB WAA LA IDINKA BOOBAY WARKAAN LA IDINKUMA XUSIN LA SOCDA
BARE HIIRAALE KOOXDIISA WAAYE
WABAAHINTA SOOMALIDA SIDAASAA KU NACAY WAA AY XADAYAAN WAABA TUUGO INTOODA BADAN MABA AY QAJILAYAAN
http://luuqcapital.com/?p=4126
Raxan reeb wan idisalamay guulbaan idíirajay nayaa halkaa ka wada hal gankina
[...] dagaal fool ka fool ah uu weli ka soconayo duleedka magaalada Kismaayo ayaa wararka ugu dambeeya ee Raxanreeb soo gaaraya ayaa sheegaya in weerar cusub ururka Al-Shabaab [...]
[...] deegaanka Ceeldhiig waxaa dagaal culus illaa duhurnimadii maanta uu kasocday meel lagu magacaabo Nus-Dariiq oo dhanka galbeed ka xiga Wadada Laamiga ee Kismaayo gasha, halkaasi waxaa saaka weerar ka soo [...]
[...] dagaal fool ka fool ah uu weli ka soconayo duleedka magaalada Kismaayo ayaa wararka ugu dambeeya ee Raxanreeb soo gaaraya ayaa sheegaya in weerar cusub ururka Al-Shabaab [...]
Ku: Star
Horaan kuugu sheegay in aadan haadka hubsan
Cuqdada Kansarka kugu noqotay baa kugu kaliftay in aad Xitaa arki weydo warkii aad akhrinaysay.
kkkkkkkkkk. Laynka koowaad ee paragraphka labaad baa warkaaga beeninaya oo waliba muujinaya in aad tahay
[...] (GP) Iyadoo dagaal fool ka fool ah uu weli ka soconayo duleedka magaalada Kismaayo ayaa wararka ugu dambeeya ee Raxanreeb soo gaaraya ayaa sheegaya in weerar cusub ururka Al-Shabaab [...]
[...] deegaanka Ceeldhiig waxaa dagaal culus illaa duhurnimadii maanta uu kasocday meel lagu magacaabo Nus-Dariiq oo dhanka galbeed ka xiga Wadada Laamiga ee Kismaayo gasha, halkaasi waxaa saaka weerar ka soo [...]
ALLAW MUJAHIDIINTA UGARGAAR, ALLAW KUWA GURYAHOODA LUGU SOO WEERARAY UGARGAAR, ALLAW KUWA KITAABKAAGA UHIILINAYO UGARAGAAR, ILAAHAYAW KUWA XAQQA KUTAAGAN UGARGAAR,
[...] deegaanka Ceeldhiig waxaa dagaal culus illaa duhurnimadii maanta uu kasocday meel lagu magacaabo Nus-Dariiq oo dhanka galbeed ka xiga Wadada Laamiga ee Kismaayo gasha, halkaasi waxaa saaka weerar ka soo [...]
TUUGO CUSUB WAA KUWAAN RAXANREEB ILA FIIRSHA
MAXAA KU JABAN IN KU XUSAAN IN RAG KALE LEEYIHIIN XEERARAKA SAXAAFADA TAN AYAA BUD DHIG AH WAXA SAXAAFADA SOOMAALIDA LOO NACANA TUUGAA KA BUUXDA IYO DAD AAN TOOSNEYN
MAAFIYADA ISBAHEHEYSATAY KEY XADEEN WAA KAN
http://codkawaamo.com/2012/09/kismaayo-al-shabaab-oo-dagaal-ka-soo-qaaday-dhanka-goobweyn-canjeel-oo-laga-qabsaday-iyo-marinkii-nus-dariiq-oo-xirmay/
http://dailysom.com/2012/09/28/war-hada-na-soo-gaaray-oo-sheegaya-in-shabaab-dagaal-culus-qaadeen/
http://balanbal.net/?p=18597
http://www.quracjomo.com/?p=1867
http://balanbal.net/?p=18597
KIINI WAA KAN
http://www.raxanreeb.com/2012/09/kismaayo-al-shabaab-oo-dagaal-ka-soo-qaaday-dhanka-goobweyn-canjeel-oo-laga-qabsaday-iyo-marinkii-nus-dariiq-oo-xirmay/
http://www.Luuqcapital aniga ayaa iska leh walaaliyaal naga raali ahaada boqolkiiba boqol runtiina waa xaq in la’is ixtiraamo fadlan raali noqda, fadlan hawada waxaan kujirnaa labo sano marka waxaa nahay web hada soo koraayo nagu caawina wixii tabartiina ah. thanks bro.