Ciidamo Gaaraya 300 oo Jabuutiyaan ah Oo Maanta Gaaray Magaalada Beledweyne (Faahfaahin)
Muqdisho (RBC Radio) Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in maanta lagu arkay ciidamo AMISOM ah kuwaasi oo ka socda wadanka Jabuuti.
Cali Aadan Xumad Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa xaqiijiyay in ciidamada AMISOM ay gaareen magaaladaasi isla markaana loogu talagalay in ay sugaan amaanka magaaladaasi.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Ciidamadaan gaaray Baladweyne ay tiro ahaan gaarayaan ilaa 300-oo askari kuwaas oo kubiiraya Ciidamada kale ee halkaasi kusugnaa ee isla Dalka Jabuuti kasocda oo Baladweyne ugu horeeyay.
Wuxuu sheegay in ciidamadaan ay wax badan ka qaban doonaan amaanka magaaladaasi oo ay haatan joogaan ciidamo ka Itoobiyaan ah iyo waliba kuwo ka tirsan dowlada Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaan ay ka soo galeen gobalka Hiiraan dhanka Itoobiyaha, waxaana sidoo kale goobaha lagu arkay ka mid ah meelo ay daganaayeen ciidamada Itoobiya.
Ciidamadaan maanta gaaray Baladweyne ee kasocda Dalka Jabuuti ayaa wax ay qeeb kayihiin Ciidamada Midowga Afrika ee AMOSOM eek u sugan Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] Read More: Ciidamo Ka Socda AMISOM Gaar ahaan Jabuuti Oo Maanta Lagu Arkay Gudaha Magaalada Baladweyne [...]
[...] Read More: Ciidamo Gaaraya 300 oo Jabuutiyaan ah Oo Maanta Gaaray Magaalada Beledweyne (Faahfaahin) [...]
ugu horayn waxaan shaki ku jirin in wadana wadan kale ciidan ama booqan lkn dantiisa fiirsado.
maahmaah englidh ah ayaa waxay ahayd[ i give you one hand to give two hands] oo ah gacan baan kuu taagayaaye labo ii taag