C/naasir Seeraar: Kaabiga ayaan ku Haynaa Magaalada Kismaayo
Muqdisho (RBC Radio) Ururka Raaskambooni ayaa sheegay in ay aad ugu dhowyihiin magaalada Kismaayo isla markaana ay dhowaan la wareegi doonaan, xili Al-Shababa intooda badan la sheegay in ay ka baxeen magaaladaasi.
C/naasir Seeraar oo ka mid ah saraakiisha ururkaasi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay haatan kaabiga ku haayaan magaaladaasi ayna la wareegi doonaan dhowaan.
Wuxuu sheegay sidoo kale in naysan jirin cid haatan ka hortaagan in ay la wareegaan magaaladaasi, isla markaana kooxda Al-Shabaab intooda badan ay baneeyeen magaaladaasi.
Shalay ayaa dagaalo xoogan waxay ka dhaceen deegaanio ka tirsan gobalka Jubada Hoosewaxaana dagaaladaasi Al-Shababa looga qabsaday deegaano dhowr ah, waxayna sidoo kale ay keentay taasi in ay cabsi balaaran ay la soo daristo Al-Shabaabkii ku sugnaa gudaha magaaladaasi Kismaayo.
Inkastoo xaalada magaalada Kismaayo ay tahay mid degan ayaa hada wararka ka imaanaya magaalada waxay sheegayaan in Al-Shabaab saraakiishoodii iyo ciidamadoodii ay kala baxeen magaaladaasi.
Saraakiisha dowlada iyo saraakiisha ciidamada Kenya ayaa maalmihii ugu danbeeyay ku cel celinayay in ay la wareegi doonaan magaalada Kismaayo oo ay Al-Shabaab si aad ah haatan ay ugu xooganyihiin.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho












[...] Visit link: C/naasir Seeraar: Kaabiga ayaan ku Haynaa Magaalada Kismaayo [...]
30 Bari waxaan maqleyna lee Kaabiga ayaan ku heyna, kaabiga ayaan ku heyna ma dhamaato miyaa hehehe
asc ilaahayow kuwa qeer qaba u keen umada reer kismaayo waa dhibtoodeeen oo ilaahow dadkaas iyo dalkooda ka dhig meel nabdooon kismaayo waxey ka mid tahay meelaha ugu dhibaatada badan ee somaliya ,ilaahow dadkaas nabad siii adaa casiis eh wabilaahi towfiiiq