Cod aanan beesa joogin, boosna joogin, Basarki Shariif Xasan boos u waayay. W/Q Abdallah Mahamud Mohamed


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Cod aanan beesa joogin, boosna joogin ,Basarki sharif Xasan boos u waayay
Abdallah Mahamud Mohamed
somalieye@hotmail.com
Agoosto 3 2012

Masaarida waxay qabaan xikmad dhaheyso “akhbaarki beriga shilin joogo beri waa bilaash”, wax badan ayey isku dhax yaacday saadaalinta waayo musharaxa ugu cadcad ama ugu dhow in uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada somaliya ,doorashadi u dambeysay ee gudoomiyaha barlamaanka wax badan ayey fasireed u ahayd ,dad badan ayaa ku jahwareeray, dad badane waa u dhawaadeen in ay wax ka fahmaan siday wax u kala socdaan, qaarna waa iyaga waxa gadaal ka maareynaayo qeyba badan oo ka mid iskooxaysiga (salka ku haayo qeybisga doolshaha (Dowlada) haddii ay iyaga noqdaan kuwa kale soo baxo foornada isaga oo bisil meelna aanan ka guban ,karisna uunan u dhinayn) ,kala gadashada codadka xildhibaanada ,qaarna waa ku mala moog oo maba ogaba in kursigan doonistiisa iyo ku fadhigiisiba in aynan kala dhib yareyn ,barlamaanka wuxuu u qeybsan-yahay 4.5 oo iyada cudur na dishay ah ,ka bixidiisana ay waqti badan u baahan doonto, yaa noo keenay,yaa nagu adkeeyay cudurkan iyada waa mid u baahan qoraal gaar ah oo ka madaxbanaan qoraalkan.

Neef candha ku dhacday caano ma leh ,xildhibaanada taageersan Sharif xasan waa 72 tira ahaan markaan dhabta ka hadalno ,waana kuwi ugu shubay Cali khalif galayr ,dad baa Is weydiinayo xagee geeyay qoraagan shanta ka dhiman 77- cod ee uu helay Cali khalif ,taas waa sahal oo shantaas waxay ka soo jeedeen khaatumo ,waxayna ku fikir ahaayeen mudane Galayr ,haddasa iyaga doorashada madaxnimada somaliya meel kalay ku xisaabsan-yiihiin oo weli kama aynan raja dhigin taabagelinta dowlad gobaleed la yiraa Khatumo state.

Waxaa soo haray tirada uu mudane jawaari helay oo iyada ahayd 119 ,codadkan waxay ka yimaadeena badankooda beelaha hawiye ,dir iyo qaar ka mid ah beesha shanaad waxayna ka sinaayeen mabda’a ahaan in uu kursigaas ku fadhiisto nin ka soo jeedo digil iyo mirfle ,codadka inta hartay oo u qeybsanaa saddexda musharax ee kale waxay badankooda ahaayeen beesha daarood oo iyada aad u kala qeybsan doorashooyinka sanadkan.

Hadaba marki la isku daro codadka 77+23+10+5+laba cod oo halawday iskuma dhamo codadka uu helay gudoomiyaha barlamaanka ee haddeer oo ahaa 119. Waxaa jiro xildhibaano gadaal uga soo biiray barlamaanka kuwaasna waxay ku yimaadeen dadaal uu ka dambeyay madaxweynaha dalka sharif shikh axmed oo isaga u muuqday nin ka soo baxay mas’uuliyadiisa ,diidayna in hoostiisa lagu dulmo dad somaliyeed xitaa haddii uu jiro eedaymo lagu tuhmayo oo ay ummadda ka galeen balsa aynan jirin maaxkamad ku xukuntay dembi cad ,waayo waxaa barlamaanka fadhiyo xildhibaano sidooda oo kale ah eedaysanayaal ,kuwaas waxaan ka xusi karnaa Dr Cabdiweli gaas iyo Sharif Xasaan Shikh aadan oo ay iyaga beesha caalmaka ku eedeysay in ay dhunsadeen xoolihi ummadda balsa aynan weli jirin maxkamad iyagana si cad ugu cadeysay eedenytaas, kuna xukuntay in ay yihiin dembiilayaal waxaa kale oo aan ka xusi karnaa mudane Cali Khalif oo ay jiraan eedeyma badan oo dhankiisa ku aadan marki laga soo bilaabo lacag la sheegay in uu kala baxsaday xuukumadi milatariga ahayd ee uu madaxda ka ahaa siyaad Bare AHUN balsa aynan weli jirin isagana maxkamd si cad ugu xukuntay in uu yahay denbiile.

Saadaasha waxay leedahay in madaxweyne Sharif la leeyahay waa isaga waxa gadaal ka riixayay si xoogan guusha Prf Jawaari oo heysto 119 .haddab ku dar kuwi gadaal looga soo daray barlamaanka oo iyagana ay u badan tahay in ay codkooda siiyaan madaxweyne sharif shikh Axmed ,haddiba aynan u soo kordhin codad kale oo ay ka keenaan xildhibaanada kale maadaama la leeyahay waxaa ka mid ah Aadan madoob,saransoor ,Cabdullahi shikh ismacil iyo Ibi oo iyaga dad asxaab ah ku dhax leh beelahooda. Sidan wuxuu sharif ku helayaa waa qiyaase 119+16 iskudarkeedana yahay+shanti khaatumo =139 ,waxaa jiro xildhibaano maqan oo aanan soo xaadirin fadhiyda barlamaanka ,iyaga lama ogo yey siinayaan codkooda .haddaba qiyaasta ugu dhow waxay ku biyashubanaysaa Sharif Axmed oo ku guuleysto madaxtinimada somaliya mar kale .

Gorgrotanka Sharif xasan isagana waa mid candha leh saan horayba u soo sheegay waayo ninku wax ku darsado sidoo doono ha ugu darsadee wuxuu ka rabaa kursi ,ninki kursi siiyana waa in uu ku tashtaa haddii uu guuleysto in uu sharif xasan la jaal yahay ,yacnii hawshiisa in aynan u soconayn siduu rabo ,soona dedejiheyso in ay isku dhacaan barlamaanka ,shacabka iyo beesha caalamkaba.

Qoraaga saadaashaan waa Somalieye.

Abdallah Mahamud Mohamed

Somalieye@hotmail.com

http://www.facebook.com/abdallah.mahamud.3?ref=tn_tnmn

=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags: , , ,

7 Responses for “Cod aanan beesa joogin, boosna joogin, Basarki Shariif Xasan boos u waayay. W/Q Abdallah Mahamud Mohamed”

  1. Wan iska dayn doona aqriska webkan hadan laga dayn dadka aadka u liita warbixinada uu dadka somaliyed wax logu dhimayo tani ma ahan warbixin habarta geeska galdogob jogta ma qorten o damir iyo muwadin nimo haben gashay waana qof aad u v liita ninka maxkamad ayana lasari doona nabadey

  2. tariig says:

    mahadsanid qoraa sare cabullaahi waa saadaal dhici karto in shariif hogaamiyaha aala shiikh uu markale noqdo madaxweynaha soomaaliya suaasha waxa ay tahay shariif ma yahay mid shaqadaaas uu si daacad ah u gudan karo umalmaayo anigu raxanreeb waad ku mahadsamid sida soomaalida aydaan u kala jecleyn good news site

  3. cabdi cali says:

    qof kastaa wuxuu xaq lama taamtaan ah u leeyahay in u ololeeyo qofkii la quman, lakiin u maanka ku hayo oo ka hormariyo qofkaas danta kuwa ku xaraysan xeryaha qaxootiga, kuwa barakacay iyo kuwa badda ku le’ anaya i.w.m. qofkii kuwaa badbaadadooda ka hormariya badbaado iyo u danayn qof xildoon kaliya ah waa in u xasuustaa in u noqonayo taageere dhibaatada si jiritaankeeda if iyo aakhirana u ku seegayo. su’ aasha mas’uuliyada xambaarsan ee kowaad waa in ay noqoto maxaa iyo yaa doonaya oo awooda in u ka saaro somaliya dhibaatada jirta?

  4. wadani daacad says:

    ninka qoraalka qore malaha isagaa aala shiikh eh oo wuxuu buun buuninayaa qolooyinka aala shiikh oo runtii al shabaab iyo aala shiikhba uma somaliyeed waaka daashay walaalow waxaa caruurta xataa weykugu qoslaysaa eee waxaad ogaataa in somaliya ay ka gudubtay qurunka kaa guuxaya ee isir naceybka eh bal intaad meel fadhiisatid ilaahay u towbad keen inlee waxaad qortid waa lasii qorayaa haku aaqira seegin kolay aduuun ku seegtayee wabilaaahi-towfiiiq

  5. dooro qof qabyalada naceb says:

    weligey ma aan aqrinin falaqayn sidaavla ciif u miyhaadan ogayn in farnajo iyo gaas sido kale wateen jawaari

  6. mursal hirsi says:

    runtii sida ya sheegeen dadka comentiga dhiibtay wuxuu qoraal kan iila muuqdaa nin fikirkiis ama qof mangaabnimo ku shaqeeya qoraalki lkn waxan kuu sheegayaah waa laga gudbay xiligii la dhagaysanjiray dadka adiga oo kale ah qoraalkoda waxaadna magaca ka halaysay webka kama xumin in uu sharif madaxweyne noqdo lkn sida aad u hadashay oo natusisay cuqdad iyo qabiil nacayb kugu jirta adeer manta somaliya waxaa u tartamayah dad aqoonyaahano waana laga gudbay xiligii qabiilka iyo aala shiekh iyo wahaabiyo iyo alshabaab iyo qabqablayal waxaana loo gudbay qaranimo iyo somalinimo .marka meshii aad codkaaga iyo fursada aad haysatid oo ah webkan kaga gudbin lahayd somalinimo iyo qarannimo ayaad soo gudbisay cuqdad iyo reer naceyb kugu jira lkn cidna wax u dhimimayso fikirkaaga guracan ee aad ka hadashay ama soo bandhigtay
    sxb iska fiiri mesha iyo galdogob lama joogee
    shariifna ma soo baxayo mar danbaana lama doorandoono haddii aad kanaxaysid iyo hadiii kaleba waxaa la dooranayaha dad aqoon leh sharaf na leh sida pr. badiyow pm and pr. gas iyo aqoonyahan farmajo tageerana kaagama baahna mahadsanid

  7. nabadon says:

    Hubka dhiga waxaad tihiin Hooyo ubadkeed, wacnaan laheydaa doodaha noocan ah oo looga doodo somalinimo run ah iyo dowladnimo towxiidka ILAAHEY iyo daacadnimo lagu maamulo, balse intaad taageero kusaleysan qabiil isku heysataan dhulkiinana la boobayo, sheekadu waa fari kama qodna faanoole, welina 20 sanoo danbaa dhiman

Leave a Reply