CODEYNTII DOORASHADA MADAXWEYNAHA OO HAATAN BILAABATAY
Muqdisho (RBC) Waxaa haatan bilawday codeynta doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo maanta ka dhacaysa xarunta Ken Kaahiye ee magaalada Muqdisho.
Qadar nasasho ah iyo salaad kadib ayey xildhibaanada dib isugu soo laabteen, waxaana gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan uu sheegay in tirada baarlamaanka ay hadda gaartay 262 mudane.
Waxaa codkii ugu horeeyay dhiibtay gudoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.
Sida guddiga doorashada ay shaaciyeen waxaa doorashada wareega koowaad ku soo baxaya musharaxa hela 184 cod haddii kale waxaa loo gudbi doonaa wareega labaad ee doorashada oo ay isugu soo hari doonaan afarta musharax ee ugu codadka badan.
La soco Raxanreeb.com















Haddaad mobileka iigu soo sawirto magacayga oo warqaddaada cod bixinta iyo sawirkayga ood istilaabaysay qaado $60,000. waa la wada ogyahay in Sh. Shariif u tahay astaanta kaanbaynkiisa. sida muuqatana si fiican bay arrinkaasu uga dhex socdaa meesha. Teeda kale baarlamaankan khayaano qaran buu ku eedeysan yahay sababtoo ah dad aan soo buuxin shuruudaha xildhibaanimada ayey u codeeyeen inay ka mid noqdaan ayaga sidaa daraadeed ayaga iyo kuway oggolaadaan waa isla hal.
manta madaxwayne ladooran mayo ee lacag ayaa ladoorayanah shariif inoo sobaxayo khayanada kadhacday meesha ayay kamuqataah 98+20 = 118 xildhimaan oo gadan ayaa meesha fadhiyah marka 144 ayaa so harayah iyanah kuwa kalay ayay u kala codaynayaan maraka waa muqataah inay khayaano dhacday oo lacag ladortay halagu kala dareero mesha war mayaaleh 262 ayaa fadhidah iya doon la iishegin ayaan garanayaah in shariif banaanka yaal qofkastaa nah waa ogyahay