Codsi Ku Socda Xildhibaanada Baarlamaanka. W/Q Eng Abdirashid Abdi Daad


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Codsi Ku Socda Xildhibaanada Baarlamaanka Dawladda Federalka Somaliya
Eng Abdirashid Abdi Daad
Guurey@hotmail.com
Sabteembar 08 2012

Waxaan ku bilaabaya magaca Allah ee Naxriis oo dhan iska leh.

Eng Abdirashid Abdi Daad

Mudaneyaal iyo marwooyin waxaa idin salaamaya qalbiyada dhammaan bulshada Somaliyeed meel kastaba ay joogaan qalbiyadaas oo saxansaxo udgoon badan iyo neecaw macaan oo sumcad iyo sharaf huwan ku dhacayso.

Mudanayaal iyo marwooyin maanta waxaa sharaf iyo sumcad aan farxadeeda la koobi karin noo ah in aad joogtaan waddankeenii hooyo idinkoo raxan raxan u sheekaysanaya, kaftamaya, isla qoslaya, faraha isku taagtaagaya oo aan dawlad kale marti u ahayn oo dariiqayada aan shicibka dawladaasi idinku sheekaysanayn.

Mudanayaal iyo marwooyin maanta saddex dhallinyara ah oo ku dhashay wadankaan UK ayaa iga horyimi oo aan aqoon ulahaa salan ka bacdi waxay yiraahdeen adeer “ we are so so happy and we are so proud to call ourselves Somali to day “ aad iyo aad ayaan u faraxsanahay inaan Somali baan ahay dhahno waan ku faanayaa maanta. Waxay ahayd maalintii raysal baarlamaanka la doortay iyo ku xigeenada. Markaan waydiiyey sababta waxay yiraahdaan adeer “no Kenyan and Jabutian can tell us we are nothing and we cannot manage our crises without Kenyans or Jabutians help”. Kenyaatiga iyo jabuutiyaanku maanta nama oran karaan caawintooda la’aantood mashaakilaadkiina ma xallisan kartaan.

Mudanayaal iyo marwooyin waxaad hadaladooda ka dhadhansan kartaan farxadda dhalinyaradaas qalbigooda buuxisay iyagoon Af Somali fiican aqoon maxaad ka malaynaysaan kuwii ku noolaa waddanka gudihiisa khaas ahaan muqdisho gudaheeda oo maanta inay xeebihii ku cayaaraan ku dabaashaan barxadihii magaalada iyagoo raxan raxan ah ku sheekaystaan awooda waa wax lagu farxo oo Allah swtc looga mahad naqo. Mudanayaal iyo marwooyin waxaa qalbi kasta oo Somali wadani dhalad ah dhex ordaysa Maanta Maanta waa maalin wayna Maanta Magaceen ha raagee Maanta.

Mudanayaal iyo marwooyin maanta ruux kasta oo idinka mid ah waxaa saaran masuuliyad ka xoog badan oo ka culus xildhibaanadii markaan xornimada qaadanay ahaa xildhibaanada. Sababtoo ah waxay la kulmeen bulsho qalbigooda iyo niyadoodu isku meel yahay oo farxad iyo damaashaad xoriyad la wada riyaaqaya oo qalad kay galaan aanu niyad jab badan ku keenayn.

Mudanayaal iyo marwooyin maanta xildhibaan nimadiinu waxay la kulantay bulsho qalbigoodii iyo niyadoodii kala tagtay oo damiirkii lagaga cayaaray oo aan dhimanna noolayn waxaad kala kulmaysaan howl aad iyo aad u adag, kala jiid jiidashada eedaynta tolaysiga ku qotonta oo siyaasiyiinta iyo duulka ay wataan oo u ololaynayaa ay idinku hayaan mid sahlan maaha waana ognahay haddaanu nahay bulshadii Somaliyeed ee danyarta u badnayd dhibihuna ku habsadeen.

Mudanayaal iyo marwooyin howl iyo dhib qaxar la’aan wanaag laguma helo waad ogtihiin taariikha soo maray adduunkaan dhibaha ay la kulmeen duulkii wanaagga u horseed lahaa bulshooyinkii ay ka dhasheen. Tusaale haddaan usoo qaato Nabigeenii wanaagsanaa ee Muxammed naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee dhibihii uu kala kulmay bulshadii ugu yeeri jirtay markiisii hore Muxammed Amiin markii uu Allah swtc wanaagga ugu soo dhiibay ku qotomay sharaf sumcad nabad kuwada noolaansho.

Mudanayaal iyo marwooyin waxaad ogaataan maal inuusan waarin qofna nolosha ku waarin waxaase meel dheer gaara waa sumcadda iyo sharafta ruuxaasi keensado adduunkana abaal aan ka dhammaan ayaa u yaala meel kasta uu tago aakhirana wanaag Allah ayuu la kulmaa. Waxaad bal milicsataan SYL ruux ka mid ah idinkoo shir u fadhiya idiin soo gala dhammaan waad wada istaagi lahaydeen idinkoo sacab iyo sawaxan farxadi qalbigiina ka keentay isku daraya oo aan ka daalayn.

Mudanayaal iyo marwooyin maanta idinkaa u taagan SYL bulshada Wadaniga xalaasha ah ee Somaliyeed qalbigoodu idinkuu afka idinku hayaa niyadooda ayaa idinla jirta makhaayad kasta idinkaa shaaha lagu cabbaa waxaad fali doontaan. Laba midbay noqon inaad noqotaan halyeeyo aan ku faano sidii SYL iyo inaad noqotaan la mood noqonse waa oo habaar iyo inkaar wadaniyiinta dhabta ahi aad ka keensataan.

Mudanayaal iyo marwooyin doorashada aad geli doontaan haddii Allah idmo uma baahna maskax maanta lagu garto meesha iyo cidda wanaag wadda oo isu taagtay, waxaa wax kasta idiin ku filan meesha aad maanta fadhidaan oo waddankii hooyo oo Calankeenii buluugga ahaa si sharaf iyo sumcad huwan uga babanayo dushiina isagoo suran meeshuu xaqa u lahaa ee uu astaanta u ahaa oo aan ahayn meel marti ahaan loo suray.

Mudanayaal iyo marwooyin badbaado qaran waxay mudan yihiin u abaal naqid waxay mudan yihiin garab istaagid waxay mudan yihiin in loo wada istaago waxay mudan yihiin in baal dahab ah taariikhda lagaga qoro waxay xaqiiqdii mudnaayeen inaan lalaba tartamin ee iyagoo isku duuban la yiraahdo na hogaansha.

Mudanayaal iyo marwooyin intaad noolayd indhihiinu ma qabteen dawlad madaxdeedii banooni qaateen oo xeebtii la cayaaraya dadkii shicibka ahaa oo waliba jooga meel xabaddu tahay shan qaboo shan siidaa iyagoo doonaya inay shicibkii baraarujiyaan oo tusaan siday nolosho waa ahaan jirtay iyo in la heli karo haddana ay sansaanteedii hayaan una dhaqaaqeen.

Mudanayaal iyo marwooyin hadaad badbaado qaran noo doorataan himadayadii, qalbigii, sharaftii iyo sumcadayadii ay bulshada Somaliyeed lahayd baa soo noolaanaysa Allah idankii. Waxaad maanta tihiin Abaayaashii iyo Hooyooyinkii dhammaan bulshada wadaniga nadiifta ah waadna ogtihiin hooyo iyo aabe dhashooda wanaag bay u horseedaan. Wanaag noo horseeda oo damiirkayagaan naxariistu soo qoonayso hanaga dilina midfadlakum hana dhaafinina badbaado qaran, waad ogtihiin waddankeenii iyo qaran keenii in la badbaadiyo oo loo istaago u baahan yahay, magacoodu waa sax dhaqankoodu aan ka aragnay saxbuu ahaa oo miraheedii ugu horeeyey idinkaa ah oo maanta dugsanaya sharafteenii iyo sumcadeenii iyo maamuuskeenii meeshaad fadhidaan idinku filan xaqiiq raadis ahaan.

Mudanayaal iyo marwooyin Aug 28th, 2012 Prf Jawaari ayaad nasiiseen waadna aragteen dhammaan bulshadii Somaliyeed meel kasta oo ay joogto sacab iyo sawaxan qalbiga ka soo go’ay  ayeey ku soo dhoweeyeen dhammaantiina waxaa idiin duceeyey qalbigaas aad farxadda geliseen. Waxaadna naga mutaysateen koob dahab ah oo taariikhda idiin galay oo lama illaawaan ah runtiina waan idiinka abaal naqaynaa.

Mudanayaal iyo marwooyin September 10, 2012 noogu Dara Prf Cabdiwali Gaas sababtoo ah maanta meesha aad harsanaysaan isagaa Allah qaadirka ahi sabab uga dhigay sumcaddii iyo sharaftii Somaliya inay soo iftiinto isagaa Allah qaadirka ahi sabab uga dhigay, inaan maanta bulshadii Somaliyeed himadoodii iyo damiirkoodii soo kaco Allah qaadirka ahi isaguu sabab uga dhigay.

Walaalayaal aabayaal abtiyaal adeerayaal hooyooyin habaryarooyin eedooyin qalbigaa bulshadaas Somaaliyeed oo qoyaanka farxadda ah soo gelayo hanaga jabina  ruux idinka mid ah oo cidduu doortay la ogyahay idinka iyo Allah Qaybka yaqaan uunbaa og hana dhaafina Prf Cabdiwali Gaas oo inkaar hanaga mutaysanina waad arki doontaan markaad doorataan Bulshadii somaliyeed oo meel kasta farxad iyo damaashaad ku soo dhoweeyey noqda kuwa aan berri ku faano minfadlakum oo midfadlakum niyad jab hanagu noqonina hana ka abaal dhicinana dadaadlkii badbaado qaran ee meeshaas maanta ina soo gaarsiiyey.

Wa Billaahi Towfiiq

Qore: Eng Abdirashid Abdi Daad

Email: Guurey@hotmail.com

=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags: ,

14 Responses for “Codsi Ku Socda Xildhibaanada Baarlamaanka. W/Q Eng Abdirashid Abdi Daad”

  1. [...] View the original here: Codsi Ku Socda Xildhibaanada Baarlamaanka. W/Q Eng Abdirashid Abdi Daad [...]

  2. Dalhaye says:

    Mudanayaal iyo marwooyin September 10, 2012 noogu Dara Prf Cabdiwali Gaas

    You’re campaigning a sick person that takes mental pills PROZAC regularly to be our next president shame on you. Believe me he will not get 10 vote on election date Sept 10.

  3. qoono. says:

    ku darid kala doorta danta ilmaha somaliyeed ,mustaqbalkooda.iyo danta shaqsi gaar ah dantiisa,
    kala doorta ilmaheena iney wada noolaadaan iyo iney hoosjoogaan kuwa u shaqeeya ilmaha dalalka kale,xasuusta in nin kastaa asiga iyo camalkiisu ay is raaci doonaan,ilaahey talo saarta.
    alle cafis aan weydiisano,doorta kan dalka iyo dadka wax u tari karo,

    waxaan naqaan farmaajo,qalbigeenuna la jiraa anagoo ah shacabkiii>>>>>>>>>hadii la waayo shiikh shariif,>hadii la waayo baadiyow,,,,alow khayr keen,aaaamiin.

  4. soomaali says:

    aad baad u mahad san tahay qoraaga weyn.sidaad sheegtay ayaan ka rajeynaynaa paarlamanka soomaaliyeed.

    kuwa xanuunsan oo qabiil iyo shaqsi naceyb ku waashay ayaa mar dhow hantaaqa soo qoraya ee dhag ha u dhigin.soomaaliyana ha is raacdo.

  5. liibaan says:

    bismillaah,
    walaaal aad ayaaaan ula dhacay hadalkaagii ilaa aan ka soo gaarey dhamaadka qoraalka
    ma,xuma qoraalkaagan oo waxaad tahay nin aftahan ah allaha kuu siyaadiyo aaaaammmmiiiiin
    laaakiiiin somalia hada waxey beegsaneysaa sidii ku haboon walaal c/wali shaqada markuu qabtay
    meel wanaagsan buu ugu yimi oo ragbaa hotii kaadi u soo cabey kana tanaasuley
    marka anaga hadaan nahay shacabka somaliyed waan u duceeneynaa qofkastoo madaxweyne noo noqda hada c/walina waan u mahad celineynaa shaqada wanaagsan ee uu noo qabtay
    WAXAAN QALDAY SHEYDAAN HAKA AHAADO WAXAAN SAXANEY ALLAAAH MAHADEEDA LEH adiga soomaaaliya u ducee hadhihin inkaarmaa idinku dhaceysa hadaan la dooran cabdiwali walaal qeyr allaha ku siiyee mahadsanid

  6. wadani says:

    wax fiican ma ahan in qof nagu apply gareeyo fikirkiisa abdiwali wan ognahay wuxu yahay iyo waxa uu qabto mana doonayno qof ay wadatoo dowlad shisheeyo kenya wxay wadataa gas si ugu dhameeyo howshii qabyada ahaa iisiga bada somaliya iyo sidoo kale dhulka ay haysato keenyaa ee ay somalia ka haysato wxaan doonayna in aan doorano ninka naga saari karah dhibtaan mantaa waxana weye prof axmed ismacil samatar iyo farmaajo

  7. ajay says:

    waawarey war eng. waad soo rogaal celisau farmaajo ayaan u baahanahay. farmaajo noolow! guuleyso ilaah idankiis we want new faces like farmaajo who put somalia on the map and offered principles to badbaado qarana

  8. zaynab says:

    dalhaye u sound like sick person urself,make your point without insulting others, maskiinyahow.
    the writer made a really good points,I see a light under the tunnel,let us hope MP WILL choose the best man for the job for the sake of the country and people.

  9. Abdi Somali says:

    kala doorta mustaqbalka umada soomaliyeed iyo mustaqbalka hal nin oo kursi doonaya oon dal dad kala jeclayn kala doorta qaran badbaadiye iyo qaran dumis oo iska daaya qabiilka waxaan ahay reer puntland farmaajo ayaa dalka iyo puntlandba dani ugu jirtaa

  10. Dalhaye says:

    @Zaynab
    I agree with your point MP’s will elect a new president as scheduled on Monday Sept. 10, 2012. I don’t think that someone who has major depression, and also takes serious medication to stabilize his health should be running the country. He also has memory loss and he does not have the clear vision to develop a war torn nation. Not long ago, he hired 95 members of his family to work for him in office and none of them are high school graduates. This shows that he is unfit to be president, as he only hires people based on their tribe.

  11. Axmed yare says:

    Kkkkk Cabdiwali Inna adeerkiis wuxuu yiri qofkale hadaad doorataan waan idin habaaraynaa!!!!!!!!!!!! So ma oga habaar in 1991-dii ay u dambaysay. Maar baa booskiisii gashay, marka sxb nasiibkiisa ha sugo Cabdiwali Gaas, ugama xumin nasiibkiisa ee adigu Hana nacsiin Cabdirashid Cabdi daadoow

  12. cumar yare says:

    Muhiimaddu waxaa weeye in Doorashada Madaxweynaha Ilaah looga cabsado oo aan la musuqmaasuqin. In aan lacag lagu qaadan oo codka xildhibaanka la iibsan, waayo lacag ma waareyso laakiin go’aanka wanaagsan natiijo wanaagsan ayaa ka dhalata.Ogaada xildhibaannow lacagta codka la idiinka iibsanayo waa lacagtii dalkaaga iyo ubadkaaga laga xaday oo adigoo xalaal ku heli karayey xaaraan ahaan laguu siiyey, aakhirana Allaah waa ku weydiinayaa meesha aad ka kasbatay adduunkana wax weyn kuu tari mayso ee ha isku darsan “Ceeb iyo Cadaab”.

  13. nabadon says:

    Eng-ka qoraaladiisa waan u xiisi jirey balse caawa camulusheydaankii xumaa ee qabiilka la dhihi jirey ayaa jiitey, dr c/weli Gaas reekuu ka dhashey waan jecelahey waanan ahey balse ILAAHOW qofkheyr dalka iyo dadkaba u leh noodoor anagu madooran karnee

  14. Dalhaye says:

    @ Eng Abdirashid Abdi Daad

    I told earlier Somali parliament will not elect sake path president. I am sorry; you have made great effort and support to get elect your cousin as president. The outcome yesterday election was a great and we should support

Leave a Reply