Cumar C/rashiid oo Madaxweynaha Cusub u Gudbiyey Liis Rag u Sharaxan Jagada Raysul Wasaaraha Xilli Faroole uu Muqdisho Imaanayo (Xog)
Muqdisho (RBC) Sida ay Raxanreeb u sheegeen ilo wareedyo ku dhow Villa Soomaaliya waxaa maanta madaxweynaha Soomaaliya u tagay raysul wasaarihii hore DKMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo odayaal ka soo jeeda deegaanada waqooyi bari ee dalka.
Madaxweynaha iyo xubnahan ayaa kulan gaaban ku wada qaatay xarunta madaxtooyada iyadoo kulanka intii uu socday laga hadlay talooyin ku aadan magacaabista raysul wasaaraha cusub ee dalka oo hadda wadatashiyadiisu ka socdaan madaxtooyada.
Ilo wareedka ayaa Raxanreeb u sheegay in Cumar C/rashiid uu madaxweynaha u gudbiyey magacyada shakhsiyaad kasoo jeeda deegaanada waqooyiga bari ee dalka [Puntland] kuwaasoo uu talo ahaan u soo jeediyey in loo xusho xilka wasiirka koowaad ee la baadigoobayo.
Cumar C/rashiid laftiisa oo markii kulanka uu soo dhamaaday aan la xiriirnay ayaa sheegay in madaxweynaha ay is arkeen laakiin, wuxuu gabi ahaan diiday inuu liis magacyo ku qoran yihiin uu u gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya.
Loolanka siyaasiyiinta
Talo soo jeedintan ay sameeyeen Raysul wasaarihii hore iyo qaar ka mid ah odayaasha deegaanada waqooyiga bari ayaa ku soo beegmeysa xilli uu Muqdisho ku soo fool leeyahay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo lagu wado inuu madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud kala hadlo magacaabista raysul wasaaraha, waxaana wararka ay sheegayaan in odayaasha iyo siyaasiyiin badan oo deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland aysan rabin in xilka raysul wasaaraha lagala tashado C/raxmaan Faroole maadaama ay u arkaan in xilka uu yahay mid ku saleysan nidaamka 4.5 ee qabiilada balse uusan ahayn mid heer maamul goboleed ku saleysan.
Madaxweyne Faroole ayaa sida badan talbixin ka geysta shakhsiyaadka loo xulanayo xilalka dawlada federaalka ee ka soo jeeda deegaanada Puntland waxaana sida warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan madaxweyne Faroole uu toos u gudbin doonaa siyaasiyiin uu isaga u arko inay wasiirka koowaad u noqon karaan xukuumada cusub ee Soomaaliya.
Dhanka kale waxaa jira siyaasiyiin madax bannaan oo si iskood ah ula kulmay madaxweynaha cusub maalmihii lasoo dhaafay kuwaasoo dhamaantood wada xildoon ah, kuwaasoo ka kala yimid qurbaha iyo gudaha intuba.
RBC Radio












Madaxweynuhu wadashiyada habadiyo, runtiina Tashiga waxba ma nusqaamiyo laakiin, anigu Madaxweynaha waxaan kula talinayaa inuu asagu yeesho talada ugu danbaysay, magacaabaa Ra’iisal wasaare, Karti, Aqoon, Wadaniyad, Diin, Daacadnimo, iyo howlkarnimo isku darsaday. Waxaan wanaagsanaan lahayn, Gaalkacyo-Kismaayo dadka degan in Ra’iisal wasaaraha la siiyo, maxaa yeelay waa intay dhibtu Taal. Reer bari Booweyaal Soomaaliya Nabad hanoqoto markaas weeye jaaniskiinu. lol
Mudane Madaxweyne, ha magacaabin qof ay wataan Shariif Sakiin ama Faroole. Waa Labada Somaliya Loogu necebyahay
Waa Arin Fiican Hadii Cumar. Cabdirashiid 4.5 U soo Tafa Xaytoh. Dawlada Cusub ee Madaxweyne Xassan Weli Kama Bixin 4.5 iyo Kumeel gaar Oday Dhaqameedayo baa Sooxulay Xubanaha Baralamaanka oo Qaab Qabilaysi bay ku Yimaden. Dawlada Muddene Xasan Dalka Aaya Lagu Dhisay HAA base Ajande Qeexan oo Ay Kumeel gaar Ugabaxdaa Ma Cadda.Dr Faroole Dawlad Goboleda PL buu Madaxwene ka Yahay 4.5 Waxba kama Khuseyan Dawlada Dhexe wuxu ku Leyahay Talo waa Hadii la Weydiyo….. Qofki PL Metelah Barlamanka Garowe baa Looga Taliya.
WAR KAN XAGUU A SOCDA
allow allah kan ina abdi rashiid kii fashilmay soow mahan mise mid cusub xilka raisal wasaaraha reer faroole arki maayan mana loomaga caabi doono taas ha ku seexdaan reer puntland
Puntland waxaa loola jeedaa hal beel soo maaha? Gartay
War cunugaan xaraan ku naaxa ah, talo iyo tusaale midna mahayee lacagtii uu wadanka ka dhacay hasoo celiyo. Mida kale, maxay tahay qabiiladaan qashinka ah oo madaxweynaha qabyaaladda iyo musuqmaasuga ku bilaabaya maa albaabka hore laga cesho.
Tan labaad, raysal wasaaraha waxan dhihi lahaa walaaleheen reer soomaaliland ha lasiiyo hanna la soo celiyo haddii kale dadka laga tiradda badan yahay ee soomaaliyeed hala siiyo kursigaas.
Maslaxadda soomaaliyeed sidaas bay kujirtaa insha allah, ninkii ummalayna in aan D (da’da) ka soo horjeedana waa khaldan yahay ee sidaas danta soomaaliyeed baa kujirta.
Sama_Kataliye @ sxb maad idinku xilka madaxwayne ugu deeqdaan dadka laga tirada-badan yahay wa idinka saf soo galay saad u seejin lahaydeen inay beel kale qaadatee shakhsiyad anigu cid alla cidii qaadata raysal-wasaaraha waan soo dhawanaya balse ogow D(da’da) aad soo qaday magacoodu waa qoomiyad dhan dalka somalia geeska kasta jooga xilka madaxwayne iyo kan raysal wasaarena isku darsan kara balse wax xeeriya marka xanuunka iska saar qabaliga ah ciddii ilahay u qoro aya helaysa dadkaan aad magacowday xilmaanta u ma ciilqabaan dhulkooda badankiisuna waa nabad so be carefull about qabyalad sxb
CUmar C/rashiid Taladiisa waa muhiim waa Reysal wasaarihii hore ee Dalka somaliya in lacaayo ma mudna inkastoo dowladiisii ey fashil kudhamaatay hadane waa nin talo leh oo yaqaan meelaha dowlada dhibka ooga imaankaro Sikasteey ahaataba Madaxweynaha asagaa ku xirantahay oo go’aanka ugu danbeeya iskaleh inuu talo qabiil qaatana looma baahan waxaa loobahan yahay inuu isbadal keeno oo shaqsi kartileh iyo aqoon leh oo ka hufan qabiil iyo eex inuu keeno. anaga hadaanahay shacabka soomaaliyeed madaxweynaha asaga ayaan kula xisaabtami doonaa shaqsiga uu keeno nuuca uu yahay qabiilkiisa dhibmalahan lakin shaqsi aan maamul xilkasoo qaban oo nadiif ah ayaan karabnaa
Ku.Xassan iyo Daacad.
Puntland waa meeshii LAAN-GAABKA IDIN KA SAARTAY OO IDIN XORAYSAY.Nin soomaalidii hore ka mid ahaa baa laga sheegay in uu yiri Laan-Gaab waa ehelu Naar.Oo ujeedadu tahay markasta shaki iyo CUQDAD baa ka buuxa sida Xassan iyo Daacad oo kale.Puntland maxaad ka tari kartaan masaakiin yahay?
Ku.Samo-Kamatalye.
Doqon yahayoow waxaad ka mid tahay dadka badaawidaa oo waxay rabaan iska yiraahda ama sheega.
In aad saas tahayna waxaan ka helay qoraalkaaga ad ku tiri Ina cabdirashiid Cali Sharma`arke baa ku soo koray RISQI Xaaraam ah.Kuma oranayo wixii an oran lahaa qof waxsan garad ah.Waayo warba ma haysid miskiin yahoow
4.5. Maaha wax shaqeeya.==,===,===iyo ==,keebaa kow ah oo keebaa labaad ah.?
4.5 waxba way keeni wayday,Dad shaqada yaqaan ayaa jira,laakiin qolo shaqada taqaanaa ma jirto.
Ninka u qalma ee Somalinimo ka muuqato,karti ka muuqato,aqoonteda ka muuqato ha loo magacaabo.
Mahadsanid Madaxwayne.
Nin reer wataan ha noo magacaabin. Reerbaaba wata sidee u noqonkaraa Nin Somali u dhexeeya.
Guul ayaan kuu rajaynayaa Mudame MADAXWAYNE.
Mudane Madaxweyne ,
Faroole qanci ama Soommaali oo idil qanci, labadaas kala dooro. Waa ninkii ku hanjabey inuu ka tashan doono ka mid ahaanshaha Jamhuuriyadda, markanse maxaad ka sugeysaa inuu kuula imanayo?.
Codsi ma ahee wuxuu amar ku bixin doono in Raii’sul Wasaare loo magacaabo qof uu isagu wato haddii kale isma naqaan.
cumar cabdirashiid asaga marabo jago shaqo fiican ayuu heystaa runta ayuu sheegay madaxweynaha jagada reysalwasaaraha waxaa iska leh reer puntland haduu diido madaxweynaha inuu siiyo reyaslwasaaraha puntland markaas waxaa la hadlayo geesiga puntland faroole faroole wuxuu leeyahay hadii aan la siinin puntland jagada waangoosaneynaa cayaar mataalo meesha
madaxweyne madaxaaguna waa yar yahaye somali yeysan ku waalin oo aduunkaga iyo akhiradada ayeysan ku seejin wxna iga talo ah in aad kala tashay nin qabiileed oo aad isku daydo qofki adiga kula shaqeyn kara umadana sidan ugu shaqyn kara 1,daacadnimo 2 soomali maato aruurin 3 karti iyo aqoon 4 garsoone ay dadka u siman yihin 5 nin shicibku jecel yahay 6 nin asaga kaliya talada qaadan blse lala wadaago .inta an hilmamay insh.laah waa laga igu dari doonaa adigana ilaah ha kula garab galo
MEESHAAN CIYAAL QABYAALAD KA BUUXDAA ISKUGU YIMID GOORMAAN MASKAXDA KA KORAYNAA MEESHA KU KALA CARARA CEEBTIINA SOOMALIA IYO PUNLAND MIDNA WAXBA UMA TARI KARTAAN QOF HA RAACIN QABIILNA HA RAACIN WAXA WANAAGSAN RAAC
cumar fuusto praministarka ha laga dhigo wa hadu qaswade faroole mel ku xiro
taleex, war hana caayin cumar foosto useless cake xaaraana ka dhergey waaye 5tii milyan u qaatey marku iscasilayey ma kasoo dhamaatay balaayo kula af hadhicaab ahaatey ma isagaaba hadli kara waxad mooda faruuraha in laga jarey war faroole muu candhadan faruur ugu deeqo isagay ka badataye hahahahahahaha