DAAWO SAWIRADA: AMISOM Oo Soo Bandhigtay Sarkaal Sare Oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab
Muqdisho (RBC Radio) Ciidamada AMISOM ayaa soo bandhigay nin sheegay in uu ahaa sargaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya.
Ninkaan ayaa waxaa ciidamada AMISOM ay ku soo bandhigeen xero ciidan oo ku taala meel ku dhow magaalada Marka taasi oo lagu magacaabo xerada kabtan Laas.
Qaasim Abuukar oo ah ninkaan ay soo bandhigeen ciidamada AMISOM ayaa wuxuu sheegay in uu mudo dheer ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, isla markaana uu hogaamin jiray guuto ciidamo ah oo ka dagaalamijiray Muqdisho.
Wuxuu sheegay in uu isi soo dhiibay ka dib markii ciidamada AMISOM ay la wareegeen degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose, isla markaana uu go’aansaday in uu Al-Shabaab isaga Baxo.
Fikirka Ka bixitaanka Al-Shabaab ayaa wuxuu sheegay in uu ku dhashay ka dib markii kooxdaan Al-Shabaab ay go’aansatay in ay ku biirto urur waynaha Al-Qaacida.
Qaasim Abuukar ayaa dhanka kale sheegay in uu wali fahmi la’yahay sida loola dhaqmayo ka dib soo bixitaankiisii Al-Shabaab iyo isku soo dhiibitaankiisii ciidamada AMISOM.
Wuxuu sheegay tan iyo markii uu isku soo dhiibay ciidanka AMISOM, in uu san arkin qoyskiisa, isla markaana ciidamada AMISOM ay u wataan deegaanada ay doonayaan in ay qabsadaan maadaama asagu uu kala yaqaano dhulkaasi.
“waan fahmi la’ahay ciidamada AMISOM sababtoo ah markii ay meel aadayaan gaariga ugu horeeya ayay igu soo qaadayaan, aniga ayayna wax iga waydiinayaan meel walba, ma igu dhibco badsanayaan ma aqaan,”ayuu yiri sargaalkaan.
Waxaa jirta saraakiil badan oo hogaamiyaal ka ahaa Al-Shabaab kuwaasi oo ku soo biiray dowlada iyo ka dib markii Al-Shabaab lagala wareegay meelo badan oo ay ka arimijireen oo ka mid ah gobalada Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

















[...] See the original post: DAAWO SAWIRADA: AMISOM Oo Soo Bandhigtay Sargaal Sare Oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab [...]
[...] Read more here: DAAWO SAWIRADA: AMISOM Oo Soo Bandhigtay Sarkaal Sare Oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab [...]