DAAWO SAWIRADA: Ciyaartoydii Soomaaliyeed Ee Ka Soo Guuleestay Wadanka Suudaan Oo Muqdisho Lagu Soodhoweeyay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Cayaartooyda Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta ee da’doodu ka hooseyso 17-jirada oo guul ka soo gaaray ciyaartoyda wadanka Suudaan ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Ciyaar ka tirsaneed isreeb reebka da’yarta Qaarada Afrika oo ay magaalada Khartuum ee xarunta Suudaan kula soo cayaareen ciyaartoydaan dhigooda Suudaan ayaa waxay ku soo garaaceen 1-0.

Ciyaartoydaan ayaa maanta waxaa magaalada Muqdisho kuwoo dhoweeyay dadweyne badan iyo waliba masuuliyiin ka tirsan bahda ciyaaraha Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa warbaahinta kula hadlay tababaraha xulka Qaranka ee da’doodu ka hooseyso 17-jirada Tabare Max’ed C/dulle Fara yare wuxuuna sheegay in ciyaartoydaan ay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan sidoo kalana ay guul soohooyeen.

Guushaan ay cayaartooyada Xulka Qaranka soo gaareen ayaa noqoneysa mid aan la iloobi doonin maadaama iyaga oo marti ah ay 1-0 kaga soo adkaadeen Xulka Suudaan oo ka mid ah xulalka Qaaradda Afrika lagu tixgeliyo dhanka kubadda cagta.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

2 Responses for “DAAWO SAWIRADA: Ciyaartoydii Soomaaliyeed Ee Ka Soo Guuleestay Wadanka Suudaan Oo Muqdisho Lagu Soodhoweeyay”

  1. [...] Riix Halkaan Muqdisho (RBC Radio)Cayaartooyda Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta ee da’doodu ka hooseyso 17-jirada oo guul ka soo gaaray ciyaartoyda wadanka Suudaan ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. [...]

  2. SOOYAAL says:

    ASC MAY SIWACAN U SOODHAWEEYAAN MAHIIGABA WAA KUWA SAFKA U SOOGALA E

Leave a Reply