DAAWO SAWIRADA:- C/wali Gaas Oo Canbaareeyay Weeraradii Khasaaraha Badan Geestay Ee Ka Dhacay Muqdisho
Muqdisho (RBC Radio) C/wali Maxamed Cali Gaas raysal wasaaraha xukuumadiisa waqtiga uu ka dhamaaday oo goordhaw warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho.
Waxa uu canbaareeyay falkaasi waxaana uu ku tilmaamay mid waxuushnimaa oo ay sameeyeen sida uu sheegay dad wax magarata ah waxana uu uga tacsiyeeyay dhamaan dadkii halkaasi ku geeriyooday eheladii iyo asxaabtoodiiba waxaana uu alle ugu baryay in uu naxariistiisa siiyo.
Isagoo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu sheegay in shabaab markii looga soo adkaado jiida hore ee dagaalka ay wax yeeleenaan dadka shacabkaa sida uu sheegay waxana uu intaa siidaba dhigay in Al-Shabaab uu haatan waqtigoodii dhamaaday inta hartayna ay israacin doonaan sida uu sheegay Gaas.
Inta badan Madaxda Soomaaliyeed waxa kaliyah ay canbaareeyaan markii ay dhacaan falal lagu dhibaateynayo dadka shacabkaa ama dadka waxtarka u ah umada Soomaaliyeed iyagoona markasta sheega in ay wax ka qabanayaan islamarkaana aysan haatan muuqan wax cad oo ay ka qabteen arimahaas.














