DAAWO SAWIRADA: Madaxweynaha Umada Soomaaliyeed Oo Kulan La Qaatay Wafdi Ka Socda Kenya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay wafdi ka socday dowlada Kenya oo uu hogaaminayay wasiirka arimaha dibada ee dalka Kenya Sam Ongeri.

Kulankaan ayaa wuxuu ka dhacay hotelka uu ka daganyahay madaxweynaha dhowaan la doortay ee Al-Jasiira isla markaana ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kala kulanka ka soo qaybgalay xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo waliba raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas.

Wasiirka Arimaha Dibada ee wadanka Kenya Sam Ongeri oo ka hadlay kulanka ayaa wuxuu sheegay in dowlada Kenya ay u hanbalyaynayso madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, isla markaana wuxuu ku wareejiyay Hanbalyo uu kaga siday madaxweynaha wadanka Kenya Kibaaki.

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo asna dhankiisa ka hadlay kulanka ayaa wuxuu u mahadceliyay dowlada Kenya iyo waliba wafdiga maanta soo gaaray magaalada Muqdisho oo uu horkacayay wasiirka Arimaha Dibada.

Wuxuu sheegay madaxweynaha Soomaaliya ee Isbuucaan la dortay in dowlada Kenya ay ka mitahay dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, uuna aad ugu faraxsanyahay in maanta magaalada Muqdisho ay soo gaaraan wafdi sare oo ka socda dowladaasi.

Intii uu shirka socday labo qarax oo waawayn ayaa ka dhacay afaafka hore ee Hotelka uu shirka ka socday, kuwaasi oo aanan saamayn ku yeelan habsami socodka shirka, iyadoona Madaxweynaha iyo waliba wafdigaan ka socday Kenya iyo xildhibaanada ay shirkooda iska sii wateen.

Inta la ogyahay 10-ruux ku dhowaad ayaa qaraxyadaan ku geeriyiootay kuwaasi oo ay ku jiraan labada ruux ee isqarxisay, waxaana sidoo kale ku jira askar ka tirsan AMISOM iyo waliba kuwa dowlada kuwaasi oo sugayay amaanka halka uu daganyahay madaxweynaha cusub.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

14 Responses for “DAAWO SAWIRADA: Madaxweynaha Umada Soomaaliyeed Oo Kulan La Qaatay Wafdi Ka Socda Kenya”

  1. [...] Visit link: DAAWO SAWIRADA: Madaxweynaha Umada Soomaaliyeed Oo Kulan La Qaatay Wafdi Ka Socda Kenya [...]

  2. Sama_Kataliye says:

    Horta Allah baa mahadleh oo naga aqbalay ducadeenii ahayd in uu na dhaafiyo labadda shariif, nooguna badalo madaxweyne cusub oo yaqaana diintiisa, dadkiisa iyo dalkiisaba, insha allah.

    Hase ahaatee, Kenya waxay noogu soo noqnoqonaysaa inay dhulkeena iyo baddeena qaadato ilahay madaxweynaha ha fahansiiyo dhagarta ay wado Kenya iyo mida ay Ethiopia la aamusan tahay….Aamin.

  3. deqa says:

    maansha alah hambalyo iyo ducaba hoo madaxwayne ilahay xilka ku sahlo mansha laah farxada somali waa 2 shariif haday nafen ducadiina ilahybanaga aqbalay waa odayal somaliyed hada kadib wixii dhacay dhace waxan leyahay 2das iska ilali waji ayay isu dhigane yaykudhigin guul soomaliya uhorseed somaliyeey gacan iyo af iyo caqli kugeera xasan shiikh

  4. Puntland boy says:

    Keenya maxay naga rabtaa ? Soomaalia waxaan kula talinayaa inaan garab istaagno madaxweyna heena & Dowlada lasoo dhisi doono Maahan In cidlo laga helo oo markaas culeeys Lagu saaro waxuusan Awoodin, Waxuu u baahan yahay Expert in loo diyaariyo meeshuu fahmi waa yaba uu la tashto , Intaan isku maqanahay wadankeenii Bad & Bariba gacantuu kabaxay Wataas la lee yahay ilma heenii isa sooqarxiya janaa galeysaane , Viva Puntland & Soomaalia

  5. cumar yare says:

    Dal gablamay ninkii doona baa siin la soo dagiye
    Deris iyo shisheeyaba dhammaan way damaaciyiye
    U dadaala inay dawladnimo doorkan hanaqaaddo
    U duceeya Inashiikh Ilaah dawsan ku hagaajo

  6. M.H.Buraleh says:

    Waxaa yaab,amakag iyo damiir xumo ah in ruux doonaya inuu dadlka Somalia iyo ummadda Somalia madax u noqdo uu dal shisheeye ama maamul goboleed ka dalbanaya inay dabada ka soo riixaan oo ay wax ka dhigaan.
    Ruux noocaas ah laguma aamini karo mas’uuliyadda danta dalka,dadka iyo diinta. Waayo ciddii dabada ka waddey ayuu daacad u noqonayaa, fulinayaa danaheeda,madaxweynaha si xor ah ulama shaqayn doono,Somalina is qabqabsi iyo is khiyaamayn dabe uma taag hayso. Waa in madaxweynuhu taas ka feejignaadaa,danta cid kastana ka hormariyaa wixii loo doortay uuna u dhaartay.

  7. runsheeg says:

    tuug baad tahahay ma ahid puntland ee u daa mgaca .

  8. abshir Cisman says:

    Hambalyo Magaxweyne Xassan Shiikh,

    Dawladda Puntland haddaan nahay waa ku taageernay. Waxaan kaa sugaynaa xaqeena oo ah inaad nagala tashatid Raisal wasaaraha aad magacaabaysid . Waad ogtahay Puntland kaalinta ay ka qaadataya Road map-ka.- Garowe1 , Garowe 2. Sidaa darteed Raiasal wasaaraha Puntland ee aad magacaabaysid waa inaad nagala tashataa

  9. libaax says:

    Madaxweeynaha cusub haddii uu Puntland talada ka qaadan waan futa gadin doonnaa mana taageeri doonno, hadalada faroole waa inuu dhega furan u yeeshaa, hadii kale??????

  10. waakhalad in madax wayne soomaaliyeed la jiifiyo gori puplic ah mawaaxaa moodeyn in alshabaab kawadabaxayn soomaliya 3 wallahiyood uma aysan diir naxin madaxwaynaha umada

  11. Bossaso boy says:

    raxanreeb saxafada waxba kama taqaanaan waa maxay madaxweynaha umada somaliyeed waa khaladweyn taas umada somaliyeed waa qomiyad waxyna digtaa djabouti kenya iyo ethopia marka maaha inaad dhehdo umada somaliyeed kuwaas ayaad khalad ka geleysa .

    Tan kale hadii uu madaxweynahu lakulmay madaxda deriska iyo wadamada deriska maxaa dhib ah oo ku jira tan kale madaxweynahu mawaxa uu keliya dhegysanaya shacabka muqdisho ooiyaga shacabkii somaliyeed ah miyaaneyn puntland iyo somaliland jubalanad shacabka somaliyeed ahayn iyagu walaaaaaaaaahi somalida waa wax lala yaabo madaxweynaha waxaa laga rabaa inuu booqasho ku tago baydhabo bosaso gaalakacayo garoowe beledweyn iyo baran iyo laasqoray xitaa hargeysa maaha inuu xamar fadhiyo waa inuu dadka tusa inuu madaxweyne uyahay .
    talada madaxweynaha waa siin kara qof kasta oo somaliyeed ha ugu horeeyan kuwa nabada jecel iyo somalinimada jecel ee ah kuwa dawlad gobaleedka samaystay ee nabada haysta kuwaas waa inuu dhegaysta oo ka barta wax ay tahay dawlad

  12. hassan says:

    @M H BURALEH KKKKKK goormaa reer puntland noqoteeey soo adigii …ahaa oo aan ku aqaaney walahi waa yaab adunkaan qofkasta magac kale buu soo qataa markaasuu wax cayaa isagoon runka sheegin heybtiisa.

  13. @abshir cisman war jaahilnimada dadka kala dhexbax R/wazaaraha beel wayn oo puntland kaliya aan dagin ee gobolo badan iyo deegaan badan dagta ayuu ka dhexeeyaa jooji cudurka foosha xun ee aad dadka dhexdooda ku faafinayso ninkii uu u garto oo beeshaas ah ayaa qaadanaya
    afkii xumaa ee faroole ayaad ku hadlaysaa aniga reer kaalkacyood ayaan ahay hadana fikradaas waxaan u arkaaa khalad iyo qabyaalad aad dadka walaalaha ah dhexdooda ka abuurayso

  14. Abdi Somali says:

    puntland ma wada faroolaa waa maxay dadkaan sidii faroole u wada hadlaaya war ha ceebaynina puntland ee u daaya magaceeda waa gobol soomaa liyeed oo nin waalan hor fadhiyo asna 2da shariif ha raaco inshaa allaah kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Leave a Reply