DAAWO SAWIRO: Sidee U Dambaysay Deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Deegaanada kale oo ku yaala Duleedka Muqdisho?


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Iyadoo inta u dhaxaysa magaalada Muqdisho iyo waliba degmada Afgooye ay ku yaaleen suuqyo waayeen oo ay dadku ku ganacsadaan ayaa haatan deegaanadaasi waxay yihiin kuwo haawanaya.

Wadaddaan oo aan safar ku maray ayaa deegaanada ku yaala waxay ahaayeen kuwo dhamaantoodba cidlo ah oo aysan cidna joogin sidoo kalana uusan wax ganacsi ka jirin.

Deegaanka Ceelasha Biyaha iyo waliba deegaanada kale oo ganacsi badan ku yaaleen ayaa haatan waxaa lagu arkayaa dad yar oo ku ganacsanaya halka deegaanada kale ay yihiin kuwo aanan cidna joogin.

Deegaanadaan ayaa mar waxay ahaanjireen kuwo ay daganyihiin dad badan kuwaasi oo horay kaga barakacay magaalada Muqdisho, sidoo kalana waxaa ka jiray Ganacsi badan.

Markii Al-Shabaab laga saaray magaalada Muqdisho iyo waliba deegaandaasi ayaa dhamaanba dadkii daganaa deegaanadaan waxay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Ganacsatadii Deegaanadaasi ayaa dib ugu soo laabtay suuqyada waawayn ee magaalada Muqdisho sida suuqa bakaaraha iyo waliba Suuq bacaad.

 RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

13 Responses for “DAAWO SAWIRO: Sidee U Dambaysay Deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Deegaanada kale oo ku yaala Duleedka Muqdisho?”

  1. keerow says:

    WAXII XAARAN LAGU DHISO XAARAAN AYUU KU DUMAA, KKKKK KKKKKK KKKKKK KKKKKK HOREYBA XOOLAHA LAGU DHISEY MA AHAYN XALAAL.

  2. somali jecel; says:

    taasi waxay ku tusineeysaa talada xumida dadka kunool.xamar oo garan waayey hooygoodii xamar iney nabadaystan ,oo sharaf ugu noolaadaan,laakiin waxay door-bideen sidee lagu sameeyaa,ayadoon
    laga fakarin,sideen nidaam iyo kala dambeyn algu helaa,hadana waxay bilaabi doonaan qurba joogat ha la laayo maxaa yeeley waxay aaminsan yihiin nidaaam iyo kala dambeyn.

  3. XALAAL QUUTE says:

    KEEROW WAA RUNTAA WIXII XAARAAN ASALKOODU AHAA SIDAASAA U DAMBAYSA
    CEELASHA BIYAHA LASHEEGAYO WAA MEEL HANTIDII QARANKA IYO HANTIDII UMMADDA
    OO LADH.ACAY AY MOORAYAANTU KUDHISATAY.
    SIDAAS AYANA WELIGEED AHHANAYSAA.

    XAAARAAN QUUUUU TAYAAL.

  4. To keerow sxb waad jirantahay ee ilaahey caafimaad weydiiso mida kale waxaad u ektahay dadka ka xun in somaalia ey horumar gaarto gaar ahaan Muqdisho waxaana lagaa dareemooyaa qabiil laakin aan kuu nasteexeeyo ee dadkaada dhinac ka raac yaadan lumine dhinac ka raac maanta somalia waxaas waa ka gudubtay ee isla ilow

  5. XAAJI says:

    WAA MEEL AAD UQURUXBADAN OO MUSTAQBAL LEH WAXAANA MAQLAY IN LABOBOQOL OO KUN OO DOLLAR LAGU LA YAHAY GURIGA LAMIGA SAARAN MARKA CABSIDA YARTAA EEY DHAMAATO DADKA WEEY KU SOOLABANAYAAN WAAYO XAMARTII HORE HADA QOL KIRAA LAGAMA HELO DADKII MESHAAN DHISAYNA WAA DAD XALAAL QUUDATAA QALIN WAXKUMA DHACAAN WAANA DADKA SOOMALI UGU FIRFIRCOON OO WAXNA DIIDIKARA WAXNA YEELIKARA

  6. zack-london says:

    Keerow iyo xalaal Quute:

    waa khaldan teen …..dadkaan waxey dhisteen maleh 22 sano la soo dhaafey waxaad arkeysaan waa hantidii laga dhacey shacabkii somaliyeed ………….

  7. zack-london says:

    waa khaldan tihiin …..dadkaan waxey dhisteen maleh 22 sano la soo dhaafey waxaad arkeysaan waa hantidii laga dhacey shacabkii somaliyeed

  8. prof piccolo says:

    waa hantidii shacbka somalida laga dhacey bay u wareejiyeen haddba somalida guryahood intey soo fiiqdeey jiingadaha ayey ka taageen meesha waa in lagubaa mooryanta waa in ladabrgooyaa

  9. muwaadin soomaaliyeed war kaagu waa sax khalad aan laga gudbin iyo colaad aanla ilaawin mahadho dadkeenu waxba kamaharaan taas ayaana dalkeenu udhumay qurun qoraalow bal iswaydii isku duubni seeloohelayaah hadaanaan kaharin waxii lasoo maray dalkeena hooyo see buu u dhismayaah hadiii aan wax la ilaawin

  10. qofka soo maaligaayow qormada hagaaji qormada hagaaji hadalka hagaaji soomaalinimada hagaaji wadaniyada hagaaji walal nimada hagaaji islaamnimada hagaaji hadii aysan dadku nku arag ilaahbaa ku arka waxiii aad ku hadasho waa wax adiga kuu yaal tolkaadufaaca

  11. Atoore23 says:

    KU.Keeroow iyo Muwaadin soomaaliyeed.

    Marka hore labadiinuba waad soo rayi dhiibateen.
    Tan labaad Keeroow waxbuu malo awaalay oo ma uu hubo dadkii daganaan jirey Ceelasha in ay kuligood haysteen Xoola Xaaraam ah.Taasina waa shaki ay qabaan soomaali badan.Wayna dhicikartaa in ay jiraan dad an ahayn xalaal quutayaal oo ku dhex nool dadka reer Ceelasha.

    M.Soomaaliyeed adiguna kama war qabtid dadkaasu meelaha ay ka keeneen maalka ay ganacsanayaan.Waana gaf weeyn in aad tiraahdo Keeroow waad jiran tahay.Maxaad ku ogaatay in uu jiran yahay?Ma waxaad diidaysaa dadka Xamar jooga qaar badan oo ka midu in ay Xaaraam Xalaashadeen?Haddii ad taas ka muraysid adigay ku jirtaa.Ayana waa qalad in la yiraahdo dadka Xamar jooga oo dhan baa Xaaraam quutayaal ah.Xisaabi aakhiray jirtaa.Halkas baana lagu kala bixidoonaa

  12. RAAMSADE says:

    TO KEEROW WAAD XANSANTAHAY QAYAALADA WAA CUDUR AAN DAWO LAHAY
    WAXAAD SHEEGTAY IN XARAAN LAGUDHISAY CEELASHA BIYA INDHAHAAGU
    MARKI WAAYEEN XAARAANTA LAGU DHISAY BOOSAASO IYO GAROOWE
    MALAHA XAARAAN MAAHAN LACAGTA BURCAD BADEEDA

  13. Gashan says:

    Muwadin kan sheganaayo maba adan fahmin keerow waa maxay qabiilka aad ku rixeysid keerow ma ceelasha ayaad wax ka leedahay ?

Leave a Reply