Dab Khasaaro Geystay Oo Ka Kacay Suuqa Magaalada Kismaayo
Kismaayo [ RBC Radio] Dab xooggan ayaa maanta barqadii waxa uu ka kacay suuq ku yaalo magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.
Sida ay sheegayaan dad ku suganaa Kismaayo dabka ayaa waxa uu ka kacay suuq ku yaalo xaafadda Faanoole ee magaalada Kismaayo gaar ahaan qeybta shidaalka.
Dabka suuqa qabsaday ayaa waxa uu baabi’iyay dhowr bakhaaro oo ku yaalay halkaas kuwaasoo oo cagta mariyay.
Dadka ku ganacsada suuqa eek u hanti beelay dabkaas ayaa u sheegay warbaahinta in dabka dhammaan wixii shidaal ee ku jiray bakhaarada uu baabi’yay isla markaana ay jiraan dhowr qof oo ku dhaawacmay dabka.
Maamulka Al-Shabaab ee Kismaayo ayaa soo gaaray halka uu dabka ka kacay kuwaas oo sameyey dadaal ay ku doonayaan in dabka ay ku damiyaan.
Laakin waxa la sheegay inta badan in dabka uu khasaaro geestay wixii shidaal ahaa ee meesha ka dhacay, isla markaana ilaa seddax qof ay ku dhaawacmeyn dabka kuwaasoo la geeyay isbitaalka Kismaayo, ma jiro wax dhimasho ah oo uu dabka geestay.
Dhinaca kale, dagaallo culus ayaa maanta markale dib uga dhacay deeganka Birta dheer oo 60-km u jira magaala xeebeedka Jubada Hoose ee Kismaayo, waxana halkaas ku dagaalamaya ciidamada huwanta iyo kuwa Al-Shabaab.
Ma jiro faah-faahin laga hayo dagaalka maanta ka dhacay deeganka Birta dheer ee gobalka Jubada Hoose.
Ciidamada isbaheestay ayaa waxa ay hadda ku durqayaan magaalada dekadda leh ee Kismaayo, halkaasoo ah meesha ugu weyn ee dhaqaalaha uu ka soo galo Al-Shabaab.
Magaalada Kismaayo ayaa lagu soo waramayaa in ay ka jirto kacsanaan xagga dareenka ah tan iyo markii ciidamada Kenya, kuwa dowladda iyo kuwa Raaskambooni ay ku soo durqeyn magaalada.
Magaalada Kismaayo gaar ahaan waxa marsada Kismaayo waxa duqeyn joogta ah ku haya diyaaraha dagalka dowladda Kenya, taasoo keentay in dhowrkii bilood ee la soo dhaafay is taajiyay dhaqdhaqaaqii ganacsiga dekada weyn ee gobalka Jubada Hoose.
RBC Radio












[...] Read more here: Faah-Faahin Dab Khasaaro Geestay Oo Ka Kacay Suuqa Kismaayo [...]
[...] View article: Dab Khasaaro Geystay Oo Ka Kacay Suuqa Magaalada Kismaayo [...]