Dadka Ku Dhintay Qaraxyadii Ismiidaaminta Caawa Ka Dhacay Muqdisho Oo Uu Ka Mid Yahay Xildhibaan Maxamed Xirsi Dhuunkaal


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Warar lagu kalsoon yahay oo ay inoo sheegeyn qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in dadka ku dhintay qaraxyadii ismiidaaminta ee caawa ka dhacay Muqdisho uu ka mid yahay marxuum  Maxamed Xirsi Dhuunkaal.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu ka mid yahay xildhibaanada cusub ee dhawaan baarlamaanka lagu soo daray.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in uu ku dhintay isbitaalka Shifo oo la geeyay qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaraxyada caawa ka dhacay goobta maqaaxida ee ku taala guriga hooyooyinka ee degmada Xamarweyne.

Tirade dadka ku dhintay ayaa la soo sheegayaa in ay sii korartay iyadoo ay soo baxayaan dad la la’yahay kaddib markii uu qaraxa ka dhacay goobta.

Marxuum Maxamed Xirsi Dhuunkaal ayaa horey waxa uu u ahaa macallin luuqada Carabiga ka dhiga iskuulka Bukhaari ee ku yaalay xaafada laba-dhagax ee degmada Warta nabadda ex Wardhiigley.

Sidoo kale waxa uu marxuumka Xoghaye uu u ahaa Maxamed Maxmauud Guuleed Gacma-dheere xiligii uu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale qaraxyada dadka ku dhintay waxa ka mid ah Dr Maxamad Cumar Nuur (Maxamad Yarow) oo ka mid ahaa aqoonyahanadii isbaddal doonka.

In ka badan 17-qof oo ay ku jiraan wariyaal ayaa ku dhintay tiro intaas ka badana waa ay ku dhawacmeyn sida ay lee yihiin ilaha caafimaadka.

Wariyaasha ku dhintay maqaaxida The Village oo ku dhow xarunta tiyaatarka wax aka mid ah  Liibaan Cali Nuur oo ahaa madaxii wararka ee Telefishinka dowladda, Cabdi Sataar Daahir Sabriye oo ahaa Madaxii Barnaamijyada SNTV I iyo Cabdi raxmaan Yaasiin oo ahaa Agaasimahii  Idaacadda FM-ka ee VOD Radio Xamar.

Cabdi Raxmaan ayaa horrey waxa ay xaaskiisi  ugu geeriyootay madfac ku soo dhacay Idaacadda uu madaxa ka ahaa labo sano iyo wax ka badan ka hor.

Dad aad u badan ayaa caawa buux dhaafiyay isbitaalada Shifo iyo Madiinka oo loo qaaday dadka ku dhaawacmay qaraxyada.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

6 Responses for “Dadka Ku Dhintay Qaraxyadii Ismiidaaminta Caawa Ka Dhacay Muqdisho Oo Uu Ka Mid Yahay Xildhibaan Maxamed Xirsi Dhuunkaal”

  1. [...] Read More: Dadka Ku Dhintay Qaraxyadii Ismiidaaminta Caawa Ka Dhacay Muqdisho Oo Uu Ka Mid Yahay Xildhibaan Max… [...]

  2. qeylo dhaan says:

    duulkaan xamar jooga illaahay ha ka paqeen oo xaqa ha raaceen wariyaasha intaas qarax ama si kale loo dilayo wax ay ku hadlaan ama soo qoraan xinka xun ah ha iska daayaan iyo dadka reer punland oo qalpi saleemka ah xumaanta iyo xaasidnimada ay u qapaan oo ayaga aan ku jirin.inta dhimatay oo xaqdaro loogu dilay xamar alle ha u naxariisto kuwa xaqdarada wax ku dilayna alle ha dhipaateeyo aakhiro iyo aduun aamiin

  3. Raygal says:

    Alow u naxariso

  4. Hiray says:

    Niman kaan talada wadanka haloodhiibo waayo niman kaan dowlada sheeganaya iyo African ka ay keenen madifaaci karaan shacabka somaliyeed marka waa,in ayaga loodayaa talada wadan ka intii shacabka somaliyeed dhamaan lahaayen
    Salama allah

  5. Asc wr wb illaho u naxriiso dad Ka kugeeriyooday caasumada Somaliya ee Muqdisho ingaa kadib xamr waxba kama xuma er dad gaalo ah oo diin been ah oo indhala baa iskugu yimid niman kaa waalana wax Dalka loo dhiibo mamudna ee hala iska dhiciyo Reer Muqdisho ilaa dadka ay wada Kacaan xalmaleh oo ay kasoo wada hor jeestaan oo ay iska saaraan si mideeysan hol aan dhamaan baa noo taahah illahow Sahal amuurah

  6. Ali soomali says:

    Ku; Hiray.– Ilahay caqliga kaa qaad oo qalbiga muufo ku noqoy, waddanki dhamaa ayaad tiri argagaxiso halugu wareejiyo, adiga iyo ayagaba isku caqli ayaad tihiin oo ayagaba sidaas ayey doonayaan inay waddanka ku qabsadaan mana laga yaabo, adigana haku riyoon haddaad ayaga u shaqeysid iyo haddii kale, waddanka waxaa u haraya soomalida oo ah dadka iska leh.

Leave a Reply