Dagaal Xoogan Oo Ka Dhacay Deegaanka Goobweyn Ee Gobalka Jubada Hoose
Muqdisho (RBC Radio) Wararka ka imaanaya gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in goor dhow uu dagaal ka dhacay deegaanka Goobweyn halkaasi oo ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo ciidamada iskaashanaya.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaan uu ka danbeeyay ka dib markii ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya ay weerar ku qaadeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo marayay deegaankaasi.
Dad kusugan magaalada kismaayo ayaa sheegaya in deegaanka Goobweyn uu Lix Kiilo oo mitir uu u jiro magaalada Kismaayo, wuxuuna kaga beeganyahay dhanka degmada Jamaame.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaan maadaama anaan goobjoogayaal laga heli Karin deegaanka uu dagaalka uu ka dhacay oo ah meegaan Miya ah.
Ciidamada Al-shabaab ee wadada loo galay ayaa la sheegay inay kusii wajahnaayeen deegaanada loo yaqaano Gosho waxaana la sheegay in ciidamada dagaalka wadada ku qabsaday ay ahaayeen kuwii xalay iskaga baxay kismaayo.
Xaalada magaalada Kismaayo ayaa ah mid wali kacsan waxaana wali magaalada ay tahay mid maamul la’aan ah oo aysan jirin cid gacanta ku haysa maadaama Al-Shabaab ay ka baxeen ciidamada iskaashanayana aysan wali soogalin.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] More: Dagaal Xoogan Oo Ka Dhacay Deegaanka Goobweyn Ee Gobalka Jubada Hoose [...]
RAXANREEB ILMA ADEERAYAAL. NIN WALBA MAGICIISA UBIXIYA, CIIDAMADA DABA DHILIFKA WAXAD DHAHDEEN CIIDAMADA DAWLADA, KUWA GAALADA WAXAAD DHAHDEEN KUWA AMISOM KENYA, KUWA MUJAHIDIITA WAXAAD DHAHDAAN MALEESHIYAAD, MAADAAMA AATIHIIN IDACAD MADAX BANAAN QOLO WALBA MAGACA AY ISKU BIXISAY UGU YEERA, OOSAN AHAYN WARKIINA CADEYSTA, BLACK LISTIGA HALA IDINKU DAREE,
Waa ciidan dowlad iyo ciidanka Amisom ee jooji calaacalka waxaad tahey Mujaahid kkkk ha cararin Iska dhici raga kkkk fuley qurun been badan oo waraabe cunka ah kkk. Dulinimo ayaa icon danbeesa kkk .
ahahahahahhahaha Liibaan sxb waxaa aqrineeyso meesha kuma yaalan sxb xiligaaga waa dhamaaday ! Al shabaab iyo gumeeysigeeda waa dhamaaday! Isqarxi sxb!!!!!! Waxkale aad sameey kartid malahan by next year Al shabaab waa laga sifeeynaa soomaaliyo! Noloshaa lagu qabqabanaa
@ Liibaan, waxaad tahay kuwa afka ka taageera argagixisada alshabaab, runtii idaacadaha Somaliyeed anig waxaan rabi lahaa in eey magaca argagixiso ugu yeeraan alshabaab,sababtoo ah waa nijaaso u shaqeeyo ayaga oo aan is ogeeyn cadowga Somaliyeed. Bal arka, sida eey Somali waqtiga uga dhameeyeen ayadoo la leeyahay “war walaalyaalow” dowlada qeeyb ka noqda oo dadka shidada ka daaya. Wariyayaasha xataa waa eey laayaan, ayagoo ka xun xoriyada eey dadka wariyayaasha Somaliyeed wax ku qoraan iyadoo daruufo adag heeystato. Waxaanba jeclaan lahaa, naftu marbeey baxdaa ee, in wariyaasha eey si aan cabsi laheeyn dadka ugu sheegaan nimankan nijaasata ah waxa eey yihiin. Ayagoo intii tabartooda ah is ilaalinaya, maadaama dadka Somaliyeed hubeeysan yihiin wax sharci ahna eeysan hada jirin oo hubka dadka u diidaya. Mida kale, Liibaan, saaxiib maad isqarxisid amaba aad dagaalantaa sidii raga si aad janada beenta ah aad u heshaan. Bunch of cowards. Ilaaahaa mahad leh oo u soo diray nima africaan ah in eey ka shaqeeystaan la dagaalanka argagixisada alshabaab, oo shaqo u abuuray wadamo africaan ah.