Dagaalka Kismaayo Iyo Waxa La Fili Karo Maalmaha Soo Socda (Warbixin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Kismaayo (RBC) Iyadoo saraakiisha iyo hogaankii ururka Al-Shabaab ay baneeyeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa haddana dhanka kale waxaa illaa galabta degan xaalada gobihii dagaaladu ka dheceen ee duleedyada magaalada.

Wararka ugu dambeeya ee naga soo gaaraya Kismaayo ayaa sheegaya in weli magaalada aysan jirin cid si rasmi ah gacanta ugu heysa, waxaana guud ahaan magaalada baneeyay ciidamada iyo saraakiisha Al-Shabaab oo hubkooda u qaatay deegaano kala duwan.  Sidoo kale saraakiisha sare ee Al-Shabaab iyo xaasaskooda ay ka qaxay magaalada iyadoo dadka rayidka ahna ay u qeybsameen qaar cabsi darteed u barakacaya iyo qaar iskaga haray magaalada dhexdeeda.

Ciidamada Kenya oo ay wehlinayaan kuwa Raskambooni iyo kuwa taabacdan Dawlada Soomaaliya ayaan weli soo dhaafin deegaanada Janaay Cabdalle iyo Biibi, iyadoo sida muuqata aysan jirin ika caabin weyn oo hortaagan hase yeeshee taxadar ka qaba miinooyin fara badan oo la sheegay in dhulka lagu aasay.

Kismaayo iyo maalmaha xiga

Sida dad badan ay saadalinayaan magaalada Kismaayo ayaa hadda waxaa soo wajahay isbedel weyn kadib markii ay ka bexeen ururka Al-Shabaab oo ka talinayey mudo ka badan saddex sano oo xiriir ah.

Dadka tirada yar ee magaalada ku haray oo qaarkood Raxanreeb la hadashay kana gaabsaday magacooda amaanka dartiis ayaa sheegay in magaalada illaa shalay wax maamul ah uusan ka jirin, isla markaana magaalada gudaheeda ay ka bilawdeen kooxo tuugo ah oo dadka ka baadaya waxa ay heystaan.  Sidoo kale qaar ka mid ah dadkii ay waxyeelada u geysteen Al-Shabaab oo careysan ayaa bilaabay inay raadiyaan haraadiga kooxda ama qaraabadooda si ay uga aargoostaan arintaasoo khatarteeda leh.

Waxay dadku sheegayaan inay aad uga cabsi qabaan ciidamada huwanta (Kenyaanka, Raskambooni iyo maleeshiyaadka qabiilada ee wada socda) inay dhibaateeyaan dadka magaalada jooga, isla markaana isbarbar yaaca kooxahan ay abuuri doonaan amaan darri baahsan oo hareysa magaalada Kismaayo, taasoo haddii ay dhacdana hawlgalka Kenya iyo kan dawlada fadeexad ku ah.

Al-Shabab iyo wajiga labaad ee dagaalka

Meelaha ugu muhimsan ee Al-Shabaab ay hadda u guureen ayaa waxaa ugu horeeya deegaanka Alan Libaax oo 1iyaastii 60km waqooyi ka xiga Kismaayo. Sidoo kale degmada Jamaame iyo baadiyaha gobolka ee ku teedsan Kudhaa illaa Badd Madow ayaa la qiyaasayaa inay saraakiisha hogaanka u ah Al-Shabaab iyo hubkooda ay degi karaan, dhulkaasoo ah dhul hawd ah oo leh dhir, ugaar iyo biyo oo ay mudo ku noolaan karaan.

Waxaa la qiyaasayaa in dhulkan uu Al-Shabaab u saamixi karo inay diyaariyaan weeraro kudhufoo ka dhaqaaq ah oo ay soo abaabulaan kuna qaadaan deegaanada ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya iyo kuwa dawlada.  Waxaa kaloo jirta in dhulka u dhexeeya Dhoobley illaa Afmadow weli ay Al-Shabaab ku leeyihiin dhaqdhaqaaq xoog leh inkastoo bilooyin ka hor dhulkaasi ay qabsadeen ciidamada Kenya.

Dadka ka hadla arimaha jabhadaha ayaa sheegaya inay adkaan doontoin Al-Shabaab xoog ahaan looga adkaado mar haddii ay galaan wajiga lsbaad ee dagaalkooda oo ah “nooca jabhadeynta” kaasoo aan lahayn awood muuqata oo toos loo weeraro, sidaasi darteedna waxaa dagaalka noocan ahi uu leeyahay khasaare aan dhamaanin, sida ka socota wadamada Afghanistan, Ciraaq iyo Pakistan oo ka mid ah meelaha ururka Al-Qaacida ka hawlgalo.

Saraakiisha Al.-Shabaab ayaa laf ahaantooda qiray in dagaalkiii Jubbooyinka uu hadda galay waji labaad, iyagoo ku micneeyay “nooca dhiigbaxa” isla markaana ay diyaar u yihiin noocan dagaalka ah.

Dhanka kale maleeshiyaad uu wato Col Barre Hiiraale oo ka soo dhaqaaqay magaalada Garbahaarey ayaa soo gaaray deegaanka Faafax Dhuun waxaana la soo sheegayaa inay ku wajahan yihiin magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose taasoo qeyb ka ah loolanka maleeshiyaadka iyo beeluhu ugu jiraan awooda maamulka Kismaayo.

Si kastaba waxaa laga wardhowrayaa sida ay noqoto xaalada tan xigta ee Kismaayo iyo sida dhinacyada kala duwan ugu diyaarsan yihiin.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

16 Responses for “Dagaalka Kismaayo Iyo Waxa La Fili Karo Maalmaha Soo Socda (Warbixin)”

  1. hersi says:

    Macna malaha waa meeshii lagu xabaalilahaa ee soo galbiya odayga

  2. Kismayo33 says:

    Waxyaabaha dhici kara waxaa ugu muhiimsan marka Kismaayo la qabto;

    1- In Raskambooni oo u soo dagaalay Jubbooyinka kana soo jeeda beesha ugu tun wayn Jubbaland maamulka qabtaan markii ay baandow ku soo rogaan.

    2- In dadkii xoogga ku haystay Kismaayo oo maalmihii u dambeeyey sheegay alqaacida noqday inay abuuraan dagaal beeleed. Natiijadeeda waxaa weeye in in dagaal faraha looga guban doono dhici doono oo guusha ay raaci doonto Raaskambooni

    Labadaasi wax ka dhaxaya aniga iima muuqato

  3. Khadra ahmed says:

    Kenya kuma faa’iidi doonto duulaankeeda jab iyo khasaara udambeeya.

  4. Ina Cabdi says:

    Kaambooni xoog iyo xeelad uu kismaayo ku hanto malahan, marka waxay noqon labo midkood:

    1- In ciidamada kenya ay magaalada iska haystaan oo degaan sida xabashidu Doolow u degtay 20-kii sano ee lasoo dhaafay

    2- in ay dadka ku amar ku taagleeyaan dhowrka beri ee keenyaanku la joogo, hadhow markii keenyaanku baxaanna iyagana magaalada laga cayriyo, oo ay magaalada la wareegaan awalba maamuli jiray.

  5. kista says:

    Kismayo33 @ sxb munafaqada iska daa oo dadkaas waa dad wada dhashay ayagana wada maamulan dona meesha adiguse puntlandtada cayntaynka ah sheego oo magaca kismayo yaan lagaa maqal boowe kk

  6. cadaani says:

    kismaayo 33 waxbaadan ogayne kenya cidna mawadatee waxay usocoto iyadaaba sheegtoo waa patrolka kujira badda kismaayo adigana wax liitaa kuu muuqdoo ookiyaale feeg ah ayaa kuugu jiree sifiican wax u eeeg axmed madoobana waxba madhaamo dabaqoodhiga dadkiisa iyo dadkiisa saxariiriyay waxaadna ogaataa inaysan kenya damaceeda gumaysi u hirgalidoonin waxaana diidan soomaali oo ay hogaanka u hayso dawlada cusub

  7. Runsheeg says:

    Meesha waxa kasocda waa iska cadahay. Beelaha baa xukunka kismaayo kuloo lamaya. Lakin waxaan sugeynaa sida DF iyo Amisom arintan umaareeyaan.

  8. KISMAAYO & KISTAA says:

    Kismaayo waxaa WADA DEGA BEELO BADAN, qaar wada dhashay iyo kuwa Soomaali wada ah,

    Hadii eey HAL BEEL SHEEGATO, kafilo KISMAAYO ineey Noqoto NEW MUQDISHO ama NEW BAQDAD!

    Sababtoo ah Qabiilada Soomaalida ee dega wadanka Soomaalia weey kasoo daalaan dagaal, oo uma dulqaadanayaan qabiil sad buursi iyo xaqdaro wata, shaarkeey doonanba ha huwadaane!

    Marka kooxaha Asalkooda dega NFD & Soomaali Galbeed oo halganka ugu jidha sideey Al-shabaab oga saari lahaayeen Dalka Soomaalia waa wax fiican, laakiinse waxaa leeyahay Kismaayo yeeysan noqon tii ceebtiina soo saarta, oo qabiilada Soomaali ee waligood wada degi jiray Kismaayo idinku kicisa.

    Ciidan Beeleedka Raas Kambooni, kowda horre saa rabtiin ka yeela tuulada Afmadow iyo tuulooyinka aad adinku KALIGIIN degtiin, laakiinse aad oga fiirsada meel ummada oo dhan wada degantahay SIDA KISMAAYO, oo maalkoodi wada yaal, oo qarniyaal ku beernaa inaad isku daydaan rabshadooda ama sadbuursi!!!

    Kismaayo dad dif ah ayaa fahmaya taariikhdeeda iyo inta beel ee wada degan, iyo intii usoo halgantay waagii eey USC soo weerartay, iyo kuwii geeska iska fadhiyay ee waxba tarin shacabkii Kismaayo oo hadana kasii daray oo USC daba raqleeyay sida Cumar Jees.

    Intaas iyo Nabad Galyo!

    VIVA KISMAAYO,
    VIVA Inta XALAASHA ka shaqeysa!

  9. Idris Malaaq says:

    Barre Hiiraale iyo Axmed madoobe waa inay isku dhacaan. Hiiraale wuxuu hub ka heley Itoobiya, Axmed Madoobe waxaa soo hubeeyey Kenya. Dhiig kale ayaa daadanaaya.

    Hiiraale Kismaayo waxba kuuma yaallaane Garbahaarrey Allah ha kuu barakeeyo
    Kismaayo rag baa u soo shahiidey. Intey dawladda Federaalka ah u soo talineyso, Raaskaambooniyiinta Axmed Madoobe ha maamulaano.

  10. Cadaado says:

    Salaan, waa ayaan daro in dadka Somaliyeed eey wali ku jiraan dad faan iyo cunsurinimo salka ka heeyso jaahilnimo in eey wali jiraan (waa dadka dhahaayaa reer fulaan, iyo koox fulaan ayaa Kismaayo leh oo looga dambeeynayaa) Laakiin waxaan rabaa in aan idinla wadaago aniga wax aan ujeedo, taasoo ah in dadka Somaliyeed eey leeyihiin sadex cadow, waxyaabo kale waa jiraan laakiin sadexdaan ayaan idiin sheegaa.
    1. Cadowga koowaad ee Somali leedahay waa alshabaab. Oo markii eey umada dagaal macno dara ah inta kudhameeyeen, oo eey jid iyo jiho diid noqdeen, ayeey hada iyo kahorba qabiilada Somaliyeed qaarna soo dhaweeysteen qaarna la dagaaltameen, oo dadka isku gooyeen. Waa calaamadaha eey isticmaalaan gumeeystaha “divide and rule”
    2. Cadowga labaad waa wadamada dariska oo markaan eey Kenya ugu cadcadahay, maadaamaa eey Ethopia howshaan muda soo waday.
    Labadan cadow ee kow iyo labo, waa wadamada dariska ah iyo argagixisada alshabaab waxaa ka dhaxeeya heshiis aan “official” aheeyn, laakiin marka aad u fiirsato waxaa ka dhaxeeya heshiis ah in eeysan Somali dowlad iyo sharaf midna eeysan helin.
    3. Cadowga Sadexaad, oo waliba ka qatar badan Labadaan cadow ee hore waa dadka Somaliyeed qaarkood sida kuwa halkaan ka dhahayo reer hebel anagoo ah ayaa magaalo hebel amaba gobol hebel iska leh, anagaana dadka ugu sareeyneeyno. Labada cadow ee hore ma shaqeeynayaan hadii eeysan dadka Somalida dhexdooda kala qeeybsaneeyn.
    Sadexdaan cadow waxaa looga adkaan karaa simple, waa in eey dadka Somaliyeed ku midowbaan danta ka dhaxeeysa ee qaranka Somaliyeed, dowlada hada jirta inta la taageero qof kasta ka shaqeeyo wanaaga iyo in aan waqtiga iskaga lumin faan cidlo ah anagoo ah dadka maantay aduunka ugu liito, oo Somaliya loo yaqaano calaamadha gaajada, qaxootinimada is dil macno dara ah, waliba isku heeysto in eey dadka ugu fiican yihiin anakoo ah sida “boqorka qaawan ee dharka xirneeyn”

  11. asc waxaan ujawaabayaa XIRSI sxb waad qal dan tahay raas kan booniga aad sheegay so soo tii guda ha keenya lagu baacsan jiray mida kale mar kaad leedahay iyagaa utun wayn aaway mawax aan raali ka ahayn baa kismaanyo kaso con kara sxb dhulku dadka waa kabadan yahay waana deeqaa hadii wanaag lawaayayana nin wal bo sida xabada loorido waa yaqaanaa ee waa nin kay wax ugoyso awoodiisa haduu soorogmado ruux ma caabudo e ilma raaga coonoow bilaad rarate awrtiina saaxiib waxaan sug naa waa kismaanyo qabashadeeda iyo wixii kasoo baxo wabilaahi tawfiiq

  12. Kismayo33 says:

    Kismaayo iyo Kistaa

    Adeer taariikhda ha marin habaabin.

    Afarta Xaafadood ee Kismaayo waa Faanoole, Farjanno, Calanleey, iyo Shaqaalaha cidda u badan Somalida waa taqaanna.,

    NFD iyo Ogadeeniya cidda ka soo jeedda kulaha. Wallaahi miskiin.,

    Waar miyaadan ogayn in labada gobol Somali oo dhan ka soo jeedaan haba loo kala batee.

    Ka yidhi, ciddii talin jirtay ayaa talin. Adeer ciddii talin jiray imminka waa kuwaa xoreeyey dalkooda.

    Haddii ay sheekadu tahay adigana dhimo aniga dheefta ayaa dhuuqayaa waa sheekadii wanaka macasha ii qabo anigana aan muudsado

    Kismaayo waa magaalo Somaaliyeed.

    Ama ha noqodaan magaalooyinka Soomaaliyeed oo dhan magaalo Somalida u siman tahay

    Ama Kismaayo Kistaa waxaa iska leh dadka u soo dagaalay. Wixii la degana ha aqbaleen xaqiiqdaasi.;.

    Ammaa Kenya iyo gumeysigeeda waxaan shaki ku jidhin in dad damiir leh uusan dalka joogin

    Marka sheekadu waa ha wareega caddaysato

  13. liibaan says:

    RAXANREEBEY BEENTA KAMA XISHOOTAAN MIYAA KISMAYO WAXA MAAMULO CIDDII MAAMULI JIRTAY MARNE FOODA MANOQON, DAGAALKANE WUUSOCDAA ILLAA AY KENYA SOO DHAAFI WAAYEEN BIIBI. AFAR MAALIN OO XIRIIR AH AYUU DAGAALKA SOCDAY DIYAARADO IYO BAABUURNE LAGA GUBAY, SHALAY WEY HAKADEEN CIIDAMADII UGU XOOGA BADNAA WEY HORFADHIYAAN. SAAKANE DIB AYAA LOO FURAY IDAACADII AL ANDULUS. SARAAKIIL IYO CIIDAN MAGAALADA WAA LABUUXAA. AMAA MAXASTA WEY KABAXEEN. MIDA KALE WAXAA LAGU HAYAA KENYA KISMAYO WEY QABSANEYSAA MARNE MALISWEYDIIYAY MAXAA KA HOREEYO OO AY UQABSANEYSAA? MAXAA WADANKEDII KASOO WADAY? DAD BAA HADHAW WEXEY KU ORANAYAAN KENYAA KISMAAYO KAXOREYSAY AL SHABAAB CAJIIB. WIILASHII KISMAYO KUDHASHAY MIYAA KENYA KAXOREYSAY DHULKOODII, AALLAHUMUSTACAAN,

  14. Dalmar says:

    Barre huuraale godkiisa ka qodan kismayo wana uu ku dhimanayaal

  15. KISMAAYO & KISTAA says:

    Kismaayo 33, mayee ha boodboodo, anaguu xaafado inoo xisaabin! Maskiin kulahaa?????……..kkkkk ma caano boore ayaad mooday inaan cabno???

  16. asc asaxaabta wa idin salaamay marka hore waxan salaamaya sheey damiinta al-shabab marka 2 lamaad waxan salaamaya ciidamada qalabka sida waxan leyahay ha cirib tiraan dadka ah doowlad diidka marka 3 waxan leyahay al-shabab ha iska dhafan beenta aya dadka muslim ka ah usheegayan marka 4 waxan leyahay dadka la jira o ah a jaanibta la dagaalanta ha sheegan doow ladana waxabn ka cod sanayaaa in ay hadii ay qab taan qof geesta dil ama dhabac ah una gees ta qof ah ciidamada qalabka si ok marka 5 waxan lqofkasd geestay dilka qor sheey san hadii laqabto waxa ow mudan yahay dil ah toogasho mar 6 waxan leyahay doowlada ha ix tiraaman ciidamada hana u qiimesnadan mar wad arag tee ciidamadan jooga dalkeeyna hadii ow qof ka dhawac ma ama laga dila si ow ugu qimeey san yahay lama maleen karo wlh marka waxan leyahay dadka la gu dilaayo muqdisho waxa ka dam beeya sheedamiinta wa ween waxan ka la aan leyahay ha la dilo wiilka yar xitaa ow geesta dilka ama xarig dheer halo diro marka waxan kala aan le nahay ciidamada jooga dalkeeyna hadi ay dilaan qof shacab aha ama qof ah ciidan hulugu la xisaab tamo wayo qofkan la dilaayo ced ayow ka so soofay marka xaqa oow ku leyahay hala siiyo marka mar walbo daka waxa la gu dilaa shar ci daro marka waxan leyahay ciidamada iikana hadhafan dad ka ay risaas tu aya iska ga furayaaan marka habna u qiimes naado shacab kooda marka waxan ka la an leenahay doowlada soomaali yed o taagan tay hada waxan ka cod saneey na inay si xaq ah wax u qawato ana isma xukuno e wanala xukuma lkn ido nala xukumaayo aya wax qab san karnaa soomaaliyey marka waxan kala an lenahay hadi anahay umada soomaaliyed o joogta dalka giriiga inay no dadaasho doow la deeyna ok hadi qokii geesto dilka asna la dilo wlh in ey yaran doonto dilka lo grrrysanaayo suxufiyinta ama ciidamada soomaaliyed marka sas ayanu lenahay dadkeeyna waxa ay ku jiraan xabsiyada caalamka wayo waxa liis kaaga xedhaya sharci daro marka wa in fikirnaa hadanu nahay soomaali ok wa idin salaamayaaaaaaaa dhaman tiin qofkii lugu dilo muqdisho waxanu lenahay allahu naxariisto qofkii dilay ayow sugayaaaaa marka asxaabey wano markale iyo nabad byyyyyyyyyy allaha no bara keeyo doow la deeyna

Leave a Reply