Dagaalladii Sokeeye & Nabadeynta Ummadda Soomaaliyeed. Qeybtii 2aad. W/Q Dr Cabdullaahi Karaani


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

DAGAALLADII SOKEEYE IYO NABADEYNTA UMMADDA SOOMAALIYEED.  Qeybtii labaad
Dr Cabdullaahi Karaani
karani38@aol.com
Sabteembar 9 2012

 

QEYBTII 1AAD HALKAAN KA AKHRISO

Dr Cabdullaahi Axmad Karaani

Banii’aadanka iyo nooluhu guud ahaan,waxay u baahan yihiin  iney ku noolaadaan meel nabad ah, iyadoo meesha aan nabdooneyn oo colaadi ka jirto nooluhu ka cararo. Sidoo kale, marka dagaallo dhacaan oo nabaddu laalanto,  barwaaqada Ilaah na siiyey, iyo roobabka da’aya, iyo  xoolaha dararayaba caanahooda  lama calfado, taasoo ay  sabab u tahay dhiigga daadanaya iyo colaadda aan Ilaah raalli ka ahayn . Matalan,  sida la wada og yahay haddaba, duurjoogtii soomaaliyeed oo dhammi waxay u carartay dalalka dariska inoo ah, halkaasoo ay ka heleen nabad  iyo nolol aan toogasho iyo ugaarsi lahayn. Hooyooyinka soomaaliyeed qaarkood,  waxay caruurtooda ku soo ababiyaan in dagaalku yahay wax fiican , iyadoo inta badan aad arkeyso hooyo leh, markii ilmaheedii la cayaaarey mid kaloo ay isku da’ ahaayeen uu ku soo ooyo: War qaado dhagaxaan oo ku soo tuur,  wiilka ku soo diley, meeshey si kale ilmahaa yar wax  ugu sheegi lahayd!! Kadibna halkaa ayaa waxaa ka bilowda dagaalkii labada qoys oo deriska ahaa, waxayna u badan tahay inaan dab dambe leyska qaadan!! Nabadda in la jeclaadaa, waxay ka mid tahay waxyaabaha  ay tahay In caruurta lagu soo ababiyo , waxay ka mid tahay oo kale, sida edebta loo baro caruurta iyo la dhaqanka dadka waaweyn.

Diinteennu waxay na bareysaa, inaan isku salaanno oraahda ah : Assalaamu caleykum; oo micnaheedu yahay “ Nabadi korkiinna ha ahaato”, halkaa waxaad ka fahmeysaa sida nabaddu, Diinteenna Islaanka ay ugu tahay wax qaali ah oo inoo fiican dhammaan, colaadda iyo fitnaduna iney yihiin waxyaabo ka xaaraan ah ummadaha muslinka sideennoo kale.

Walaalayaal, sidaad la socotaan dagaallo waaweyn ayaa ka dhacay Adduunweynaha qarniyadii la soo dhaafay iyo qarnigaanba, dagaalladaas wax badan baa ku burburay , malaayin qofna waa ku hoobteen, haddana  wax Kastoo dhacay, intii soo hartay oo miyirku ku haray ayaa dalalkooda  u istaagey oo xalliyey mashaakiilkii sababay  colaadahaas  waaweyn. Ruwaanda, waad la socotaan maanta meesha ay mareyso, iyo sida madaxdeedii ugu istaagteen deminta dhibaatooyinkii horay u dhacay. Maanta Ruwaanda, waa Dalka keli ah oo Afrika lagu sheego iney  ku guuleysteen iney musuqmaasuqa Afrika cammimay, ka tirtiraan maamulka Dawladdooda iyo  Dalkoodaba,kadib markey nabadeeyeen Dalkoodii iyo dadkoodi sida xun isu laayey.

Ugu horraan, aan iskadeyno qabyaaladda iyo xumaanteeda, aan bilowno  qaddarinta kuwa  aqoonta leh  oo inoo dhisi kara dalkeenna , kuwa aan  waxbaranna aan wax barno, aan musuqmaasuqa dalkeenna ka tirtirno oo nolol xalaal ah u horseedno ummaddeenna. Isla markaana xoojinno Diinteenna iyo dhaqankeenna soo jireenka ah. 

          WAA MAXAY FARQIGA U DHEXEEYA  NABADDA IYO  COLAADDA?

1-      Nabadda waxbaa lagu dhisaa.

2-      Nabadda horumar baa lagu gaaraa.

3-      Xilliga nabadda waxaa kobca dhaqaalaha, dalkuna waa barwaaqo.

4-      Waqtiga nabadda caruurteennu waxbarasho ayey u dareereysaa.

5-      Waqtiga nabadda , dadku waa is-jecelyahay.

6-      Xilliga nabadda, dalku waa xasilloon yahay,dadkuna miyir ay ku fakaraan bey qabaan.

7-      Xilliga nabadda, dadku waa mideysan yahay.

8-      Xilliga nabadda, Adduunka kale waa ku qaddarinayaa ,asxaab badanna waad ku leedahay.

9-      Diinteennu waxay na fareysaa, nabad inaaan ku wada noolaanno.

10-   Xilliga  nabadda, dadku waxay ku noolyihiin farxad iyo baqdin la’aan.

11-   Iyo waxyaabo kaloo badan oo aanan xusin.

Intaan kor ku soo qoray  caksigeeda ayaa colaadda laga dheefaa.

Marka, Soomaaliyeey, ma Jidka toosan oo Nabadda ayaan doorannaa, mise jidka qalloocan oo colaadda ayaan raacnaa?
Ma waxaan  u istaagnaa  inaan horumar gaarno, mise qabyaalad iyo horumar la’aan ayaan tibaahnaa?

Qeybtii hore ee maqaalkii “ Dagaalladii sokeeye iyo Nabadeynta ummaddeenna” waxaan ku xusay in loo baahan yahay, in Dadweynaha soomaaliyeed is- cafiyaan, iyadoo guud ahaan Dalka laga abaabulayo, shirar badan iyo wacyigelin joogto ah, si loo soo celiyo nabaddii iyo is-aamminkii dadka u dhexeeyey dagaalladii sokeeye wixii ka horreeyey, iyo inaan Dalkeenna dib ugu soo dhisno, annagoo iskumeel  ka miiseyna.  Madaxda soomaaliyeed iyo qofkastoo wax garad ahba waxa laga doonayaa inuu isu xilqaamo arrintaas. Waxaan tilmaamay qeybo  muhim ah, sida  Dawladda Iyo Hey’adaheeda kala duwan, Baarlamaanka cusub,Isimmaa,Nabadoonnada iyo Culimmada soomaaliyeed,Haweenka iyo Ururradooda, dhallinta iyo Xarumaha wax barashada guud ahaan , qurbajoogta iyo fannaaniinta soomaaliyeed iyo qeybo kaloo faro badan. Giddi waxaan ku boorrinayey iney isu-taagaan nabadeynta iyo Dib-u-heshiisiinta dadkooda iyo Dalkoodaba. Waxaan kaloo xusay inaan arrimaha Nabadeynta qof looga maarmi karaa uusan jirin, maadaama dhammaan arrintu ina wada khuseyso oo ay dan inoo wada tahay.

Quraankeenna kariimka ah , aayadda labaad ee suuradda ALMAA’IDA, waxay na fareysaa sidatan:“Iska kaashada  wixii san iyo  cabsida Alleba, hana isugu kaalmeynina denbiga iyo colaadda, kana baqa Ilaaha ciqaabtiisu daran tahay”.

Walaalayaal, waxaan nahay dadka ugu nasiib badan Adduunka maanta la joogo, sababtoo ah Ilaaheen wuxuu na siiyey  Dal naga badan, barwaqo ah, oo kheyraad badani dhex jiifo. Waa inaan ku shukrinaa ALLAHA dhulkaas nagu manneystay.

Waxaannu u baahannahay oo keliya, madax wanaagsan oo ilaah  ka cabsaneysa, naguna hoggaamisa tubta toosan oo Alle raalli inooka yahay. Aayada 11,  ee suradda ALRACAD, waxay iyaduna leedahay  ” Ilaah qoon ma dooriyo (qayiro) illaa ay iyagu is-dooriyaan (qayiraan)”

Waxaa soo diyaariyey qoraalkan :

       Dr. A. Karaani

=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags: , ,

2 Responses for “Dagaalladii Sokeeye & Nabadeynta Ummadda Soomaaliyeed. Qeybtii 2aad. W/Q Dr Cabdullaahi Karaani”

  1. [...] iyo colaadda, kana baqa Ilaaha ciqaabtiisu daran tahay”. Walaalayaal, waxaan … Read more on Raxanreeb Online This entry was posted in Alleba and tagged &amp, …, 2aad., Dagaalladii, Nabadeynta, [...]

  2. [...] iyo colaadda, kana baqa Ilaaha ciqaabtiisu daran tahay”. Walaalayaal, waxaan … Read more on Raxanreeb Online This entry was posted in Alleba and tagged &amp, …, 2aad., Dagaalladii, Nabadeynta, [...]

Leave a Reply