Danjire Ameeriko: Sam Ongeri Berri Ayuu Ka Hadlayaa Warka Uu Qoray The Nation


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi [RBC Radio] Kaddib markii uu maanta oo Isniin ah qoray wargeyska The Nation ee ka soo baxa dalka Kenya war ku saabsan wasiirka arrimaha dibedda Kenya Sam Ongeri oo ku eedeeyay qarixii dhawaan ka dhacay Hotel Jaziira in uu ka dambeeyay madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa arrintaas caawa ka hadlay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairbi.

Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo caawa la hadlaayay Idaadda Radio Muqdisho ayaa sheegay in markii uu warkaas oo baxay maanta ay isla markiiba xiriir la sameeyeen dowladda Kenya gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, wuxuuna sheegay in wasiirka berri oo tallaado ah uu shir jaraa’id ku qaban doono Nairobi, isagaoona ka halaya warka cusub ee uu sheegay in uu yahay sax iyo in kale.

Danjiraha ayaa sheegay haddii warkaas uu sax noqdo uu xumayn karo xiriirka labada dal  taasoo mugdi galin karta nabadda Soomaaliya.

“ Annaga waan u sheegnay sida aan uga xunahay warkaas waayo warka TV- ama Idaacad kama sheegin wasiirka laakin waxa lagu qoray wargeys haddii uu sax yahay hadii kale maalinta baro 8-da subaxnimo ayuu wasiirka shir jaraa’id ku qaban doonaa,” ayuu yiri Ameeriko.

Hadalka wasiirka ayaa haddii u sax noqdo waxa uu dhaawaci karaa xiriirka labada dal ee dariska ah.

Kenya waxa ay ka mid tahay howgalka AMISOM ee Soomaaliya, isla markaana dhowr kun oo ciidan ayaa hadda ka jooga gobalada Jubooyinka, halkaasoo ay is hor fadhiyaan Al-Shabaab.

Ilaa hadda ma cadda wax yaabaha keenay warkan in uu sheego wasiirka arrimaha dibedda Kenya Sam Onger, laakin Kenya waxa la sheegay in laga burburiyay heshiis xagga badda oo ay la  gashay madaxdii hore, taasoo saameyn ku yeelatay shidaalkiii ay ka soo saaran lahayd dhulka Soomaaliya.

RBC Radio
Xafiiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

14 Responses for “Danjire Ameeriko: Sam Ongeri Berri Ayuu Ka Hadlayaa Warka Uu Qoray The Nation”

  1. [...] Link: Danjire Ameeriko: Sam Ongeri Barri Ayuu Ka Hadlayaa Warka Uu Qoray The Nation [...]

  2. FARATELO says:

    ASC, Hadalkiisa marabno asaga iyo qashinka uu wataba oo raba in aay Somaliya Hantideedii dhacaan dadka raba ineey soo hogaamiyaan waa dadkii cadowga iyo gumaysiga jeclaa ee jabiyey ciidankii Sayidka iyo ragii gobonimo doonka ahaa, midda kale waxeey sheegtaan boqoro inaay ahaayeen haysteena gobolda Bari laakiin waxeey boqoro u ahaayeen gumaysiga aan xaarka iyo kaadida iska dhaqin waana calooshood u shaqeystayaal ilaa maantana waxeey wadaan cadoow iyo lug ku walaaqid arimaha diinta iyo hurumarka shacabka Somaliyeed waa in meel looga soo wada jestaa sida Yuhuuda aragtina lagu toogto sinjigii Muslimka ayeey ceebeyeen reer Faroole sc.

  3. Puntland boy says:

    Soomaaliyeey waa in lagu daba feylaa madaxweynaha cusub la ixtiraamaana kii hore si aan u gaarno Dowlad federal ah oo buuxda , Kenya waa in ciidankooda laga saraa wadanka sida u dhaqso badan, Wasiirka arimaha dibada Kenya shut up Soomaalida maanta maahan tii 20 sano kahor waa ognahay waxaa kawadid, we respect & love both our president , Viva Puntland & Soomaalia

  4. [...] See more here: Danjire Ameeriko: Sam Ongeri Berri Ayuu Ka Hadlayaa Warka Uu Qoray The Nation [...]

  5. suuban says:

    farateelo waxaan ku oran lahaa waxaad tahay qof uu cudurdilooday ilaahay ayaana kaa caafinkara dadka aad aflagaadaynaso waxay galaan iyo waxay gudaan soomaali iska daaye caalamka ayaa u qirsan mana xaqirikaro adiga iyo mid kula mid ah meesha aad maanta joogtana in iyaga ilaahay sabab kaaga dhigay waad ogtahay baddana ninkii gatay dadka waad ka taqaan qof na dambi uusan lahayn inaad saarto mahaboona badana markaad gadateen adiga iyo inta kula mabda,a ah waad ogtahay ninkaa u danleedahay maba joogin soomalia laakiin cudurkaad qabto oo qabiiliga ah ayaad qarin wayday

  6. Atoore23 says:

    KU.Faratelo.
    Waxa ad soo qortay waa waxa kaaga jira qalbiga ku buka.Taariikhna ma taqaanid waxna ma qori taqaanid khashiin yahoow JIRAN.Dadka ad caayeysid waa kuwaad BOOGYGA u ahaan jirtey.Markii ay ku fasaxeen baad u malaysay in ad gaartay meel fog.Soo baro taariikhda oo been ha ka sheegin.Ogoowna inta ad nooshahay meel ad joogtidba ayagaa ku xukuma.Waligaaba meelahaas CAYR ka qaado.Doqon abaal laawe ah.

  7. Af cay tamy nin leh ayuu ku yalaa sxb faratelo respect all our presidents plze don abuse …………. mida kale waa wax laga xumaado in kenya ay afla gaa dhayso madaxda somalia waaana ku ceeb

  8. Wiil-Mudug says:

    @Farateelo Ummad Xumaan iskuma wada raacdo, taas Rasuulka SCW ayaa laga wariyay, Runtii Ummad Islaam ah inaad Yuhuud ku sheegtid waa wax laga xumaado, adiga oo kale baana ummada wasakhayna, waxaadna tahay nin u baahan in Ummad la dhaafiyo hadii wanaag la rabo.

  9. John says:

    Wanaagi iyo Sharafti Xil Wareejinta ku dhacday iyo Rajadda Maanta Shacabka Soomaaliyeed soo gashay ayaa waxa ay Kenyaddi isku dayi haaysa, oo waliba Caddaan ah, ama ay Daneyni haayso sidi loo Carqaladeyn laha, Nabadda soo Ifbixi haayso, si markaasi ay meeshi uga sii Wadato Caqligi Horayba u Yara iyo Danihi ay Badda Soomaalidda ka laheyd … Sheekadan oo kale ayaa waxa la yiraahda:- ” Waxa ay Dowladda Kenya Waddato iyo Wabiga yaa Weyn Waaye” … !!?

  10. puntlander says:

    Asc wr wbr
    somlida waxy tiraahda warki jiraaba cakaraha ayuu iman,arinta qaraxa yaa ka dambeeyay waxaa laga raba dowlad kenya in au caddeyso hadalkaa ka so yeeray.
    Laakiin waxan u sheegay walakeey faratello oo isla markiiba arinta ula booday xagga iyo bari iyo reer puntalnd horta waa kuu duceynayaa alaha ku caafiyo.
    tan ku saabsan sayidka iyo darawishta sxb ma mqashay abshir dhoore ammanduulahii darawishta inuu u dhshay reer puntland, tan kale haddii aad is bar bar dhigto darawish iyo shabab oo isku nooc ah mustaqbalka reerka uu ka dhashay shiikh shariif ma lagu timaami doonaa reer gaalada raacay oo la dagalamay mujaahidiin ileyn waa isku mowqife waana isku noocee jawabtas waxaan ka sugayaa faratello.
    faraltello waxad ogaataa caaydu waa calyo cidna wax ma yeesho, dad caay waa duluubaa.
    asc wr wbr

  11. run sheev says:

    Faratelo adiga Somali jaceel uma hadleysid waayo ma ahan qowmiyad dhan in aad cayso hadii Hal AMA laba qof aad xumato ku aragtay ma ahan cid dhan inaad aflagaadeso ma jiro somaliya cid aan gumeeste an soo kaxeen qabiillasto qeeb ayaa gumestaha watay so adiga hada hakala fogeyn somalidda

  12. Amina says:

    War kan @Farateelo la baxay waa mid jiran topicga laga hadlaayey meelkaluu u janjeeriyey iyo qoomiyad Ilaah dhulkiisa ku abuuray,kaaga darane wuxu yiri waa yuhuud ee ha la laayo Subxaanalah,anagaa Bari ka nimi Ilaahna Yuudnagama dhigin Dad Islaam ah baanu nahay, adna Allah nacaybkaaga ha kuu saa’diyo koley waa kuu jeedaayoo daawo ma’lihide cid kalena wax yeeli maysee naftaada dhibkugu qabta ee la dhimo idim Alah.

  13. codeeye says:

    Ummadda Soomaaliyeed aniga ayaa ah doqonka kowaad oo si dhib leh wax ku fahma, anna waxaan fahmay in aay Kenya rabto in qalalaasahu sii socdo si aay u hesho dad hor leh oo aay adeegsato, danta
    aay ka leedahay Somaliya.
    Soomaaliyeey dhag ha u dhiginina hadalka Kenya, aan Raacno Madaxweynaheenna Cusub Mudane
    Xassa Shekh Moxamud, Shariifkana hadda xil uu hayo ma jiro ee aan u ixtraamho sida Madaxweynayaashayadii hore. AAn iska ilaalinno dhabar jabinta Kenya.

  14. sacid says:

    Faratele kan labaxay waxaad tahay Talyanniniga. Dhaleen hadaa tahay. Nin. Soomaali. Oo. Xalaal. Ah. Gumeestaha. Aad kashee keenaysid. Magacooda. Lamaad baxdeen tan kale. Oo Cadaynesa. Waxay Tahay xishoodkaa ilaah. Kaa. Qaadey. Ileen . Ma. Xishoodee. Wuxuu. Doonana. Ku Hadaaqaa.

Leave a Reply