Danjire Bari-Bari oo Boggaadin iyo Dardaaran u Diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Iyadoo dhowaan  loo doortay Soomaaliya madaxweyne cusub ayaa waxaa  isa soo taraaya taageerada iyo hambalyada loo jeedinayo madaxweynaha cusub ee la doortay mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasoo ay dirayaan dadweynaha Soomaaliyeed iyo madaxda beesha caalamka.

Diblomaasiyiin iyo aqoonyahano Soomaaliyeed ayaa ku ammaanay mudane Xasan Sheekh Maxamuud doorkiisii 21-dii sano ee la soo dhaafay uu ka qaatay arrimaha bulshada, gaar ahaan waxbarashada iyo samafalka.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta qaramada midoobay ay ku leedahay magaalada Geneva, Yuusuf Maxamad Ismaaciil Bari-Bari, ayaa wuxuu hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud  iyo  guddoonka cusub ee baarlamanka, isagoo u rajeeyay inuu Ilaahay la garab galo xilalkooda.

Dr. Bari bari oo ku sugan magaalada Geneva oo la soo xiriiray Raxanreeb ayaa sheegay in madaxweyne Xasan uu wax badan ka ogyahay xaaladda Soomaaliya, oo uu leeyahay karti aqooneed iyo mid waayo aragnimo oo ku filan.

Isagoo ka hadlayay hannaanka baarlamaanka cusub uu u doortay hoggaanka sare ee dalka ayaa wuxuu danjiruhu tilmaamay in doorashada ay ahayd mid u dhacday si wanaagsan oo nadiif  ah, taasoo uu sheegay in ay astaan wanaagsan u tahay in Soomaaliya ay u bislaatay nabad iyo horumar.

“Waxaan sidoo kale u mahad celinayaa ra`iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Dr. Cabdi wali Maxamed Cali Gaas oo aan leeyahay waa geesi  Soomaaliyeed oo u soo dhabar adaygay ka mira dhalinta iyo geeddi socodka nabadda ee Soomaaliya,” ayuu Yiri Dr.  Bari-Bari.

Dr. Bari-Bari ayaa sheegay in Soomaaliya  ay maanta haysato fursad aad  qaali u ah, taasoo uu sheegay in beesha  caalamku  ay Soomaliya ka sugayso isbaddel dhaxalgal ah.

“Dowladda  cusub ee Soomaliya waa inay la timaaddaa qorshe la taaban karo, waa in gobollada dalku ay helaan adeegyadii bulshada  ee daruuriga ahaa iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha iyo horumar la taaban karo ,”  ayuu hadalkiisa ku daray.

Danjiraha ayaa intaas ku daray in dowladda Soomaaliya looga fadhiyo biseyl siyaasadeed iyo wax qabad  la taaban karo, isagoo ka hadlayay waxyaabaha horyaalla madaxweyanaha cusub Xasan Shiikh Maxamuud, ayuu sheegay in madaxweynaha uu yahay shakhsi Khibrad dheer u leh  howlahaan iyo la macaamilka beesha caalamka iyo wax u qabadka umadda Soomaaliyeed gaar ahaan waxbarashada , wuxuuna ilaahay uga baryay inuu ku guuleysto arrimahaas.

“ U maleyn maayo  in madaxweyne Dr Xasan Shiikh uu u baahan yahay talo, laakiin wuxuu baahan yahay taageero, waxaana aan sidaa u leeyahay  Pro. Xasan waa nin leh aqoon khibrad iyo waaya aragnimo,  keliya wuxuu u baahan yahay ayaan leeyahay  ayaan dhihi lahaa waa in la siiyaa taageero, in lala shaqeeyo oo la garab istaago,shacabka Soomaaliyeed  99% way ka daaleen fawdo dagaal iyo bahdilid lagu sameeyo  Soomaalida ku nool dibadaha, waxaanan filayaa in madaxweynuhu uu dareensan yahay arrimahaasi oo dhan.” Ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Dr. Yuusuf Maxamad Ismaaciil Bari-Bari, danjiraha xarunta Qaramada Midoobay ee Gineva u fadhiya Soomaaliya.

Danjiraha oo ka hadlayay arrimaha xuquuqda aadanaha ayaa intaasi ku daray in xiriirro badan uu la sameeyay danjirayaal badan oo ka kala socday caalamka, isagoon sheegay inuu billowday shirwaynihii 21-aad ee xuquuqul insaanka ee qaramada midoobay.

 

 RBC Radio

Share

2 Responses for “Danjire Bari-Bari oo Boggaadin iyo Dardaaran u Diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud”

  1. hersi says:

    adeer meel kasta waxaan uga baahanahay weji cusub adigu waad ka daashay qabowga ee alaabta boorsada ku sii xirxiro dhallinyaro iyo maskax furan ayaa loo baahanyahay horumar keenikarta

  2. khadija says:

    bari bari ma birtii calankaa kama dhoco miyaa mise c/llahi yuusuf ayaa ka dardaarmey bari bari habalyada waa waajib balse maaha kursiga igu sii hay.soomali kale ayaa kuu soo socda ee ubanee.

Leave a Reply