Danjire Mahiga Oo Caleema Saarka Madaxweynaha Soomaaliya Ku Tilmaamay Arrin Cusub


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho [RBC Radio] Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliiya danjire Augustine P. Mahiga u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo maanta Axad ah loo caleema saaray magaalada Muqdisho

Mahiga ayaa ku tilmaamay arrintaas mid ku cusub Soomaaliya isla markaana ka dhigeysa dalka ay dagaalada diloodeen mi ka soo kabanaya wixii ku dhacay  adduunyadaha ay diyaar la tahay siddii ay u caawin lahayd si ay hore ugu socdaan.

“Waa maalin kale oo weyn oo Soomaali iyo Dadkeeda u soo hoyatay,” ayuu yiri Augustine P. Mahiga, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya xafiiska siyaasada ee (UNPOS).

Waxa uu yiri caleema saarka madaxweynaha cusub ee la doortay toddobaad ka hor waxa ay calaamad u tahay in la dhameeyo xiliga KMG ah isla markaana ay bilaabeyso qaab kale oo cusub oo dalka kaga baxaayo KMG ah uu ku jiray 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Mr. Mahiga ayaa sheegay in QM ay garab taagan tahay madaxweynaha la doortay isla markaana ay la shaqeyn doonaan si loo helo xasilooni ku soo dabaalida dalka.

Labo maalin ka hor markii la doortay madaxweynaha cusub waxa uu ka badbaaday weerar lagu qaaday hotel uu deganaa halkaasoo uu shir jaraa’id ka jeedinaayay isaga iyo wasiirka arrimaha dibedda dalka Kenya.

Mahiga ayaa cambaareeyay weerarkaas waxana uu sheegay in weerarkaas lagu damacsanaa in lagu hor istaajiyo horrumarka la sameeyay isagoona tacsi u diray dadkii wax ku noqday kuwii dhaawacana waxa uu rajeeyay caafimaad

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

8 Responses for “Danjire Mahiga Oo Caleema Saarka Madaxweynaha Soomaaliya Ku Tilmaamay Arrin Cusub”

  1. [...] More: Danjire Mahiga Oo Caleema Saarka Madaxweynaha Soomaaliya Ku Tilmaamay Arrin Cusub [...]

  2. Somalijecel says:

    Mr Mahiga your painfull time has ended todays date on 16/09/12.Please we are very hungry to see you go to your country of origin,we will never forget your batrayel of Somali poeple.Above all you will be remembereded how you were corrept divieder and Somali enemy nuber one GO GO GO
    Illahay ayaa mahad leh

  3. FARATELO says:

    ASC, Ninkaan la yiraa Mahiga waa shaqsi waqtigiisii dhamaadey hada wixii ka danbeeyana wuxuu ka amar qaadanayaa Dawlada Somaliyeed mida kale Dabadhilifyadii aay samaysatey Dawlada cadawga soojireenka ah ee waqtigoodii waa dhamaadey Gobolkastana Gofanatoore ama Gudoomiye gobol ayuu soo dooranayaa viva Jamhuuriyada Somaliya jilbaha haloo dhigo kuwa raba inaay lugta ku walaaqaan midnimada Somiliyeed iyo horumarkeeda waana in meel looga soo wada jeesto sida Yuhuuda oo kale sc.

  4. talo kusocota madaxwaynaha jamhuuriyada somali mr xasan
    tuugo tuur kaligiis talis tuur jaajuus tuur hunguri xume tuuur hanyare tuuuuuuuur midnimo diid tuuur talo xume tuuuur daba dhilif tuur aniga iga dhig tuur soo kuma xigo tuur tolbaanahay tuur xatooyo xumaha qaran tuur llllllllllllllllllllllllllllllllaaaaaaaaaaaaaaaaaaallllllllllllllllllllllllllllluuuuuuuuuuuuuuuuuuush lalush tur tur tuuur

    hadiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiii uuuuuuuuuuuuuuuu intaas mid falo somalaay xasan tuura

  5. hassan says:

    Somalijecel iyo faratelo mahinga ka fiican dhamaan waxba ha ka urunina faroole iyo GAAS waxaaa hada ku faaneysaan waaa waxoo ka soo shaqeyeeey laba xawayaan baa tihiin walad cabdalla iyo mahinga waxaa 100% fiican mahinga oo daacad ka aha arimaha somaliyeed iyo qabiilada is hayey lkn idinku dowaladnimo arki meysaan tana ninkaan abgaal ma sii jireyso ogaada.

  6. farhan says:

    faratelo
    m hasan isagaa governer ah oo muqdisho aan wada xakumin ee dhul dhacaga hubso
    marka kale riyada iska daaya ee soo cesha hantdii dadka ayaa laga rabaa in uu soo celiyo hasan haduu soo celin waayo guryii iyo beerihii dadka
    caasimadana galkacayo ayaa laga dhigaayaa.

  7. Bootaan says:

    Waxaan galnay waqti cusub ee somaliyeey gacmaha is qabsada

  8. M H F says:

    a c w marka hore hambalyo madaxweyne xassan shiikh maxamud mudane madaxweyne somali wey kuu hanweyntahay wxeyna kuu gubaalihee ganuun ay dooneyso in aad ku dodlato go,aankana adiga ayaa gaari kara ee kaasho caqli iyo cilmiga aad leedahay waana kugu filan yahay inta ka soo hartana oo ah talo waxey isugu tegee iniga wax iga dhig wabilaahi towfiiw

Leave a Reply