Danjire Mahiga Oo Soo Dhaweeyay Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Danjire Mahiga oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Danjire Mahiga oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Muqdisho [RBC Radio] Ergayga gaarka ah ee xoghayah guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Augustine Mahiga ayaa soo dhaweeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shaley baarlamaanka Soomaaliya ay u doorteyn madaxweynaha afarta sano ee soo socota.

Danjire Mahiga ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa Muqdisho waxa uu ku sheegay in doorashadii xaley ay ahayd mid xalaal ah oo ku dhacday si cadaalad ah.

Mahiga ayaa yiri Soomaaliya waxa ay hadda heesataa fursad wanaagsan taasoo loo baahan yahay in laga faa’ideesto, waayo ayuu yiri xubnaha baarlamaanka waxa ay muujiyeen sharaf iyo go’aan ku aadan in ay doortaan qof mustaqbal fiican ku hagi kara Soomaaliya.

Waxa kaloo uu yiri danjiraha gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya doorashada waxa uu miijisay dimuquraadiyada dib uga dhalatay Soomaaliya in ka badan 4o-sano, taasoo lagu soo garay dhib badan oo halka maanta lagu soo gaaray.

War saxaafadeedka ayaa lagu yiri Soomaaliya waxa ay muujisay sida ay uga go’antahay in ay masiirkeeda ka tashato taasoo tusaale fiican u noqon karta Africa iyo adduunka oo dhan.

Madaxweynaha cusub ee afarta sanno ka arrimin doona Soomaaliya waxa u yaala shaqooyin adag oo ay ka mid tahay in xoogga saaro dib u dhiska hey’addaha dowliga  dib u heshiisiinta iyo in daryeel la siiyo dadka Soomaalida ee dagaalada ku jiray 21-sano ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Mahiga ayaa yiri madaxweynaha cusub aqoon u badan u ma lahayn laakin waxa waxaan aqoon u lahaa shaqadii uu bulshadiisa ka dhex hayay iyo Soomaaliya”

Waxana uu hoosta ka xariiqay in uu la shaqeyn doono madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Dhinaca kale beesha caalamka ayaa halmbalyo taas la mid ah u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Mareykanka, Midowga Yurub, Talyaaniga, Ingiriiska Djabuti iyo Qatar ayaa halmbalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, waxana ay u rajeeyeen in uu illaah u fududeeyo shaqada adage e hortaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

RBC Radio

Xafiiska Wararka Nairobi

 

Share

Tags:

3 Responses for “Danjire Mahiga Oo Soo Dhaweeyay Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud”

  1. Khaatumaawi says:

    Mahiga is finished NO MORE now go back to your poor country Tanzania they could use some help too!!!

    SOOMAALIYA GUUL

  2. cawaale says:

    mihiga waxuu meesha urabay shariif saxan iyo gaas kkkkkkkkkkkkkkkk orad galyadii tanzania doono hanoolado masaxwaynaha soomalia

  3. Somalijecel says:

    Mudane madaxweyne MAHIGA waa SAXARO qori dheer isaga fogee yuusan ku sirin waa khaain aan nabad la rabin somaoiya ka fogow

Leave a Reply