Dareen caynkee ah ayey Dadweynaha iyo Siyaasiyiinta Somaliland ka bixiyeen doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya?


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Sept 2012

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xassan SH Maxamuud

Hargeysa(RBC):- Dadweynaha kala duwan ee ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland sida Hargeysa, Berbera, Burco, Boorama iyo kuwa kale ee la midka ah, ayaa si diirran u soo dhaweeyey is-beddelka siyaasadeed ee ka dhacay dalka Soomaaliya iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee xalay lagu doortay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Qaybaha bulshada ee reer Somaliland oo intooda badan shalay illaa xalay si toosa uga daawanayey Shaashadaha TV-yada, dhegta ku hayey Idaacadaha halka qaarkoodna ay si toosa ugala socdeen Shabakadaha Wararka Internet-ka oo daqiiqad kasta si toos ah u soo gudbinayey sida ay u socotay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya lagu doortay, ayaa soo dhaweeyey Madaxweynaha cusub Prof: Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

“Anigu waxaan aad ugu faraxsanahay qaabka xalaasha ah ee nabadgelyada iyo degganaanshaha ah ee ay u qabsoontay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee cusub xalay loogu doortay Xasan Sheekh Maxamuud. Anigu waxaan ahay nin reer Somaliland ah, laakiin waxaan jecelahay inay walaaleheenna Soomaaliya nabad iyo dawlad aan ku-meel-gaar ahayn helaan, waxaana guul u arkaa in Muqdisho shirar badan badan iyo doorasho si nabadgelyo ah uga qabsoonto, waxaanan u rejaynayaa Madaxweynaha la doortay in Illaahay ku asturo hawsha culus ee hor-taalla.” Sidaa waxa yidhi Xasan Ismaaciil oo ka mid ah dadweynaha reer Hargeysa, isla markaana Raxanreeb.com (RBC) uga warramay dareenkiisa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ku aaddan.

Sidoo kale, Nuura Cismaan oo iyaduna ka tirsan Haweenka reer Hargeysa, ayaa Weriyaha Raxanreeb ee Hargeysa u sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay qaabka ay u qabsoontay doorashada Baarlamanka Soomaaliya ku doorteen Madaxweynaha afarta sano ee soo socda hoggaamin doona dalka Soomaaliya.

Nuura waxa ka mid ahaa hadalladeedii oo ay tidhi; “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay sida ay u dhacday doorashada lagu doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh, inkasta oo aan anigu taageersanaa in Madaxweyne loo doorto Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ama Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo isna ahaa Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, laakiin taasi may dhicin, ee haddana waxaan soo dhawaynayaa isbeddelka iyo qaabka nabadgelyada ah ee loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya hoggaamin doona ee aan ku-meel-gaadhka ahayn oo aan u arko nin nasiib badan oo intii ololaha lagu jiray run ahaantii aan ka mid ahayn musharrixiintii sida aadka ah u muuqday.”

Dadweyne badan oo ku kala sugan magaalooyinka Hargeysa, Burco, Berbera iyo Boorama oo la soo xidhiidhay RBC Radio, ayaa iyaguna qaba dareenno macna ahaan ku dhaw iyo kuwo la mid ah aragtida iyo dareenka xubnaha hadalladoodu kor ku xusan yihiin, waxaanay si isku mid ah u hambalyeeyeen Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha xilka wareejinaya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Geesta kale, Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland, Ururrada siyaasadda qaarkood iyo Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland ayaa iyaguna sidan oo kale u soo dhaweeyey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay.

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Wasiirrada arrimaha dibedda iyo madaxtooyada ee Xukuumadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Masuuliyiin ka tirsan Ururrada siyaasadda oo siyaabo kala duwan xalay illaa caawa ula kala hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin qaabka nabadgelyada ah ee ay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya uga qabsoontay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxay guul ku tilmaameen masuuliyiintani qaabka dimuquraaddiyadda ah ee ay Baarlamanka Soomaaliya u doorteen Madaxweynaha cusub iyo sida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ahaa Musharraxa keliya ee ay Madaxweynaha guulaystay isku soo hadheen u hambalyeeyey Madaxweynaha ka guulaystay, una aqbalay natiijada doorashada, isla markaana uu u ballan-qaaday inuu la shaqaynayo dawladda cusub ee uu soo dhisi doono Madaxweynaha la doortay.

Sidoo kale, waxay Masuuliyiintan kala duwani si isku mid ah uga dalbadeen Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud inuu Somaliland u arko dal ka madax-bannaan Soomaaliya, isla markaana halkii ay marayeen ka sii wado wadahadallada bishii June 2012 u bilaabmay Soomaaliya iyo Somaliland. Madaxweynaha la doortay oo ay guul iyo in Illaahay xilka culus ee uu qaaday ku asturo Illaahay uga baryeen, iyaga oo hambalyo iyo bogaadin u diray, sidoo kalena wax lagu farxo waxay ku tilmaameen in ay doorashadii Baarlamanka, Ansixintii Dastuurka iyo doorashada Madaxweynuhu-ba si nabadgelyo ah uga qabsoomaan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqataa in dadweynaha reer Somaliland, Xukuumadda talada haysa iyo Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada iyo Ururrada siyaasadda Somaliland si isku mid ah u soo dhaweeyeen isbeddelka siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya, isla markaana ay ku faraxsan yihiin in qaab amni ah ay u qabsoonto doorashadaasi, isla markaana ay u hambalyeeyeen, guulna u rejeeyeen Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay Prof: Xasan Sheekh Maxamuud.

 

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Share

14 Responses for “Dareen caynkee ah ayey Dadweynaha iyo Siyaasiyiinta Somaliland ka bixiyeen doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya?”

  1. Ali Soomali says:

    dal madaxbanaan kulahaa, xagey ku qoran tahay Somaliland waa dal madaxbanaan?. dowlad rasmi ah ayaa dalka ka curatay min Ras-caseyr ilaa Ras-kamboni baska yuusan idin dhaafin,hala soo wada raaco, ninkii ka hara nasibkiisa (naar gala nasiibje).

  2. M.H.Buraleh says:

    == waxa qudha ee u eg waa inay dib uga noqdaan degaanada Maakhir,Awdal iyo Khaatumo. Cafis dalbaan magdhawna ka bixiyaan dhibtii ay geysteen. Deedna riyada ah === Land runta uga gudbaan somalina ay dhinac ka raacaan.

  3. Sandoon says:

    Addunka lama arag oo lama maqal oo Madaxweyne nin dalkiisi, ummadiisi, dawladiisi, dasturkiisii, daaqada ka tuuray oo hanbalyaynayo ninka qaranamadiisaba xididka uu siibay.

    Waxba yaanu mashxaradin, waxba iska badali maayaan Somalia oo ku heshiisay

    Dowladiina qabiilka haa idin deeqdo, Somalilandna faraha ka qaada.

  4. sniper says:

    Yaryarkan la baxay cali somali iyo kan kale…Adeer toosa oo druufaha la qabsada.
    Somaliland waa dal madax banaan ama diida ama yeela , cid wax idinka waydiinaysaana ma jirto macal asaf…kkkkk

  5. qoono. says:

    walalaheen reer somaliland,waa isu baahanahay,kala tageena waxa uu ina hoosgeeynayaa ethopia,oon kuwada jiri doono,anagoon waxaba isutari karin layskukeen dilayo,.armaad eegtaan mustaqbalka ilmaheena dalkeena ee dambe,,,,somaliwayne,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,guuuuuuuuuuul.

  6. Cergabo says:

    Run waxa weyan in riyada iyo hurdada lagu jiro layska dayo somali gaarigii ka ciladaysna wa ukacay dabetana wa in ninkasta meeshu ka fulilahaa gogoobto inta wax dhowyihin

  7. Cergabo says:

    Runtu waxa weyan in riyada iyo hurdada lagu jiro layska dayo somali gaarigii ka ciladaysna wa ukacay dabetana wa in ninkasta meeshu ka fulilahaa gogoobto inta wax dhowyihin

  8. farah says:

    dadka waqoyiga somaliya degen waxan kula talinaya dowlada somaliya qeytina qata oo riwdan ad usku qanciney san iska ilowba iyo somaliland wa madax banantey wa gobol somaliya ka mida wa gobolada waqoyi labagoblo kamida waxan shegeysan adledihin wa dal madax banan wa burco iyo hargeiysa iska ilawa waxa adunka raca intad laba magalo ku waregeysan

  9. qabqabsey says:

    @Ali Somali

    kkkkkkkk dadka iyo dawlada Somaliland waa soo dhawaynaysaa dawlada rasmiga ah ee ka curatay
    MIN RAS-CASAYR ILAA RAS-KAMBONI WAA sidaad u dhigtay eh kkkkkkkk

    @M.H ,Buraaleh
    kkkkkk ha dag dagin bishu hortaada ayay imanaysaa kkkkkk,uma malaynayo in aad nin somaliya aad tahay ama gabar somaliya.,,,,,,,isir nacaybku yaana kula durkin Sida aad adigu isugu jawaabtayna uma malaynayo in cid caqli iyo cilmi leh oo somaliyeed kula qabto afkaartaada xag jirka ah. ilaahay ha hu caawiyo?aamiin

  10. galmudugstarz says:

    Shacbiga somaliland geesinamada ey caan ku yihiin runtii’ ani hargeisa aan ku sugnahay waxaana ahayn macalin ka soo jeeda gobolka mudug waxna ka dhiga hargeiso, somaliland waa dal madaxbanaan oon eysan cid kale maamulin dhulkooda, waxaa waaye dad nabada,horumarka iyo wanaaga jecel somalinimadana jecel.

  11. somalilader says:

    Ninmamka meesha caqliiga iyo aragtiida gaban laa soo fadhiiya waxaan u sheegaya in somaliland tahay ummad danaheed iyo masiirkeeda ka tashatay, fariimahan logu hambelyeeno M/wrynaha cusub ee somaliyaa ha u qadaniin mid wax ka badalysa mowqiifka cad ee ay umadayadu qadatay. Hadab waxaa idiin hor tallae hawl culus o bahan in aad maskaxdiinma iyo awoodena meel isugu guysan sii dadkiina uga sartan balladan ku habsattay.

  12. sucad says:

    xagay dawlad madaxbanaan ka jirtaa geeridii sanawi ayey ku kashifmeene dawlad kaliya oo ictiraaftay ma jirtaa war dadkiina dhinac ka raaca qabiil dowlad ma noqdo ee riyada ka toosa

  13. ??? ????? ?????? ????? ???? ????? ?????? ?????

  14. Xaqiiq says:

    Al-shabaab Somalilanders baa madax ka ah, ninkana anaga wadana ee cadowga Somaliland waxba yaanu moodin inu wax wado, Somaliland cadowgeeda wey ka horeysa ka dambeysa, dhginacyada waanu ka joogna, masakiin.

Leave a Reply