DEG DEG: Afhayeenka Al-Shabaab oo Goordhow Ka Hadlay Qaraxyadii Suxufiyiinta Iyo Rayidka Ku Dhinteen ee Muqdisho Ka Dhacay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Wakaalada wararka AFP ayaa goordhow sheegtay inay wareysatay afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” oo kahadlay weeraradii ismiidaaminta ahaa ee maqribnimadii caawa ka dhacay goob laga shaaho oo ku taalla guriga Hooyooyinka ee maagalada Muqdisho.

“Falka waxaa fuliyey dad taageerayaasheena ka mid ah oo ka careysan xaalada Soomaaliya” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Laakiin wuxuu sheegay in kooxdaAl-Shabaab aysan amrin weerarkan in la qaado, sida ay sheegtay AFP.

Mareegaha internetka ee raacsan Al-Shabaab ayaa ku waramay in la weeraraygoob ay ku sugnaayeen sirdoonka dawlada Soomaaliya isla markaana ay dhinteen dad ka tirsan ciidamada dawlada.

Tirada khasaaraha dhimashada

Illaa hadda tirada dadka ku dhintay weerarada ayaa gaaraya 14 ruux oo ay saddex ka mid ah yihiin suxufiyiin halka in ku dhow 20 kalana ay dhaawacmeen.  Shan ka mid ahna dhaawacyada waa wariyaal.

Taliska booliska gobolka Banaadir oo ka hadlay weerarada ayaa ku eedeeyay inay weerarada soo qaadeen wax ay ugu yeereen “kooxo nabad diid ah” waxaana boolisku ay sheegeen inay wadaan baaris qaraxyada ku aadan.

Dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay labada qarax ayaa la geeyay isbitaalada waxaana wariyaha Raxanreeb oo caawa booqday isbitaalka Madiina uu soo sheegayaa in dhaawacyada qaar ay culus yihiin.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah shaqaale ka shaqeynayey goobta makhaayada ah iyo dhalinyaro ka xoogsata tirtirida kabaha.

 

 

RBC Radio

Share

9 Responses for “DEG DEG: Afhayeenka Al-Shabaab oo Goordhow Ka Hadlay Qaraxyadii Suxufiyiinta Iyo Rayidka Ku Dhinteen ee Muqdisho Ka Dhacay”

  1. Gabal qariye says:

    inaa lilaahi wa inaa ileyhi rajicun inti dhimatay ilahay how naxariisto inta dhawacantayna ilah how bogo dhayo intaas kadib dee khawarijtu awalba waa lagu yaqiin inay dilaan musliminta astaan bay u ahayd ilahay waxaan waydisanaynaa si dagdag ah inuu wadankeena uga dhameeyo aamim
    aamin

  2. Gabal qariye says:

    inaa lilaahi wa inaa ileyhi rajicun inti dhimatay ilahay how naxariisto inta dhawacantayna ilah how bogo dhayo intaas kadib dee khawarijtu awalba waa lagu yaqiin inay dilaan musliminta astaan bay u ahayd ilahay waxaan waydisanaynaa si dagdag ah inuu wadankeena uga dhameeyo aamim
    aamin..

  3. Atoore23 says:

    Allaah (swt) ha u wada naxariisto inta dhimatay iyo kuwa dhaawaca ahba.Waxaana dhibkaas geystay Shaydaan ka quustay naxariista Rabbi (swt).Dadka dhintayna wakhtigoodii baa markaas ku ekaa.Kuwa dhaawaca ah way u qorayd in uu soo gaaro dhibka gaaray.Waxaase ka masuula habaar qabihii lagu sababay muslimiintaas uu dilay.

  4. asc/salan kadib ale ha u naxaristo gacan ka gardaran a dishay inti dhimatay in ta dhawacantayna ale ha u naxaristo alshabab awalba dan somaliyed ka shaqayn mayn lkn calankas wa dhacay proff xasan sheekh maxamud waxan kula talina inow so magacabo farmajo si ow cidan qaran u dhiso

  5. [...] Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa wakaalada wararka AFP u sheegay caawa in weerarada maanta ka dhacay Xamarweyne ay fuliyeen dad ururkooda taageersan, laakiin aysan iyaga amrin, sida uu [...]

  6. maxamed says:

    inalilahi wana rajucuun waa wax laga argagaxo dadka muslinka ah oo aan waxba galabsan in laxasuqo waa xaran maqdac ah,dadka waxan geystey waa dad banbile yal ah aduun iyo akhiro,sababto ah qof muslin ah oo aan waxaba galabsan qofkii iska dila aduun iyo akhiro wasagey,wana qof daciif ah dadka shaqada kadhigtay isqarxinta,mida kale 2 ayuu danbile yahay waa mide naftisi ayuu haligay,dad aan waxba galabsana wa qarxiyey waa wax folxun diin iyo midna aan aan meel so galin,

  7. Dulmidiide says:

    Rabbi ha u naxariisto muslimiintii dulmiga Lagu laalay. Waxaan leeyahay argaxisadda alshabaab somaliya ka talin maysaan diinta islaamkana uma adeegtan waxaad u shaqeysaan shaydaan. Falalkan xun ee aad shacabka u gaysanaysaan ogaada Guul ku gaarimaysaan ma marka ciidanka xooga dalka iyo walaalaheen idinka ka guulaysteen baad shacabka masaakiinta ah ku ciilbaxaysaan ileen fuldt baad tihiine. Dulmi diidow la dirir daacad noolow la dirir jid iyo jiho diidka

  8. Ali soomali says:

    Cali-dheere toos waa u sheegan waayey mas’uuliyadda qaraxa sababtoo ah wuxuu og yahay in Somalidu ay neceebka shabaab ay u qabaan kawada siman yihiin oo marwalba ay somali ah dilaanba neceebku uu sii weynaanayo, laakiin yuu umaleynayaa inuu qaldi karo. Alshaydaan ma kala jecla soomalida, ajnabiga, muslinka, gaalka intaba waxay u arkaan cadowgooda, xitaa soomalidii hore, geesiyaasii waddanka usoo halgamay iyo culimadii hore oo ayaga aabayaashooda diinka baray ayey qabuuraha ka soo faageen oo lafahooda iibsadeen.

Leave a Reply